Sucuudiga: Nin lagu xidhay haweenka ha la xoreeyo!

Sucuudigu xeerar adag buu saaraa haweenka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sucuudigu xeerar adag buu saaraa haweenka

Wararka ka imanaya Saudi Arabia ayaa sheegayay in nin dalkaa u dhashay lagu xukumay sannad xabsi ah ka dib markii uu ku baaqay in la soo afjaro hab-dhaqanka ah in raggu masuul ka yihiin dumarka, ragga dalkaana awood dheeraad ah u siinaya in ay haweenka maamulaan.

Wargeys maxalli ah ayaa sheegay in ninka lagu eedeeyey inuu baraha internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho ku baahiyey erayo liddi ku ah hab-dhaqankan, sidoo kalena uu waraaqo arrintaa ka hadlaya ku faafiyey magaalada Dammaam.

Ninka ayaa laga soo xigtay inuu yidhi inuu bilaabay olole uu ku caawinayo haweenka eheladiisa ah ee sida xun loola dhaqmo.

Qoraal codsi ahaa oo ay kumanaan Suciidiyiin ahi saxeexeen sannadkan bilowgiisii ayaa ku baaqayey in la soo af-jaro hab-dhaqanka masuuliyadda haweenka ay hayaan raggu.