Doorashada Kenya 2022: Duco, oohin iyo hanjabaad hareeyay ololaha doorashada Kenya ee maanta la soo gabagabeeyay

Tallaabo u dhiganta Trump in uu Clinton ku taageerayo doorashada Mareykanka, ayaa ka socota Kenya, iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu doonaya in madaxweyne loo doorto ninka ay horey cadaawadda uga dhexeysay haatan ay saaxibka yihiin Raila Odinga-isaga oo arkayo

Ku xigeenkiisa William Ruto ayaa halgan ugu jiro sidii uu uga guuleysan lahaa doorashada 9-ka bisha August.

Waxay keentay loolan siyaasadeed oo uu Mr Ruto isku sheegay inuu yahay "nin xoogsata ah", isagoo la dagaallamaya waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida - Kenyatta iyo Odinga - oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

isaga oo isku dayayo in uu soo jiito dareenka shacabka Kenyanka ah, waxaa la arkayay isaga oo duceysanayo isla markaana ooyayo, wuxuu ku anddacooday in madaxweyne Uhuru uu u hanjabayo.

"Aniga iyo adiga waan loolami karnaa mar haddii aadan dili doonin carruurteyda. Aan is xushmeyno," ayuu yiri Ruto oo ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed.

Uhuru oo ka jaawabayay eedeymaha uu jeediyay wuxuu yiri, "Ku dhawaad saddex sano ayaad i aflagaadeyneysay, ma jiraa qof ku taabtay?"

Murankooda Uhuru iyo ku xigeenkiisa wuxuu wejo kale u yeelayay ololaha doorashada Kenya iyadoo Kenyatta uu taageero u muujiyay Raila Odinga oo kamid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxtinnimada.

"Madaxweynaha wuxuu arrinta Ruto u baddalay inay is dhaafsadaan hadallo kulul, Ruto wuxuu hilmaamay ninka la tartamayo oo ah Raila" ayuu yiri brofasoor Masibo Lumala oo ah falaanqeeye siyaasadda Kenya mar uu la hadlayay BBC-da.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay "Madaxweynaha wuxuu ku guuleystay in uu kasoo horjeesto ku xigeenkiisa, taasoo ka careysiisay ku xigeenkiisa, ma ahan tallaabo fiican"

Tallaabada uu madaxweyne Kenyatta ku taageeray Mr Odinga ayaa loo arkayay isku day uu ku doonayo in uu ka tego saameyn si uu mideeyo laba qoys oo si wada jir ah ula dagaalamay gumeystihii Ingiriiska - kuwaas is khilaafay 1966.

Maxay ka dhigan tahay in Uhuru uu tuuro Ruto, waxay sanadkii 2013-kii sameysteen isbaheysi ay kaga hortagayeen dacwadihii loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib rabshadihii doorashada ee dhimashada horseeday ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii.

"Wixii iyaga mideeyay ayaa meesha ka baxay," ayuu yiri Prof Munene oo intaas ku daray: "Hadda Ruto wuxuu rabaa in la doorto, Uhuruna wuxuu rabaa in uu raad ka tego sidaas darteed danahooda ayaa isku dhacay."

Mr Kenyatta iyo Odinga ayaa isku dhawaaday kadib doorashadii la isku khilaafay sanadkii 2017-dii, Raila Odinga wuxuu xilliggaas qaadacay natiijada doorashada, wuxuu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha ay soo saaraan shirkadaha lala xirirriya qoyska Uhuru, wuxuu xilliggaas Raila isku tilmaamay 'madaxweynaha shacabka' kadib isu soo baxyo ballaaran uu ku qabtay Nairobi.

"Mr Odinga waxa uu u muuqdaa mid quus ka taagan xaaladda, da'diisa awgeed, tanina waxay u muuqataa inay tahay fursadiisii ​​ugu dambaysay ee doorashada," ayuu yiri Prof Munene.

Qoysaska Uhuru iyo Raila waa kuwa taajiriin ah, waxa ay hantidoodu ku fadhido ma cadda, laakiin dadweynaha waxay arkeen hantida Kenyatta markii la shaaciyay warbixintii Pandora Box ee qeexeysay maalgashiga dibadda iyo shirkadahooda kuwaas oo lagu qiyaasay $30 malyan oo doolar.

Mr Ruto ayaa sidoo kale ah maalqabeen, balse waxa uu isu muujiyay inuu yahay qof digaag iyo laws mar ku iibin jiray waddada dhinaceeda isla markaana fahmaya dhibka haysta dadka saboolka ah, kana shaqeyn doono danaha dadka haddii la doorto.

"Anaga waxaan ku mashquuli doonaa sare u qaadidda nolosha dadka saboolka ah, halka dad kale ay ku mashquulsan yihiin oo ay ku sugan yihiin huteellada, waxay qorsheynayaan sidii ay meesha ku keeni lahaayeen madaxweyne ay iyagu maamulaan, iyagoo ka shaqeynaya danahooda gaarka ah," ayuu yiri Ruto.

Raila Odinga wuxuu musharrax madaxweyne ku xigeen u xushay haddii uu guuleysto haweeney horey u ahaan jirtay wasiirka caddaaladda, Martha Karua.

Mr. Ruto ayaa sidaas darteed hal-ku-dhigga uu sameystay ee "Qaranka xoogsatada ah" oo uu ula jeedo da'yarta u halgamaysa sidii ay nolol maalmeedkooda u soo dhacsan lahaayeen, wuxuuna ballan qaaday in wax laga qaban doono dhaqaalaha, isagoo sheegay in ay faa'iido u yeelan doonto dadka saboolka ah.

Raila Odinga wuxuu sheegay in uu diiradda saari doono wax soo saarka dalka iyo warshadaha sidii shaqo loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laba milyan oo qoys oo danyar ah uu u ballan qaaday in uu bishiiba uu siin doono 6,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 50 doolar kana mid ah sanduuqa ilaalinta bulshada ee cusub haddii loo doorto madaxweyne

Sidoo kale, waxaa doorashada madaxweynana u tartamaya labo musharrax oo kale oo qareen ah oo lagu kala magacaabo, George Wajackoyah iyo David Mwaure.

  • George Wajackoyah, wuxuu ballaan qaaday in uu sameyn doono shaqo abuur isla markaana uu xoojin doono wax soo saarka xashiishka.
  • David Mwaure, wuxuu sheegay in haddii lasoo doorto uu ciribtiri doono musuq maasuqa.

Khubarada qaar ayaa saadaaliyay in midkoodna musharaxa uusan kheli doonin wax ka badan boqolkiiba 50% codadka doorashada, taas oo horseedeysa in wareeg labaad la qabto.

Kuwo kale ayaa aaminsan in wareegga labaad aan la isla gaari doonin balse natiijada waxaa loolan adag kala kulmi doonaa musharaxa laga guuleystay.

Doorashadii 2017-kii ayaa waxaa hareeyay wax is-daba-marin taasoo keentay in maxkamadda sare ee Kenya ay laashay natiijadii doorashada - waxayna amartay in doorasho hor leh la qabto taasoo uu ku guuleystay Mr Kenyatta kaddib markii uu qaadacay Mr Odinga.