Qaxooti reer Congo ah oo u qaxaya dalka Zambia

Qaxooti reer Congo

Xigashada Sawirka, Inpho

Qoraalka sawirka, Qaxooti reer Congo

Qaxootiga ka qaxay dalka Jamhuuriyada dimoqraadiga ee Congo ee u qaxay dalka Zambia ayaa ha'yadda Qaramada Midoobay uu sheegay in ay bartilmaameed u noqdeen xoogaga dowladda Congo.

Ilaa iyo shan boqol oo qof ayaa maalin walba ka tallaaba xadka dalkaasi uu la leeyahay Zambia, kuwaasoo ka cararaya dhibaatooyinka ka taagan qeybo badan oo kamid ah dalkaasi.

Qaxootigan ayaa intaa ku daray in cidammada dalkaasi ay dilayeen dad rayid ah, ayna kufsadeen dumar. Waxaa kale oo ay qaxootigani sheegeen in ciidammada dowladda ay sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo, ayna halkaasi ka qateen raashin u keydsanaa.

Qaramad Midoobay waxaa ay sheegtay in sababta loo bartilmaameedsanayo dadkani ay tahay in aan la kala sooci karin maleeshiyaadka Kamuina Nsapu iyo dadka rayidka.

Waxaa jiray qulqulatooyin ka taagnaa dalka Congo, waxaana ugu darran qalalaaasaha ka taagan gobolka Kasai ee dalkaasi Congo.

Maleeshiyaadka Kamuina Nsapu ayaa ah kuwa inta badan weerara dadka la shaqeeya dowladda iyo xarumaha dowladda.

Rabshadahani ka soo cusboonaaday dalka Congo ayaa waxaa ku barakacayay dad gaaraya hal milyan oo ruux.

Xiisadaha ka taagan dalka Congo ayaa noqonaya culeys hor leh oo soo foodsaaray madaxweynaha uu muddo-xileedkiisi dhamaaday ee Joseph Kabila