You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Doorashada Kenya 2022: Maxaa hortaagan shaacinta natiijada doorashada Kenya?
Waxaa dalka Kenya ka socota tirinta codadka doorashada Madaxweynaha iyadoo si weyn ay isku hayaan Madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo Ra'iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga.
Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aan la jabsan nidaamka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Kenya xilli si weyn looga dhuursugayo natiijada doorashada madaxtinimada ee Talaadadii ka dhacday Kenya.
"Arrin noocaas ah ma dhicin, waa xog khaldan" ayuu yiri madaxa fullinta ee guddiga doorashada Kenya , Marjan Hussein Marjan.
Baraha bulshada Kenya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan in natiijo been abuur ah la geliyay xilli guddiga doorashada ay xaqiijinayaan codadka doorashada Madaxweynaha.
Xog tirinta codadka ah oo ay sameysay warbaahinta ayaa muujineysa in labada musharax ee ugu cadcad ee kala ah Raila Odinga iyo William Ruto ay si aad ah isugu dhaw yihiin.
Laakiin guddiga doorashada oo kaliya ayaa ku dhawaaqi kara cidda ku guuleysata doorashada - waxayna heystaan muddo toddoba maalmood ah oo ka billaabato maalintii codbixinta.
"Waxaan ka baqeynay in la jabsado nidaamkeena tirinta codadka balse waxaan xaqiijinayaa in dhammaan qalabkeena yaalla guud ahaan dalka in la sugay amnigiisa" ayuu yiri Marjan oo shaley la hadlayay warbaahinta.
Mar sii horreysay guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo ku aadan kala duwanaanshiyaha tirinta ee warbaahinta kala duwan balse natiijada kama dambeysta ah ay isku mid noqon doonto maadma ay heel meel ka soo xiganayaan isku darka codadka.
Maxaa ka socdaa xarunta weyn ee lagu tirinayo codadka?
Saraakiisha guddiga doorashada ee ku sugan xarunta Bomas ayaa si weyn ugu mashquulsan tirinta codadka doorashada Madaxtinimada.
Jimcihii, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa qiray in hannaanka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha ay wakhti badan qaatay isla markaana eedda dusha uga tuuray wakiilada axsaabta ee ku sugan goobta.
Saraakiisha guddiga doorashada ayaa hubsanaya iskuna daraya natiijada in ka badan 46,000 oo goobaha codbixintaa natiijada ka soo baxday, kuwaas oo haatan la geeyay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Tirinta warbaahinta
Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan warbaahinta kala duwan ayaa si weyn ugu howlanaa tirinta codadka iyagoo bartooda Online-ka ku daabacayay natiijada hadba codadka doorashada ay guddiga doorashada ka helaan.
Tan iyo subaxnimadii shaley aheyd , warbaahinta gudaha waxay hoos u dhigeen tirinta codadka doorashada- inkasta oo aysan kala caddeyn sababta ka dambeysa, dadka qaar waxay sheegayaan in shaqaalaha warbaahinta ay daaleen.
Walaaca ay muujinayaan shacabka Kenya
Waxaa dalka laga dareemayaa walaac laga qabo hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashada iyadoo doorashooyinkii hore ee lagu muransanaa ay sababeen rabshado ama gabi ahaanba meesha laga saaro natiijada doorashada.
Kadib rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkii 2007-dii, ugu yaraan 1,200 qof ayaa lagu dilay halka 600,000 ay guryahood ka qaxeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in doorashada lagu shubtay.
Sanadkii 2017-dii kadib khalaadkii dhinaca farsamada ahaa waxay Maxkamadda ugu sarreysa Kenya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday natiijadii doorashada, waxaana dib loo qabtay doorashada Madaxweynaha.
Saraakiisha guddiga doorashada waxay haatan dadaal dheer u galeen in wax kasta ay saxaan.
Goormaa lagu dhawaaqaya natiijada?
Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed.
Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada madaxtinimada.
Murashaxa ku guuleysata doorashada madaxtinimada:
- Waa in uu helo in ka badan kala bar codadka doorashada laga dhiibta guud ahaan dalka.
- Ugu yaraan in qofka auu helo boqolkiiba 25% codadka laga dhiibtay ugu yaraan 24 maamul-goboleed. Kenya waxay ka kooban tahay 47 maamul goboleed.
Haddii qofka uu suurtgeli weyso in uu helo codadkaas sida sharciga dhigayo waa in 8-da September lagu celiyo doorasho kale.