Boqor Cabdullah: "Ma aqbali karno qaxooti kale"

Boqor Cabdullah "waxaan gaarnay meeshii ugu danbaysay ee qaxooti aan ku qaadan karno"

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boqor Cabdullah "waxaan gaarnay meeshii ugu danbaysay ee qaxooti aan ku qaadan karno"

Boqor Cabdullah ee Urdun ayaa BBC u sheegay, in waddankiisa uu gaaray meeshii ugu danbaysay ee uu ku qaadan karo qaxooti dheeraad ah oo reer Suuriya ah.

Isagoo hadlaya ka hor intaan la qaban shir deeq bixiyayaasha oo lagu qabanayo London Khamiista oo lacag loogu arruurinayo Suuriya, Boqor Cabdullah ayaa sheegay Urdun inaysan sii wadi karin inay aqbasho qaxooti hadii aysan helin taageero, oo ay ku jirto in shaqo loo abuuro dadka reer Urdun.

Waddanka ayaa aqbalay boqolaal kun oo qaxooti reer Suuriya, Falastiiniyiin, iyo Ciraaq iyagoo ah labaatan boqolkiiba dadka waddanka.

Urdun ayaa marti galinaysa 635.000 qaxooti reer Suuriya oo ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay.
Qoraalka sawirka, Urdun ayaa marti galinaysa 635.000 qaxooti reer Suuriya oo ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay.

Boqorka ayaa BBC u sheegay in culays wayn ay saaran tahay adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay in caalamka inuu caawiyo Urdun hadii ay rabto hadii ay rabto Urdun inay qaxooti ay qaadato.

Qaramada Midoobay ayaa codsanayso $7.7 bilyan si ay gargaar u siiso 22.5 milyan oo qof ee jooga Suuriya iyo dalalka deriska sanadka danbe.

43% oo kaliya ayaa la bixiyay lacag dhan 2.9 bilyan oo ay codsatay 2015-tii.

Tobanaan sano ayay Urdun soo dhawaynaysay dad ka soo carararaya dagal oo isugu jira Falastiiniyiin, reer Ciraaq iyo hadda oo ay imaadeen Suuriyiin badan. Waxay hadda yihiin ku dhawaad labaatan boqolkiiba dadka ku nool waddanka.

Markii ugu horaysay, Boqor Cabdullah ayaa sheegay "ma aqbali karno qaxooti kale."

Iskuulada, Isbitaalada iyo shaqooyinka ayaa cadaadis ay saaran yihiin. Boqorka ayaa ka qayb galaya shirka deeq bixiyayaasha ee London.

Hadii hagaamiyayaasha Yurub ay doonayaan inuu shaqo u abuuro dadka reer Suuriya si ay gobolka u joogaan, wuxuu doonayaa gargaar waqti dheer ah oo sidoo kale shaqo loogu abuuro dadka reer Urdun.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Philip Hammond ayaa balanqaaday Isniintii in la kordhinayo caawinaada Urdun.
Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Philip Hammond ayaa balanqaaday Isniintii in la kordhinayo caawinaada Urdun.

Dalka Urdun, 1% qaxootiga Suuriya ayaa haysta sharci ay ku shaqaystaan. Boqorka ayaa og hadii uu furo suuqa shaqada inay ahaanayso arrin aan la jeclayn, hadii uusan fursado shaqo u samayn dadkiisa.

Urdun ayaa haysa 635,000 oo qaxooti reer Suuriya ah oo ka mid ah 4.6 milyan oo ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay.

Dowladda ayaa sheegaysa in in ka badan milyan kale oo reer Suuriya ah inay ku nool yihiin Urdun, oo ay ku jiraan dad yimid dagaalka ka hor.

Waraysi uu siiyay BBC, boqor Cabdullah ayaa sheegay in Urdun ay hayso dhibaato qaxootiga darteed. Boqolkiiba labaatan iyo shan miisaaniyada dowladda ayaa lagu bixiyaa caawinaada qaxootiga, adeegyada bulshada ayaa ciriiri ku jira iyadoo dad badan ay shaqo la'aan yihiin.

Labaatan iyo shan boqolkiiba miisaaniyada Urdun ayaa ku lagu bixiyaa caawinaada qaxootiga, ayuu dhahay boqorka.
Qoraalka sawirka, Labaatan iyo shan boqolkiiba miisaaniyada Urdun ayaa ku lagu bixiyaa caawinaada qaxootiga, ayuu dhahay boqorka.

Wuxuu sheegay in markii ay imaadeen in ka badan hal milyan oo qof Yurub inay waddamada Yurub ay fahmeen culayska haysta Urdun.

"Waxay ogaadeen hadii aysan caawin Urdun, waxay ku noqonee dhib wayn inay wax ka qabtaan dhibaatada qaxootiga.

UK, Jarmalka, Norway, Kuwait iyo Qaramada Midoobay oo ku qabanaya shirka deeq bixiyayaasha London ayaa sheegay in caalamka uu kordhiyo caawinaada uu siiyo 13.5 milyan ee reer Suuriya iyo malaayiin dibadda u qaxay.

Waxay doonayaan inay arruuriyaan lacag cusub, in la helo xal caawinaad waqti dheer iyo sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin waqtiga fog dadka dhibaatada ay hayso, si loogu sameeyo shaqo, waxbarashana loo siiyo.