Sawirro: Maamuuska Boqortooyada iyo Boqornimada Charles

Catherine, William, Harry iyoMeghan

Xigashada Sawirka, Reuters

Dadki tirada badnaa ee isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle si ay Boqoradda greeriyootay ixtiraam ugu muujiyaan, waxaa la yaab ku noqotay marki albaabka qasriga laga galo ay ka soo muuqdeen William iyo Catherine, Amiirka cusub iyo Amiirada Wales, oo ay wehliyaan Amiir Harry iyo Meghan.

Si wadajir ahna waxay u maamuseen boqoradda ugu muddada dheereed ee geeriyootay iyo dadki kale oo halkaa ku sugnaa.

Muddo ka badan laba sano waa marki ugu horreysay oo meel fagaara ah lagu arko afartooda oo wada socota.

Amiir William oo salaamaya dadki isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle

Xigashada Sawirka, Andrew Coulridge / Reuters

Amiir Harry oo dad ku salaamaya mar uu ka soo baxay qalcadda weyn ee Windsor Castle

Xigashada Sawirka, PAUL CHILDS/Reuters

Amiirad Catherine oo qalcadda weyn ee Windsor Castle dad ku salaameysa

Xigashada Sawirka, Paul Childs / Reuters

Megan oo qalcadda weyn ee Windsor Castle dad ku salaameysa

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/PA

Crathie Kirk, oo ah kaniisad u dhow Balmoral ee Scotland, saddexda carruurta ee boqoradda, Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo Amiir Edward, ayaa ka mid ahaa xubnaha qoyska ee daawaday ubax sharafeed halkaa la dhigay.

Amiir Eugenie, Amiirad Zara oo daawanaya ubax sharafeedka

Xigashada Sawirka, Owen Humphreys/PA

Louise Windsor (Midig) Amiiradda York ee Beatrice (Bidix) iyo Sophie, oo daawanaya ubax sharafeedka halkaa la dhigay

Xigashada Sawirka, Jeff J Mitchell / Getty Images

Afarta gabdhood oo ay Boqradda ayeyda u tahay Zara Tindall, Amiirad Beatrice iyo Eugenie iyo Louise windsor, iyo wiilka ugu yar ilmaha ay ayeyda u tahay Peter Phillips ayaa sida oo kale booqashada ku wehliya.

Louise oo ubax ku daawaneysa qalcadda Balmoral Castle

Xigashada Sawirka, Tim Rooke/REX/Shutterstock

Horaantii maalintaas, Boqor Charles III ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu boqor yahay, ka dib marki ay Khamiistii geeriyootay hooyadii, Boqorad Elizabeth II..

Boqor Charles III oo khudabaddiisi ugu horreeyey jeediyey

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady/PA

Boqor Charles xilli uu Qasriga St James uu kula kulmay guddiga xilwareejinta wuxuu sheegay inta noloshiisa ka dhiman inuu boqortooyada u adeegayo.

Khudbadiisa wuxuu ku amamanay boqoradda geeriyootay isaga oo sheegay "qasaaraha geerida boqoradda ka soo gaaray iney tahay mid aad u weyn."

Boqor Charles III

Xigashada Sawirka, Victoria Jones / Pool / via Reuters

Waxaa boqorka munsabadii Sabtidi dhacday ku garab joogay boqorad Camilla iyo dhaxal-sgaha Amiir William.

Amiir William Amiirka Wales (Bidix), Camillaa xaaska Boqoradda (Dhexda) iyo Boqor Charles III (Midig)

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady / POOL / AFP

Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ay ka midtahay Ra'isal wasaare Liz Truss, oo xilka loo magacaabay horraantii toddobaadkan.

Waxaa kale oo xubnaha goob joogga u ahaa munaasabaddaasi waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Labour Keir Starmer oo ay wehliyaan Raysal wasaarayaashi hore Gordon Brown, Boris Johnson, David Cameron, Theresa May iyo John Major.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Shaacinta Boqorka cusub waxaa saxiixay mas'uuliyiin sarsare uu ka mid ahayd madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt iyo wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt oo Axdiga saxiixeyso

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon oo saxiixeysa oo axdiga saxiixeyso

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Munaasabadda oo Boqorka si rasmi ah ugu dhawaaqayo

Xigashada Sawirka, Jamie Lorriman/Pool via REUTERS

Munaasabadda Boqornimada Bor Charless III lagu shaacinayo

Xigashada Sawirka, Richard Heathcote/Pool via REUTERS

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Xigashada Sawirka, Tolga Ovali/Anadolu Agency via Getty Images

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Xigashada Sawirka, Daniel Leal/PA

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Xigashada Sawirka, Tolga Akman /EPA-EFE

Shaacinta labaad waxaa laga akhriyey isgoyska boqortooyada oo ku yaalla magaalada London.

Dad ku sugan afaafka goobta lagu shaacinayey

Xigashada Sawirka, Pool via Reuters

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday xabbado boqorka lagu maamuusayo.

Xigashada Sawirka, Toby Melville/PA Wire

Bannaaka kore ee qasriga Boqortooyada

Xigashada Sawirka, Toby Melville/PA Wire

Munaasabadda shaacinta kaddib Boqor Charles III wuxuu ku laabtay qasrika Buckingham. Caleema-saarka rasmiga ee boqorka waxaa laga yaabaa inuu wakhti dheer qaadan, 16 bilood ayaana ka soo wareegtay dhimashadii Boqorad Elizabeth II uu caleemo saarkeedu ahaa June 1953.

Boqor Charles III oo gaaray qasriga Buckingham

Xigashada Sawirka, Henry Nicholls / Reuters