Doorashada Kenya 2022: Tirinta tooska ah ee codadka iyo halka la kala marayo

Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee Kenya ayaa soo xirmay. Afar murashax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha. Codbixiyayaasha waxay sidoo kale dooranayaan gabarnatoorayaal, senataro, xildhibaanno iyo xubnaha golaha deegaanka.

BBC-da waxay adeegsaneysaa macluumaad laga helay bogga rasmiga ah ee Guddiga Doorashada Kenya(IEBC) si ay u soo gudbiso isku darka natiijada hordhaca ee doorashada madaxweynaha.

Maadama guddiga uu ku guda jiro hannaan uu ku xaqiijinayo tirinta, waxaa sidaa darteed laga yaabaa inuu jiro dib u dhac qaabka ay BBC-da u soo gudbineysa tirada.

Si waafqasan sharciga Kenya, Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayay tahay inay shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha.