Hooyadii Shabeelka Hindiya oo loo hiloobay

Xigashada Sawirka, Varun Thakkar
Hooyadan Shabeelka ee dhimatay waxay kaalin mug leh kulaheed dib u soo celinta tirada Shabeelka ee gabaabsiga ahayd dalka Hindiya.
Hooyada Shabeelka Hindiya ma ahayn oo keli ah Shabeel caadi ah balse dalkaasi wax badan ayey u ahayd.
Shabeelka "Hooyada Hindiya" ma ahayn bisad weyn oo caadi ah.
Mid ka mid ah Shabeellada ugu caansan dalka Hindiya oo loo yaqaanno Collarwali ayaa toddobaadkan dhintay iyada oo ay da'diisu ahayd 16 jir.
Waxayna door weyn ka ciyaartay wax ka baddalidda xerada xayawanaadka lagu xannaaneeyo ee ay ku jirtay oo ku taalla gobolka bartmaha Hindiya ku yaalla ee Pradesh.
Khubaradu waxay sheegeen Hooyadaa Shabeelka iney dhashay 29 Shabeel, sidaa darteedna ay dhigtay rekoor cusub oo xagga dhalmada Shabeelka.
Waxayna dalka Hindiya caan ka noqotay kaddib marki ay jishay flimka BBc Wildlife uu diyaariyey ee looga magac daray 'Spy in the Jungle'.

Xigashada Sawirka, Aniruddha Majumder
Filmkaasi marki shabeelkaasi lagu jilay kaddib waxaa batay tirada dalxiisayaasha soo booqanaya beerta ay hooyada shabeelka ku jirta.
Hooyada Shabeelka 'Collaarwali' waxay dhimatay fiidnimadi Sabtida sababa la xiriira cudur loo maleynayo iney da'da u soo hoos gashay.
Dadka daneeya arrimaha dabiicga, saraakiisha beeraha lagu xannaaneeyo duurjoogta iyo sawir qaadayaasha duurjoogta ayaa si xamaadeysan uga hadla xayawaannada ay daawadeen ee ku jira goobaha lagu xannaaneeyo.
Shabeelkan wuxuu dhashay 2005-tii, hooyadi Shabeelka dhashayna waxaa la oran jira "badi mata" ama 'hooyadi weyneyd', halka Shabeelka la rumeysan inuu aabba u ahaana Shabeel magaciisu ahaa T-1.

Xigashada Sawirka, Varun Thakkar
"Ka hor inta uusan dhalan Collarwali, Shabeelka naadir ayuu ka ahaa goobta lagu xannaaneeyo balse wuxuu ahaa mid si weyn loo arko" ayuu yiri Patil.
Collarwali marar dhif ah ayey niyad jabisay booqdayaasha, ayuu yiri Mohammed Rafique Sheikh, oo ah dabiici-yaqaan muddo badan ka soo shaqeynayey goobta xayawaanka lagu xannaaneeyo.
"Shabeelkana wuxuu ahaa mid cabsi la'aan si aad ah ugu soo dhawaado gaadiidka ay dalxiisayaasha saaran," ayuu yiri Sheikh oo dalxiisayaasha dalxiis geeya.
Dalka Hindiya wuxuu hoy u yahay 70% Shabeelka dunida ku nool, hase yeeshee tiradaasi ayaa marba marka ka sii dambeysa sii yaraaneysay balse hadda tirada wey korortay oo waxay gaartay 2,976 sida ay tilmaameyso xog ay dhawaan baahisay dowladda.
Sanad walba waxaa goob lagu xannaaneeyo 51 Shabeel si ay Shabeellada quruxda badan ay u soo daawaadaan.
Hooyada Shabeelka waxay dhashay 29, oo 25 ka mid ah ayaa nool yihiin ayaa ka dhigtay Shabeelka dhalay tiradi ugu badaneed ee Hindiya iyo Caalamkaba ay dhici karto iney kaalmaha ugu horreeya ka gasho.

Xigashada Sawirka, Varun Thakkar
Iyadoo inta badan Shabeelladu ay ilmahooda ay haystaan in ka badan laba sano, Collarwali waxay Shabeellada kaga duwaneed dhasheeda si ay u noqdaan kuwa madax bannaan iyaga oo yarba waxay ku sii deyn jirtay duurka.
"Maalinta ugu yaraan laba jeer ayey dhasheeda u soo ugaarsan jirtay si ay ugu keento wax ay cunaan", ayuu yiri Dr Akhilesh Mishra oo ah dhakhtar marar badan shabeelkaasi daweeyey.
'Shabeelkaasi wuxuu ahaa mid uu ilaahey uu ugu deqay cimri iyo qurux' ayuu yiri.
BBC cid kasta oo ay ka wareysatay waxay sheegayaan Hooyada Shabeelkaasi ee toddobaadkan dhintay iney wax badan ku xusuustaan waxbadanna kaaga sheegayaan.

Xigashada Sawirka, Pench Reserve
Hooyada Shabeelka inta aysan dhiman maalmihi noolasheeda ugu dambeeyey waxay ahayd mid tabar daran uu socodkana aad u dhibayey, sida ay sheegeen dadki goob joogga ahaa.
Collarwali ayaa Axaddi lagu gubay goob bannaan iyada oo ay goob joog u ahaayeen shaqaalihi xaruunta lagu xannaaneynayey iyo dadki kale ee Shabeelkaasi jeclaa oo marar badan u soo daawasho tagayey.
Muuqaal baroor diiq ah oo ay sameeyeen shaqaalaha xaruunta xannaanada xayawaanaadka ayaa ku billaabmaya muuqaal iyada oo ku fadhida caws, iyadoo ku raaxaysanaysa gurigeeda, iyo Shaashadda ay ka soo muuqanayaan iyada iyo shabeel kale.
Sidaasay dadki jeclaa Hooyadii Shabeelka ku xusuusan doonaan maadaamaa ay muuqaal qurux badan kala hareen.
"Noolal farxad leh ayay ku nooleed, waxayna kordhisay tirada Shabeelka dalka Hindiya, waxayna nagu leedahay abaal ah inaan mar walba xusuusnaanno", ayuu yiri Sheikh













