Barnaamijka "CareerTok": TikTok shaqo miyaa laga dhex helaa?

Rafael Caplan oo u dhashay Faransiiska wuxuu caan ka yahay TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Rafael Caplan oo u dhashay Faransiiska wuxuu caan ka yahay TikTok

Waxay aheyd habeen talaado bishii September sanadkii 2019, Elizaveta Prigozhina waxay barta TikTok soo dhigtay muuqaal ay walaac uga muujineysay sida ay uga xumeyd shaqo la'aanta heysatay.

Markii ay kacday maalintii xigtay, waxay heshay in ka badan 10 codsiyo oo imtixaan looga qaadayo -maamulayaasha ayaa arkay muuqaalkeeda muujinayo 'shaqo la'aanta'.

"TikTok nolosheyda ayuu baddalay" ayay tiri Elizaveta Prigozhina oo ah gabadh da' yar oo ka faa'iday nidaamka lagu baahinayo muuqallada dadka shaqo doonka ah ee 'CareerTok', kuwaas oo qaarkood shaqo ka dhex helay bartan.

Iyada oo ay jirtay go'doon iyo shaqo la'aan baahsan oo uu sababay safmarka Covid-19 labadii sano ee lasoo dhaafay, barta TikTok ayaa noqotay goob muhiim ah oo ay dhalinyarada ka raadsadaan shaqooyinka.

Hal ku dhigga "CareerTok" ayaa waxaa daawatay muuqaallada lasoo dhigay in ka badan 70 milyan, waana bar sii kobceysa.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

TikTok lafteedu way dareentay isbeddelkan oo bishii July 2021 waxay bilawday 'TikTok Resumes' barnaamij tijaabo ah oo u oggolaanaya dadka inay soo dhigaan muuqaallo muujinaya khibradahooda iyo xirfadahooda shaqo oo ay si toos ah ugu diraan maamulayaasha raadinaya shaqaalaha.

Inkasta oo barnaamijka tijaabada ah uu socday oo kaliya hal bil, tiro kamid ah shirkadaha wax shaqaaleysiiya oo ay kamid yihiin Target, dukaamada iibiya badeecadaha tafaariiqda iyo shirkado kale ayaa ka qayb qaatay barnaamijkan.

Dadka shaqo doonka ahaa waxay soo gudbinayeen muuqaallo uu la socday hal ku dhigga #TikTokResumes kaas oo ay kusoo bandhigayeen xirfadahooda.

TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

In kasta oo TikTok CV-gu aanu ahayn codsi shaqo oo rasmi ah, waxay u shaqaysaa si maamulayaasha ay ku hubiyaan dadka shaqo raadiska ah ee ku habboon shaqada si loogu marti qaado in laga qaado imtixaam.

Iyadoo uu jiro tartanka dhanka shaqooyinka ah shirkadda Chipotle waxay ku khasbanaatay inay bilowdo in dadka ay ka dhex qoroto barta TikTok.

Shirkaddan waxay tijaabineysay in TikTok ay noqon karto madal ay shaqaalaha ka qoroto tan iyo sanadkii 2019-kii, ayay tiri Tressie Lieberman oo ah gudoomiye ku xigeenka suuqgeynta ee shirkadda.

Makena Yee oo ah gabadh ardayad ah oo baratay cilmiga isgaarsiinta kuna sugan magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa barta TikTok waxay dhigtay muuqaal ay ku codsaneyso in la shaqaaleysiiyo bishii May sanadkii hore.

Muuqaalkii ay dhigtay halkaas ayaa waxaa daawatay in ka badan 200,000 qof, waxaana lasoo xiriirtay ku dhawaad 20 shirkadood.

In kasta oo TikTok aanay haynin tiro-koob cusub oo ku saabsan tirada dadka laga dhex shaqaaleysiiyay barta balse guusha la gaaray ayaa ah in dad badan ay shaqooyinka ku saabsan ciyaaraha iyo madaadalada ka heleen halkaas xilli ay muuqaallo soo dhigeen barta iyagoo shaqo raadis ah, sida ay BBC u sheegtay Elena Saavedra oo ah maamulaha isgaarsiinta ee shirkadda TikTok.