Colaadda Ukraine: Maxaa ka run ah muuqaalka askariga Ruushka ah ee sida bareerka ah loo dilay?

,

Xigashada Sawirka, ,

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya ciidamada Ukraine oo tooganaya askari Ruush ah oo ay qabteen.

Waxaa muuqaalka lagu duubay jid dhanka galbeed uga aaddan caasimadda Kyiv, halkaas oo ay dhawaan isaga baxeen ciidamada Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibeddda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay inuu ka war helay muuqaalka, isla markaana baaritaan lagu samayn doono.

BBC-da ayaa qiimeyn ku samaysan muuqaalka - waxaana ay ilaa hadda ogaatay xogta hoose:

Muxuu muuqaalka muujinayaa?

Waxaa muuqaalka ku jira afar nin oo xiran dareeska ciidamada oo dhulka jiifa, mid kamid ahna uu garba-duub u xiran yahay.

Saddex kamid ah raggaas ayaa u muuqda kuwo meyd ah, hase yeeshee kan xiran ayaa u eg mid ay naf ku jirto balse qaba dhaawac xooggan.

Nin ka mid ah askarta Ukraine oo aan muuqaalka ku jirin ayaa leh "iska daa" mid kale ayaa ugu jawaabay "ma daynayo". Askari aan wajigiisu muuqan ayaa markaa kadib rasaas ku furay ninka dhaawaca ah, ilaa inta uu ka dhimanayay.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinaya dhammaan askarta goobta lagu laayay oo dhiig balli dhiig ah dhex jiifa. Waxaa la arki karaa wejiga mid kamid ah afarta askari ee la dilay.

Goorta iyo goobta lagu duubay muuqaalka

BBC-da ayaa ogaatay in muuqaalka lagu duubay waddo ka baxda magaalada Dmytrivka ee galbeedka uga beegan caasimadda Kyiv, isla markaana ku xirta magaalooyinka Irpin iyo Bucha.

Sawirro dayax-gacmeed goobtaas lagu qaaday 31-kii March ayaa muujinaya dhiig dhulka daadsan iyo gawaarida gaashaaman ee laga arki karo muuqaalka.

,

Ma xaqiijin karno maalinta la duubay muuqaalka, hase yeeshee waxaa cad inay ahayd xilli galabnimo ah, marka la eego hooska iyo dhinaca oo wadada uga beegnaa.

Muuqaalka ayaa markii u horreysay internet-ka la geliyay 30-kii March, taasoo ka dhigan in la duubay galabnimadii 29-ka March ama ka hor.

Sidee lagu xaqiijiyay in askarta la dilay ay Ruush yihiin?

Caddeynta ugu badan waxaa laga helay hadallada ku jira muuqaalka.

Mid kamid ah askarta Ukraine ee meydadka kor taagan ayaa yiri: "Waa kuwan kuwa difaaca u ah ciidamada Ruushka."

Gawaaridda ay qabsadeen ayaa waxaa ku taalla astaanta V oo ay Ruushka ku bufiyeen gaadiidkooda dagaalka.

Laba kamid ah askarta meydka ah ayaa xiran astaanta gacanta ee lagu aqoonsado ciidamada Ruushka ee ku sugan qeybo kamid ah Ukraine.

Ma ciidamada Ukraine ayaa falka geystay?

Qaar kamid ah askarta goobta ku sugan ayaa xiran astaanta calanka Ukraine ee lagu aqoonsado ciidamada dalkaas. Hase yeeshee taas ma aha caddeyn ku filan.

Dhammaan askarta meesha joogta ayaa ku hadlaya luuqada Ruushka oo si weyn looga isticmaalo Ukraine.

Wejiyada qaar kamid ah askarta ayaa si wanaagsan looga arki karaa muuqaalka, waxaana kamid ah nin garweyn leh.

,

Xigashada Sawirka, ,

BBC-du waxay ku dadaadashay inay qaab dijitaal ah u aqoonsato wejiyada ninkaas garka weyn. Waxaa u soo baxay inuu yahay nin Georgia u dashay oo xiriir dhaw la leh Ukraine, balse magaciisa ma aysan shaacin maadaama ay weli xaqiijinayso heybtiisa.

Ninkaas garka leh ayaa ku qeylinaya "Ukraine ha guulaysato," halka nin kale uu ka daba leeyahay "halyeeyada ha guulaysteen".

Muuqaalka ayaa ku dhamaanaya codka nin leh "Ha soo aadina dalkeena."

BBC-da ayaa muuqaalka u bandhigtay wasaraadda gaashaandhigga ee Ukraine, balse ma aysan soo jawaabin xilliga la daabacayay sheekadan.