Dameero ku "dibedbaxay" Nairobi

Magaalada Nairobi ee Kenya ayaa saakay lagu arkay dameero lagu soo qorey "Tumechoka" oo micnaheedu yahay "waan daalnay".

Ereygan ayaa halkudhag looga dhigay dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrida dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.

Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerradaas.

Dameero dibedbaxay

Xigashada Sawirka, other

Qoraalka sawirka, Magaalada Nairobi ayaa ku waabariisatay dameero lagu soo daadiyay bartamaha magaalada
Dameero dibedbaxay

Xigashada Sawirka, other

Qoraalka sawirka, Dadweynaha magaalada ayaa u daawasho tegay dameerada waddada lagu soo daadiyay
Dameero dibedbaxay

Xigashada Sawirka, other

Qoraalka sawirka, Dameerada waxaa lagu qoray ereyga "Tumechoka" oo micnahiisu yahay waan daalnay.
Dameero dibedbaxay

Xigashada Sawirka, other

Qoraalka sawirka, Ereygan "Tumechoka" waxaa uu halkudhag u ahaa kooxo horey u qabtay dibedbaxyo looga soo horjeedo ammaan darrida dalka ka jirto.
Dameero dibedbaxay

Xigashada Sawirka, other

Qoraalka sawirka, Dowladda hoose ayaa ugu dambeyntii baabuur ku qaadday dameerada "dibedbaxayay"