Wax ka ogoow toddobo arrimood ku saabsan qorraxda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadku intooda badan marka ay cirka fiiriyaan waxa ugu horreya oo indhahooda ku soo dhacaya waa qorraxda, gaar ahaan xilliga maalinkii ah oo cirka uusan daruuro lahayn, balse xogo yaab leh oo qooraxda la xiriira oo ka qarsoon ayaa jira.Dad badan ayaa aaminsan in qorraxdu soo baxdo oo ay dhacdo, taas oo ah, qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca.Laakiin dhab ahaantii waxaa la sheegaa in qorraxdu soo baxdo aroortii hore, haddii meereha dhulku uu leexdana qorraxdana ay isbaddasho.
Markasta oo meeraha dhulka dhinac uu u jaheysto ay qorraxdu xaaladdi ay ku sugneed ay iska baddasho sida iney subax noqoto ama galab ay noqto ama ay u muuqato iney dhacday oo gudcurku iftiinkeedi baddalo.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qorraxda iyo maaddooyinka ku jirta iyo sida ay u saameeyaan iyada oo ay taasi tahay ku
Qorraxdu maxay tahay?
Qorraxdu waxay ka sameysan tahay wareeg siman, waxayna ka kooban tahay maaddooyinka Hydrogein iyo Heliu.
Iftiinka meeraha dhulka uu ka heli qorraxda waxaa manaafacaadsada noola kasta oo dhulka ku nool oo dad iyo duunyaba isugu jira oo qorraxda la'aanteed noolashu waxay noqon lahayd mid aan jirin.
Si kale haddii loo dhigo, waxaa ku tiirsan noolasheenna iyo makhluuqaadka kale uu ilaahey ku abuuray hoosteeda uuna ugu talo galay iney kuleyl iyo ileys intaba ka helaan.
Marxuum Bashiir Othman Tofa waxa uu buuggiisa Space Science uu ku qoray, Hadda ka hor, warbixinno saynis ah ayaa sheegay in uu ka dhashay bamka Nukliyeerka ah, kaas oo isna siyaabo kala duwan isu caawiyay, ilaa ay nooluhu ka soo baxaan. Sagaal meere ayaa ku wareegaya cadceedda Nidaamka Qorraxda, waxaana jira tobanaan kun oo koox xiddigo ah oo ku wareegaya wareegyada loo yaqaan asteroids (Dambaaburo) oo ka kooban saddex tirilyan oo wareeg ah.Masaafad u dhaxeysa dhulka iyo Cirka

Xigashada Sawirka, NASA
Masaafada u dhaxeyso dhulka iyo Cirka waxay Saynisyahannadu ku qayaasaan 150 malyan oo kilo mitir, iftiinka sanadlaha ahna uu ka badneen 8 daqiiqo iyo hal ilbiriqsi.
Xawaaraha ay cadceeddu ku socoto marka la eegana baabuur saacaddi socda xawaara dhan 100 mayl nasasho la'aan, qorraxdu waxay gaari kartaa meel ay ku socotay 106 sano tasoo muujineyso dhulka markaan joogno xawaaraheeda inuu noo muuqan balse xawaaro aad u dheereeya iney ku socoto.
Haddii ay diyaarad ku socoto 246,960 km saacaddii, masaafada dhulka iyo qorraxda u dhaxeysa iney socota wey ku qaadan lahayd 606 saacadood iyo 25 maalmood.
Xajmigeeda iyo Heer kulkeeda
Qorraxdu waa xiddigga ugu weyn nidaamka meeraha dunida.
Xajmigeeda ama ballaceeduna waxaa lagu qayaasaa 1.3 malyan oo km taasoo la mid ah 109 jibbaar xajmiga dhulka.
Miisankeeduna waxaa lagu qayaasaa 1.3 malyan oo jeer inuu dhulka aan ku nool nahay uu ka culus yahay.
Dhulka markaan joogna oo aan cirka eegno qorraxdu waxay noola muuqata iney saxan yar oo wareegsan ay la mid tahay balse waxa ay ka sameysan tahay marka laeego malaha cabbir lagu tilmaamo karo.
Shucaaca dabka qorraxda ka soo baxa wuxuu gaari karaa 160,000 degree celcius darajada cabbirka heer kulka, iyo fogaan ka badan 160,000 ilaa 300,000 oo KM laba jibbaaran.
Mararka qaarkood ololkeedu wuxuu awood u leeyahay sanado badan inuu gubo kaas oo aan dameyn.
19-kii December, 1973, dayax-gacmeed ayaa cabbir ku sameeyey dheellitirka qorraxda.
Waxaana la ogaaday heer kulkeeda inuu kor u dhaafo 16 milyan oo darajo, laakiin dushiisa heerkulku kama dhaafo 6,000 darajo. Taasi waxay keentay in iftiinkiisu 400,000 oo jeer ka iftiimo dayaxa, inkastoo dayaxu jidhkiisa ka helo iftiin.Baaxadda dhulku waa 333,000 jeer miisaanka dhulka, laakiin inkasta oo miisaankiisu yahay wuxuu ku socdaa xawaare dhan 2,150 kiiloomitir ilbiriqsi kasta.Qorraxdu waxay leedahay nidaam loo yaqaan korona. Dhulku waxa kale oo uu leeyahay lakab ozone ah, kaas oo naga ilaaliya waxyeelada cadceeda ee dhammaan noolaha iyo meeraha dhulka.Lakabka ozone waxa uu ku yaalaa meel 15 ilaa 30 km u jirta oogada dhulka.Dhanka kale qorrax-madoobaadku waxa uu dhacaa marka uu dayaxu dhex maro meereheenna dhulka iyo cadceedda, sababta oo ah dayaxa iyo cadceeda fogaanta u dhaxaysa ayuu dayaxu si isku mid ah qorraxda u daboolaa .Laakiin tani waxay dhacdaa marka dayaxu aad uga fog yahay qorraxda, sidaas darteed wuxuu u oggolaanayaa iftiin ka soo baxa nidaamka qorraxda, iftiinkuna wuxuu u wareegaa sida qorraxda kulul.
Alhaji Bashir Tofa waxa kale oo uu buuggiisa Space Science uu ku sheegay in marka la wada dhammeeyo dayax madoobaadka, uu hadhka dayaxu ku soo dhaco oogada dhulka, isaga oo ku fidaya in ka badan 268 km dhulka uu hadhku ku dhaco.Marka dayaxu soo baxo, qayb yar oo qorraxda ka mid ah ayaa laga yaabaa in la daboolo; sidaas awgeed, hadhku wuu yaraanayaa kiiska sida qayb madoobaad ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kala duwanaasha u dhaxeeya Maalinta iyo Bisha
dad badan ayaa waxay u haystaan iney qorraxda iyo bisha ay isaga dhow yihiin xagga xajmiga iyo xagga iftiinka. Kala duwanaashahooda waxaa lagu cabbiri karaa sida ay u kala duwan yihiin waddada tareenka iyo waddada gawaarida.
Kala duwanaashahoodana waxaa ka mid ah:
- Qorraxdu si aad ah ayey meeraha dhulka uga fog tahay, ku dhawaad 150 malyan oo mile (150 malyan oo km) masaafa gaaraya
- Dayaxa halka uu dhulka uga dhowdahay waxay dhulka u jirtaa 384,400 km.
- Qorraxdo dhererkeedu waa 1.4 malyan oo KM halka ballaca dayaxana uu yahay 3,474 km.
- Iftiinka qorraxdu isagaa iska leh, mid ka mid ah fallaadhaha cadceeddana waa ay soo daysaa.
- Qorraxda gaas ayaa ka buuxa halka dayaxa uu engagan yahay.
- Dayaxa iyo Qorraxduba waxaa loo adeegsadaa cabbirka wakhtiga ama waxay galaan booska goor sheegta.
Waxaa suuragal ah in la tago dayaxa sida horayba loo tijabaiyey, halka ay suurtagl ahayn cid ku fakartay iney tijaabisana ay jirin qorraxda kuleylka daran ee ka soo baxaya awgii.
Qorraxdu 400 jibbaar ayey dayaxa ka weyn tahay halka 450,00 jibbaarna ay ka iftiin badan tahay.
Midabka qorraxda
Dulka markaan joogno sida aan ku aragnaba midabka qorraxda wuu isbadbaddalaa oo wuxuu noqdaa casaan, jaalla iyo qaxwa iyo caddaan intaba.
Kala duwanaashaha midabka oo ugu wacan xilliyada ay ku jirto.
Faa'idooyinka ay qorraxdu dhulka u dleedahay
Qorraxdu waxa faa'idada ku qaba dhulka oo keli ah ma ah, balse dhammaan sagaalka meera oo kale faa'ido ayey ku qabaan.
Meerayaasha kale ee qorraxda ku wareega iftiinka iyo kuleylka ka qaatana waxaa ka mid ah: Mercury, Venus, Dhulka, Mars, Jupiter, Saturn, Uranus, Naptune iyo Pluto.
Dhulka noolaha ku nool noolashooda si ay u soio jirto waxay marnaba ka maarmi karin iftiinka iyo kuleylka qorraxda maadaamaa taranka dhirta iyo macdanta dhulka ku jirtana ay muhiimad weyn u leedahay.
Xataa ilayska dayaxa oo faa'iidooyinkiisa leh, wuxuu ka yimaadaa qorraxda, wuu iftiimiyaa habeenka, wuxuuna xisaabiyaa socodkiisa.











