Raadintii sanadka 2021: Waxyaabihii ay dadka Internet-ka isticmaala aad u raadinayeen

Seong Gi-hun, oo ka mid ah jilayaashii ugu muhiimsanaa filimka Squid Game, oo gacanta ku haya dalgona

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Squid Game wuxuu liiskan ka yahay filimkii loogu raadinta badnaa

Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaadday sannadlaha ah ee waxyaabihii loogu raadinta badnaa, kaasoo muujinaya dib u milicsi ku aaddan arrimihii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa ee dunida soo maray sanadka 2021-ka iyo xasuus qota dheer.

Google oo bixisa adeegga raadinta ee ugu weyn caalamka ayaa dabayaaqada sannad kasta soo saarta warbixin ku saabsan wixii loogu doon doonista badnaa iyo su'aalihii ama mowduucyadii ugu hadal heynta badnaa.

Sannad xaaladdiisu adkeyd

A finger scrolling on a phone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilli uu cudurka safmarka ah faro ba'an ku hayay caalamka, waxaan ku galnay sanadka 2021-ka annagoo raadineyna eray caan baxay oo muujinaya sida ay xaaladdu u adkeyd, kaasoo ah: 'doomscrolling'.

Micnaha eraygan waxaa in aad shaashadda telefoonkaaga mar walba waxa sii xiga ka raadiso adigoo raba inaad wax ka ogaato wararka xun xun ee jira.

Shirkadda Google waxay shegetay in erayga 'doomscrolling' uu noqday kii loogu raadinta badnaa abid guud ahaan dunida, marka uu heerka ugu sarreeyay gaarayna waxay ahayd bishii January.

Dad badan oo dunida ku nool, waxay ku jireen xaalad hubanti la'aan ah oo welwel badan. Xuduudaha ayaa xirnaa, duullimaadyo ma jirin, xayiraado ayaana lagu xakameynayay dhaqdhaqaaqa.

Dadku waxay online-ka u galayeen si ay wax uga ogaadaan wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan Covid-19 dad badanna waxay eegayeen erayga qeexayay waxa ay sameynayaan laftiisa - doomscrolling.

Caafimaadka dhimirka

A woman looking out of the window

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xayiraadaha dhaqdhaqaaqa waxay saameyn ku yeesheen caafimaadka dhimirka dadka ee guud ahaan dunida

Sanadkan 2021-ka, raadinta caalamka laga raadiyay erayga 'mental health' (caafimaadka dhimirka) waxa uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, kaddib markii hal sano lagu jiray karantiil ay dad badan ku dareemeen cidlo iyadoo ay sii dheereyd murugada loogu baroordiiqayay dadkii la jeclaa ee dhintay.

Dunida ayaa laga raadinayay 'sida loo ilaaliyo caafimaadka dhimirka' iyo 'sida loo baxnaaniyo' si ka badan sidii horay loo raadin jiray abid.

Astaan kale oo muujineysa inaan walwal badan u qabtay caafimaadkeenna dhimirka waxay ahayd in erayada kale ee la raadinayay ay ka mid ahaayeen 'wanaagga jirka' iyo 'dhiirrigelin', iyadoo la sameynayay hadallo wanaag ah oo looga soo kabanayo fikradaha qallafsan.

Isbaddalka Cimilada

A woman walking through water with her belongings in a bag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qiyaastii hal milyan oo qof oo dagganaa gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayay koronto la'aan ku dhacday kaddib markii ay ku dhufatay duufaanta Ida

Balse arrintu kuma saabsaneyn oo kaliya caafimaadkeenna, waxaase kale oo maankeenna ku jiray fikirka la xiriira caafimaadka adduunka.

Maadaama ay dhaceen musiibooyin dabiici ah oo ay ka mid ahaayeen Duufaanta Ida, dabka keymaha iyo abaaro ba'an - caalamku wuxuu dareemay saameyn aad u daran oo ka dhashay isbaddalka cimilada sanadkan 2021-ka.

Sida ay muujisay xogta Google, waxaan raadinnay habab ka doog badan kana fiican oo aan ugu noolaan karno si ka habboon sidii hore.

Erayada loogu raadinta badnaa adduunka oo dhan waxaa ka mid ahaa 'sida dhirta loo ilaaliyo' iyo 'hal heer kul oo lagu ekaado'.

Laga billaabo magaalooyinka waaweyn ilaa dhulka miyiga ah, adduunka waxaa laga raadinayay 'saameynta ka dhalata isbaddalka cimilada' si ka badan sidii horay loo raadiyay abid.

Waxaa laga yaabaa inaysan layaab noqonin haddii Fiji, oo ka mid ah dalalka ay saameynta ugu weyn ku yeelato isbaddalka cimilada uu ahaa waddankii loogu raadinta badnaa erayadaas.

Arrimaha lacagta

A woman holds a plastic box as she leaves work

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inaad noqoto qof isaga madax isu ah waxay ahayd mid aad caan uga ah Google

Dadku waxay welwel ka qabeen sida ay shaqadooda noqon doonto iyo dhaqaalaha, maadaama ay jireen caqabado sababay hubanti lahaan dhanka lacagta ah oo ka dhashay cudurka safmarka ah.

Waxay dadku aad u daneynayeen sida ay ku noqon karaa kuwo isku filan.

Sanadka 2021-ka adduunka waxaa laga raadinayay fursadaha cusub ee ganacsiga hal abuurnimada ku saleysan, erayada ugu badan ee la raadiyayna waxaa ka mid ahaa 'sida loo billaabo gacansi' oo ka badnaa raadintii lagu sameeyay 'sida loo helo shaqo'.

Dalka Mareykanka oo keliya in ka badan afar milyan oo qof ayaa ka tagay goobihii ay ka shaqeynayeen bishii October, sida lagu sheegay xog kasoo baxday waaxda Shaqaalaha.

Google, waa maxay NFT?

Mowduuc kale oo aad loo xiiseynayay kuna saabsanaa lacagta waxa uu ahaa NFTs.

NFTs waa hab sawirrada iyo farshaxanka "lagu lacageeyo" si shahaado lahaansho ah loogu sameeyo kaddibna uu qofku awood u yeelanayo inuu soo iibsado dibna usii iibiyo.

Shakhsiyaadka caanka ah ee Boqortooyada

A group of red workers from Squid Game

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Squid Game was the most watched Netflix series in 90 countries

Bishii March, Amiirka UK ee lagu magacaabo Harry iyo xaaskiisa Meghan Markle ayaa wareysigoodii ugu horreeyay siiyay heweeneyda barnaamijka telefishinka sameysa ee u dhalatay Mareykanka, Oprah Winfrey, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee ay la wareysto tan iyo markii ay ka tanaasuleen xilalka boqortooyada.

Wareysiga Meghan iyo Harry waxa uu noqday 'wareysigii loogu raadinta badnaa Google ee abid taariikhda gala'.

Laakiin kaasi ma ahayn barnaamijkii TV ee keligiis loogu xiisaha badnaa 2021-ka.

Filimka Kuuriya

Maadaama badankeen aan guryaha joognay, waxaa jiray waqti badan oo loo hayay in shaashadda telefishinka wax laga daawado.

Squid Game, oo ah musalsalka taariikhda cusub ka dhigay shirkadda Netflix ayaa ahaa filimkii loogu raadinta badnaa guud ahaan caalamka.

Qisada ku saabsan koox dad ah oo laga rabo inay ka badbaadaan dhowr nooc oo ciyaaro halis badan si ay ugu guuleystaan lacag noloshooda baddaleysa ayaa aad looga xiiseeyay dunida, waxa uuna filimkaas noqday kii loogu daawashada badnaa ee abid soo mara shirkadda filimada ee Netflix.