Sawirro: Maamuuska Boqortooyada iyo Boqornimada Charles

Dadki tirada badnaa ee isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle si ay Boqoradda greeriyootay ixtiraam ugu muujiyaan, waxaa la yaab ku noqotay marki albaabka qasriga laga galo ay ka soo muuqdeen William iyo Catherine, Amiirka cusub iyo Amiirada Wales, oo ay wehliyaan Amiir Harry iyo Meghan.

Si wadajir ahna waxay u maamuseen boqoradda ugu muddada dheereed ee geeriyootay iyo dadki kale oo halkaa ku sugnaa.

Muddo ka badan laba sano waa marki ugu horreysay oo meel fagaara ah lagu arko afartooda oo wada socota.

Crathie Kirk, oo ah kaniisad u dhow Balmoral ee Scotland, saddexda carruurta ee boqoradda, Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo Amiir Edward, ayaa ka mid ahaa xubnaha qoyska ee daawaday ubax sharafeed halkaa la dhigay.

Afarta gabdhood oo ay Boqradda ayeyda u tahay Zara Tindall, Amiirad Beatrice iyo Eugenie iyo Louise windsor, iyo wiilka ugu yar ilmaha ay ayeyda u tahay Peter Phillips ayaa sida oo kale booqashada ku wehliya.

Horaantii maalintaas, Boqor Charles III ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu boqor yahay, ka dib marki ay Khamiistii geeriyootay hooyadii, Boqorad Elizabeth II..

Boqor Charles xilli uu Qasriga St James uu kula kulmay guddiga xilwareejinta wuxuu sheegay inta noloshiisa ka dhiman inuu boqortooyada u adeegayo.

Khudbadiisa wuxuu ku amamanay boqoradda geeriyootay isaga oo sheegay "qasaaraha geerida boqoradda ka soo gaaray iney tahay mid aad u weyn."

Waxaa boqorka munsabadii Sabtidi dhacday ku garab joogay boqorad Camilla iyo dhaxal-sgaha Amiir William.

Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ay ka midtahay Ra'isal wasaare Liz Truss, oo xilka loo magacaabay horraantii toddobaadkan.

Waxaa kale oo xubnaha goob joogga u ahaa munaasabaddaasi waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Labour Keir Starmer oo ay wehliyaan Raysal wasaarayaashi hore Gordon Brown, Boris Johnson, David Cameron, Theresa May iyo John Major.

Shaacinta Boqorka cusub waxaa saxiixay mas'uuliyiin sarsare uu ka mid ahayd madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt iyo wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Shaacinta labaad waxaa laga akhriyey isgoyska boqortooyada oo ku yaalla magaalada London.

Munaasabadda shaacinta kaddib Boqor Charles III wuxuu ku laabtay qasrika Buckingham. Caleema-saarka rasmiga ee boqorka waxaa laga yaabaa inuu wakhti dheer qaadan, 16 bilood ayaana ka soo wareegtay dhimashadii Boqorad Elizabeth II uu caleemo saarkeedu ahaa June 1953.