Digniin loo diray fallaagada K Suudaan

Museveni

Madaxweynaha Yugaandha ayaa digniin culus u diray hoggaamiyaha fallaagada Suudaanta Koonfureed.

Yuweri Museveni ayaa sheegay in haddii madaxweynihii hore ee Suudaanta Koonfureed uu diido dadaallada nabadda, ay waddamada gobolka "raadsan doonaan".

Ma caddo tallaabada ay qaadi doonaan waddamada gobolka marka la gaaro maalinta berri ah, oo ah xilliga kama dambaysta ah ee ay waddamada gobolka u qabteen laba dhinac inay miiska wadahadalka so fariistaan.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo laga dayrinayo xaaladda carruurta dalkaas.

Kumannaan carruur ah ayaa waalidiintooda ka lumay, kaddib markii ay colaadda ka socota Suudaanta Koonfureed, sida ay sheegtay hay'ad samafal ah.

Hay'adda Save the Children ayaa sheegtay in carruur badan ay iskood ugu nool yihiin miyiga fog ee dalkaas.

Suudaanta Koonfureed

Qaar ka mid ah carruurta ayaa goobjoog u ahaa waalidkooda oo la dilayo iyo guryahooda oo la bililiqeysanayo.

Dagaalka Suudaanta Koonfureed ayaa laba toddobaad ka hor ka billawday caasimada Juba, waxaana uu ku fiday inta badan dalkaasi.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad kor u dhaafayo 1,000 ruux.

Suudaanta Koonfureed ayaa ka go'day dalka Suudaan sanadkii 2011-ka, kaddib sanado dagaallo sokeeye ay socdeen.

In ka badan 121,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda markii uu dagaalka billowday, waxaana qoysaskaasi qaarkood ayaa kala lumay, sida ay sheegtay hay'adda Save the Children.

Hay'adda ayaa intaa ku dartay in caruurta waalidiintooda ka dhuntay ay qaarkood ku dhuumanayaan goobo go'doon ah, oo aysan helayn biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Suudaanta Koonfureed

"Muddo saddex maalmood gudahood ah, waxaan diiwaan galinay 60 caruur ah oo ku cidleysan xero ku taalla caasimada Juba" ayay tiri Helen Mould oo Save the Children ka tirsan.

Dagaalka Suudaanta Koonfureed ayaa ka billawday loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar, balse markii dambe dagaalka ayaa isu baddelay mid weji qabiil leh.

Suudaanta Koonfureed

Dowlada dalkaasi ayaa ku baaqday xabad joojin, balse ciidammada ayaa sheegay inay weli dagaal kula jiraan dagaalyahanno mucaarad ah oo ku sugan goobaha shidaalka laga qodo ee Woqooyiga dalkaas.

Suudaanta Koonfureed

Dhex dhexaadiyayaal ka socda Bariga Afrika ayaa labada dhinac ee dagaalamaya u qabtay ilaa Talaadada berri ah inay ku soo afjaraan colaadda.