Glasgow: Nin muddo iska dhigayay inuu dhintay oo la helay isagoo nool

Nicholas Alahverdian

Xigashada Sawirka, YouTube/WPRI

Qoraalka sawirka, Nicholas Rossi ayaa waxa talaafishin ku yaal Mareykanka waxa uu ugu ololayn jiray xuquuqda carruurta

Nin u dhashay waddanka Mareykanka oo la rumaysan yahay inuu been abuuray dhimashadiisa ayaa waxa uu wajahayaa in xoog lagu musaafuriyo kaddib markii lagu qabtay isbitaal ku yaal magaalada Glasgow.

Nicholas Rossi, oo 34-jir ah, ayaa waxaa doondoonayay booliska caalamiga ah ee Interpol waxa uuna wajahayaa eed ah inuu kufsi ka gaystay gobolka Utah ee waddanka Mareykanka.

Waxaa bishii Diseembar loo dhigay isbitaalka Queen Elizabeth xanuunka Covid-19 halkaas oo uu adeegsaday magaca Arthur Knight.

Booliska Scotland ayaa sheegay in ninkaas lagu xiray warqad caalami ah oo xarigiisa lagu dalbanayay.

Mas'uuliyiinta ku sugan Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Mr Rossi, sidoo kale gobolka Rhode Island looga yaqaan Nicholas Alahverdian halkaas oo siyaasadda maxalliga ah uu qeyb kaga ahaa sidoo kalana uu dhaleecayn jiray nidaamka daryeelka carruurta ee gobolkaasi.

Queen Elizabeth University Hospital

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Booliska ayaa ninkaasi baxsadka ah ku daba joogay Scotland isagoo yaallay isbitaalka Queen Elizabeth oo uu ku xirnaa qalabka lagu neefsado

Mr Rossi ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay bishii Diseembar 2019 inuu hayo kansar kaga dhacay qoorta oo heerkii ugu dambeeyayna uu marayo, todobaadyana ay noloshiisa ka harsan tahay.

Dhowr warbaahin ayaa waxa ay tabiyeen inuu dhintay bishii Febraayo ee 2021.

Tacsi dhanka online-ka loogu sameeyay ninkaasi ayaa lagu muujiyay inuu ahaa "dagaalyahan safka hore muddo labaatan sanadood ah ugu jiray" xuquuqda carruurta, waxaana qoraalka lagu sheegay in dambaska maydkiisana lagu qubay badda.

Mr Rossi ayaa la rumaysan yahay in laga soo helay qeybta la dhigo dadka ay xaaladooda liidato ee isbitaalka QEUH ee Galasgow halkaas oo uu ku xirnaa qalabka dadka ay ku neefsadaan. Shaqaalaha caafimaadka ayaanan war u ahayn in ninkaasi uu ku jiray liiska cas ee Interpol.

Isbitaalka ayaa waxaa ku qabtay booliska Scotland 13-kii bishii Diseembar, markaas oo ay wakiil ka ahaayeen saaxiibadood Utah.

Charge sheet
Qoraalka sawirka, Dikumintiyada sharciga ayaa muujiyay in Nicholas Rossi uu adeegsaday dhowr magac oo loo yaqaan

Xafiiska ayaa sheegay in ninkaasi uu dhanka muuqaalka ka soo galay isbitaalka si uu uga qeyb qaato dacwadda dib loogu dhoofinayo waddanka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha Utah ayaa xaqiijiyay in ninkaasi gobolka loogaga yaqaanay Nicholas Rossi. Diiwaanka maxkamadda ayaa waxa uu muujiyay in saraakiisha Utah ay ninkaasi u doondoonayeen eed ah inuu kufsi gaystay.

Markii lagu xiray Glasgow waxa uu baxsad ka ahaa mas'uuliyiinta dhowr gobol oo Mareykanka ku yaal.

Obit

Xigashada Sawirka, Everloved.com

Qoraalka sawirka, Tacsida Nicholas Alahverdian dhanka online-ka loogu sameeyay ayaa lagu muujiyay inuu ahaa "dagaalyahan"

Baaritaanno ay hay'ado kale sameeyeen ayaa lagu aqoonsaday ninkaasi in loo yaqaan Nicholas Alahverdian, Nicholas Alahverdian Rossi, Nicholas Edward Rossi, Nicholas Alahverdian-Rossi, Nick Alan, Nicholas Brown, Arthur Brown iyo Arthur Knight.

FBI ayaa sidoo kale waxa ay jartay warqaddii ninkaas loogu soo xiri lahaa eedo ah inuu lacago ka qaatay aabihii soo korsaday isagoo magaciisa kula baxay in ka badan $200,000.

Wargeyska Providence Journal ayaa Jimcihii tabiyay in bishii Diseembar 2019-kii, todobaadyo kaddib markii uu Mr Rossi u sheegay weriyayaasha inuu ku dhacay kansarka qoorta, uu baare ka tirsan gobolka Utah la xiriiray FBI isagoo siiyay xog ku saabsan halka uu ninkaasi ku sugan yahay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Eedaha Utah ayaa yimid kaddib markii dib loo eegay kiisas taariikhi ah oo tacadi dhanka galmada ah halkaas oo aanan la baarin dhiigga hidda-sidaha ah ee laga helay dhar caddayn loo hayay.

Nicholas Rossi ayaa lagu tuhmay kiis dhacay 2008-dii. Kiiskaas ayaa waxaa xiray ninkii baaritaanka hogaaminayay isagoonan xogta la wadaagin xafiiska Xeer Ilaaliyaha Utah si arrintaas ay u hubiyaan.

2018 dib u eegis lagu sameeyay dhiigga hiddasidaha ee DNA-da ayaa waxa uu ninkaasi ku xiriiriyay kiis kale oo tacaddi galma ah oo ka dhacay gobolka Ohio. Baarayaasha ayaa rumaysan in Mr Rossi uu Mareykanka ka tagay arrintaas oo horseeddanay in sharcidajiyayaasha gobolka iyo kuwa gobolllada kalaba inay rumaystaan in ninkaasi uu dhintay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Utah ayaa haatan waxa uu hay'adaha federaalka iyo kuwa caalamiga ahba kala shaqeynayaa sidii Mr Rossi dib loogu soo celin lahaa gobolka Utah.

David Leavitt

Xigashada Sawirka, Utah County Attorney Office

Qoraalka sawirka, Xeer Ilaaliyaha deegaakna Utah, David Leavitt ayaa sheegay in baaritaannada ay hay'aduhu sameeyeen ay sahashay in ninkaasi la soo qabto

Xeer Ilaaliyaha gobolka Utah, David Leavitt, ayaa BBC Scotland waxa uu u sheegay: "Waa inaanu haatan raacnaa hannaanka aan maxkamadda Scotland ugu cadaynayno in Arthur Knight uu yahay Nicholas Rossi. Hannaankaas ayaa muddo qaadan doona hasayeeshee waxaan danaynaa inaad hannaankaas marno sababta oo ah dhibbanahayaga Utah ku sugan waxa uu dhibaatada wajahayay 13-kaas sanadood.

"Wax xog ah kama hayo waxa uu Scotland ka samaynayay ka hor inta aanan isbitaalka loo dhigin xanuunka Covid."

Waxa uu intaasi ku daray: "Xafiiskayaga waxa uu ku faraxsan yahay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta hay'adaha sharciga dhowra si qofkan laga shakisan yahay cadaaladda loo horgeeyo.

Mr Leavitt ayaa sidoo kale waxa uu dhiirigalinayaa dhibbanayaasha kale ee ay suuragalka tahay inuu dambi ka galay Mr Rossi, inay bannaanka u soo baxaan.

'Waa sheeko aan la rumaysan karayn'

Qoraalka Muuqaalka, Tim White, oo ah weriye ka tirsan CBS, ayaa sheegaya: 'Boolisku ma ahayn cidda ninkaas soo qabatay, ee waa Covid'

Weriyaha baaritaannada gobolka Rhode Island u qaabilsan warbaahinta CBS, Tim White, ayaa BBC Scotland u sheegay: "Qofkasta wuu yaabay markii uu soo baxay warka sheegaya in ninkaasi isagoo lagu arkay Scotland.

"Waa sheeko aan la rumaysan karayn. Dadka ayaa haatan waxa ay ka soo baxayaan meelihii ay ku jireen oo waxa ay ka hadlayaan waxyaabihii ay u soo joogeen iyo waxa ay ninkaasi kala soo kulmeen.

"Baarayaasha ayaa isku xirxiraya beenta gaamurtay ee ninkaasi, kaas oo watay ku dhawaad 10 magac oo loo yaqaanay.

"Booliska ayaa sheegay in ninkaas uu sheekadiisa badelay dhowr jeer, huwiyaddiisana uu badelay dhowr jeer. Booliska ayaa isku dayay inay soo qabtaan. Boolisku ma ahayn cidda ninkaas soo qabatay, ee waa Covid."

Mr White ayaa sheegay in 2020 haweeney ku andacootay inay tahay xaaska Nicholas Alahverdian ay wacday taleefannada dhowr warbaahin kuwaas oo ay u sheegtay inuu kansar u dhintay, waxaana ay ku boorisay inay qoraan taariikh nololeedkiisa.