Masar: Dablay lix askari ku dilay gobolka Siinaay

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka Masar ayaa sheegay in ugu yaraan lix askari iyo afar iyo labaatan mitidiin ahi ku dhinteen weerar ka dhacay goobo ilaalo ciidan ah oo ku yaal woqooyiga Sinia, kaas oo ah weerarkii labaad ee weyn ee dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay gudahood dhacay.
Af-hayeen u hadlay milatariga ayaa sheegay in askartu iska difaaceen waxa uu ku tilmaamay weerar argagixiso oo dhicisoobay oo ka dhacay magaalada Cariish.
Xogo laga helay saraakiisha nabad gelyada iyo goobaha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa labaatan askari oo ka tirsan ciidanka nabad gelyadu ku dhaawacmeen weerarkaas oo in ka badan boqol maleeshiyo ahi ku qaadeen goobahaa ilaalada ee ciidanku ku leeyahay magaalada xuduudka ku taal ee Sheekh Suweyd.
Weerarkani wuxu daba socday weerar kale oo Jimcihii lagu qaaday goob ilaalo ciidan ah oo ku taal Cariish.






