Safarkii Sh Shariif Kismayo looga joojiyay oo la cambaareeyay

.

Xigashada Sawirka, Sharif Sheikh Ahmed

Qoraalka sawirka, Sharif Sheikh Ahmed

Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray go'aankii ay shalay ay masuuliyiinta dowladda Soomaaliya uga horistaageen inuu Sh shariif u safro Kismayo si uu uga qeybgala caleemka saarka madaxweynaha Jubbaland oo mar kale ku guuleystay doorasho lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay horay u soo saartay amar ah in dhamaan duulimaadyada tagaya Magaalada Kismayo ay 24 saac kahor duulimaadka fasax soo weydiistaan hey'adda duulista rayidka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Go'aankaas ayaa la aaminsa yahay in uu saameeyay Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Magaalada Kismayo, si uu uga qeybgalo caleema saarka Madaxweynaha Jubaland lagu wado in 26 ka dhaco Magaalada Kismayo.

"Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaareynayaa is hortaagi sharci darradda ahaa ee lagu hor istaagay waftigii Xisbiga Himilo Qaran ee ku sii jeeday Magalada Kismaayo oo uu hogaaminaayay Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed", ayaa lagu sheegay warsaxafadeedka.

Waxaa kale oo uu xisbiga Himilo Qaran sheegay in falkii lagu hakiyay duulimaadkaas uu la socday Madaxweyne Seekh Shariif Sheekh Axmewd uu si cad uga soo horjeedaa Karaamada Aadanaha.

Sidoo kale xisbiga Himilo ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaar kamid ah maamul Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka, oo ay kamid tahay Jubaland oo Madaxweynihii hore , Sheekh Shariif lagu waday in uu ka qeybgalo caleema saarka Madaxwweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la filayo inay dhacdo khamiista soo socota.

"Waxaan uga digaynaa Xukuumadda Federalka inay joojiso faragelinta gurracan ee ay Dowlad Goboleedyada ku hayso iyo ku tagri falka awoodeed. Dastuurka Federaalka Jamhuuridda Soomaaliya wuxuu xaq u gaar ah siinayaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka in ayagu is doortaan isna maamulaan".

.

Xigashada Sawirka, Sheekh Shariif

Qoraalka sawirka, Sheekh Shariif ayaa ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo iminka aanan ka hadlin tallaabadan lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, diyaaraddan la xayiray oo ay sidoo kale la socdeen dad rayid ah oo ku sii jeeday Kismayo.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa codkiisa ku biiriyay cambaareynta tallaabada lagu joojiyay safarkii Madaxweynihii hore.

"Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii Kismaayo u dhoofayey", ayuu cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wauxuu intaasi sii raaciyay. "Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran"'.

Tallaabada lagu joojiyay Sheekh Shariif ayaa la aaminsan yahay inay qeyb ka tahay cadaadiska dowladda ay ku saareyso maamulka Jubaland oo ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn dhamaan doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismayo.

Jubaland iyo Puntland ayaa iyaguna cambaareeyay go'aanka lagu xayiray Sheekh Shariif.

Dowladda ayaa horay usoo saartay amar ah in dhamaan duulimaadyada tegaya, kana yimaada Magaalada Kismayo ay soo maraan Magalaada Muqdisho.