Berbera: Sarkaal ku dhintay shil gaadhi

.
Qoraalka sawirka, .

Shilalka ka dhaca wadooyinka Somaliland ayaa waxay sii bataan marka ay roobabku da'ayaan, waxaana shilalkaas gaadiidka ku geeriyooda dad badan.

Wadada u dhexaysa Hargaysa iyo Berbera ayaa shil baabuur oo ka dhacay waxa ku dhintay, Korneyl Cabdiweli Cabdillaahi Warfaa, oo ahaa taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland iyo Axmed Casayr oo ahaa nin qurba joog ah oo la socday korneylka.

Baabuurkii ay wateen la socdeen labada marxuum ee geeriyooday iyo mid kale ayaa isku dhacay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo haatan lagu dawaynayo isbitaalka Berbera.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil, Axmed Cismaan Xasan (Timacade) oo warkan BBC-d u xaqiijiyay, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciidanka nabad gelyada wadooyinka ee Taraafik-gu ay baadhayaan shilkaas.

Weriyaha BBC, Axmed Saciid Cige, ayaa ku soo waramaya in xilligan roobabku da'yaan ay bataan shilalka baabuurtu , iyadoo ay jiraan baabuur daadadka ka soo rogmada dooxyadu ay ku qaadeen Hargeysa iyo meelo kaleba ilaa shalay, laakiin se aan wax khasaare nafeed ah la soo sheegin.