Squid Game: Kororka filimada Kuuriya ee laga daba dhacay

Xigashada Sawirka, Netflix
Haddii aad daawatay filimka Squid Game ilaa haddana aad ka naxsan tahay qaabka loo sameynayay ciyaaraha halista badan ee salka ku heysa waxyaabihii carruurnimada aad samayn jirtay, kaligaa ma aha, dad badan ayay sidaada oo kale saameyntaas u gaartay.
Filimkan laga jilay Kuuriya, oo ku saabsan qisada dad deymo lagu leeyahay oo ku tartamaya lacag badan oo lagu guuleysanayo, iyagoo ka qayb galaya ciyaaro noocii carruurta ah oo halis badan, ayaa noqday filimkii abid ugu daawashada badnaa ee ay soo saarto shirkadda Netflix.
28-kii maalmood ee ugu horreeyay waxaa dunida qaybaheeda kala duwan ka daawatay ilaa 111 milyan oo qof oo ka mid ah dadka isticmaala Netflix.
Sidaas waxa uu kaalinta koowaad uga saaray filimkii horay ugu daawashada badnaa ee "Bridgerton", waxayna ka dhigan tahay in filimada musalsalka ah Kuuriya ay noqdeen kuwa loogu jecel yahay caalamka.
Sidaas dareed, qaabkeen ku fahmi karnaa kororka noocan ah, maxayse yihiin filimada kale ee Kuuriya ee laga daba dhacay?

Xigashada Sawirka, Netflix
Taariikhda cusub ee uu sameeyay Squid Game marka la eego sida uu u caan baxay, waxay caddeyn u tahay sida Dhaqanka Kuuriya looga sii baranayo dalalka reer galbeedka sannadihii dambe.
Filimka waxa uu ku biiray fannaaniinta reer Kuuriya ee heesahooda la xiiseeyo, sida BTS iyo Blackpink, kuwaasoo guri walba laga yaqaanno iyo sidoo kale filimada ay ka mid yihiin Parasite iyo Minari, oo helay abaalmarinnada Hollywood-ka iyo Oscar-ka.
Hase yeeshee la wareegista filimada Kuuriya ay dunida ku qabsadeen ma aha mid ku timid hal habeen, sida ay u muuqato.
Inkastoo hadda uun ay daawadayaal badan soo jiiteen caalamka oo dhan, filimadan waxa ay tobannaan sano caan ka ahaayeen qaaradda Aasiya.
Tan iyo 1990-meeyadii waxaa sii kordhayay lacagaha lagu maalgalinayo dhinaca madadaalada ee Kuuriya. Xilli ay Japan ka daalaa dhaceysay hoos u dhac dhaqaale, Shiinahana uu kor u socday waxaa ka faa'iideystay Kuuriyada Koonfureed oo dhaqankeeda lasoo shir tagtay - iyadoo sameyneysa filimo ka muhiimsan kuwa Mareykanka ee luuqadda qalaad ah, dhanka kalena aysan qoonsaneynin xukuumadda Beijing.

Xigashada Sawirka, Reuters
Tobankii sano ee ku xigay waxay loollan galiyeen Japan oo isku diyaarineysay inay qabsato Aasiya, waxaana 20% ka mid ah daawadayaasha reer Japan ay daawadeen musalsalka Kuuriyada Koonfureed ee Winter Sonata, oo soo baxay 2003-dii.
Sanadkii 2011-kii, warbixin laga soo saaray arrimaha dhaqanka iyo warfaafinta ee Kuuriya ayaa lagu yiri: "Magaalooyin badan oo ku yaalla Aasiya, filimada Kuuriya waxay u muuqdaan inay saameyn ku yeelanayaan nolosha iyo dabeecadaha dadka daawada."
Guulaha Filimka Parasite
Dadka filimada daawada ee dunida waxay fursado heleen markii ay soo if baxeen adeegyada daawashada, sida Viki iyo DramaFever, kuwaasoo suuragal ka dhigay in dadka ay si sharci ah ku daawadaan filimada Kuuriya oo lagu turjumayo qoraal Ingiriis ah.
Taasi waxay waddada u furtay in Filimada Kuuriya ay yeeshaan shacbiyad ballaaran tobankii sano ee lasoo dhaafay gudahooda.
Markii ay salka hoose kasoo dhismeen waxaa kale oo ay ku guuleysteen inay soo jiitaan shirkadaha filimada sii daaya ee waddamada reer galbeedka, sida Hulu iyo Netflix.
Markii Warner Bros ay xirtay DramaFever sanadkii 2018-kii, Netflix ayaa billowday inay maalgalin dheeri ah sameyso.
Labadii sano ee xigtay waxaa si tartiib tartiib ah u kordhayay tirada dadka kusoo biiraya ee bil walba lacagta ku bixinaya adeegga daawashada, waxaana sii kordhay dadka daneynaya filimada Kuuriya.
Guushii uu gaaray filimkii jacaylka ahaa ee Crash Landing on You, oo soo baxay 2019-kii - muddo 229 maalmoodna Japan uga jiray 10-ka filim ee looga daawashada badan yahay dalkaas, Netflix-na ka noqday filimkii lixaad ee loogu daawashada badnaa gudaha Mareykanka intii u dhaxeysay 21 March ilaa 27 March, 2020 - waxay kusoo beegantay xilli uu guul taariikhi ah gaaray filimkii Parasite, waxaana halkaas kasii socday kobaca xowliga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib waxaa yimid cudurka safmarka ah ee Covid, markii ay shirkadihii filimada ee reer galbeedka xirmeenna, waxaa sare usii kacay daawashada filimada Kuuriya.
Netflix ayaa sheegtay in daawashada filimada Kuuriya ee macaamiisheeda Aasiya ay aad u badatay sanadkii 2020-kii marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii oo ay intaas ka hooseysay.
Qoraaga fadhigeedu yahay London, filimada Kuuriyana xiiseeya, Taylor-Dior Rumble, ayaa tiri: "Inta badan filimada caan baxay ee Kuuriya waa kuwo aad looga shaqeeyay, xaqiiqdana xoogaa ka fog, taasoo sababtay inay dad badan soo jiitaan.
"Dhowr sano oo culeysyo ah kaddib, dadku waxay isku dayayaan inay la socdaan madadaalada qalbiga taabaneysa," ayay tiri.
Maka heshay filimadan markaad soo dhammeysatay Squid Game? Waa kuwan qaar kale oo ka mid ah filimada Kuuriya
Crash Landing on You (dadka jacaylka xiiseeya ayaa loogu talogalay)

Xigashada Sawirka, Netflix
Duufaan, nasiib darro iyo jacayl ka tallaabay cadaawadda u dhaxeysa Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuwiyada Koonfureed ayuu ku saabsan yahay filimkan. Ma jirto sharraxaad kale oo lagu cabiri karo qisadiisa ilaa aad ka daawato adiga qudhaada.
Yoon Se-ri (Son Ye-jin), waa haweeney ganacsato milyaneer ah oo ka shaqeysata qalabka la isku qurxiyo. Diyaarad ay saarneyd ayaa la kulmeysa duufaan waxayna ku dhaceysaa meel dhex ah. Waxay soo miyirsaneysaa iyadoo ku xanniban khadka militariga ee lama galaanka ah.
Nasiib wanaag waxaa helaya askari u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo naxariis badan, Captain Ri (Hyun Bin).
Halkaasna waxaa ka billaabanaya qiso jacayl oo aad u xiiso badan.
Vincenzo (Waxaa loogu talogalay dadka jecel filimada tuugada)

Xigashada Sawirka, Netflix
Vincenzo Cassano (Song Joong-ki) waa qareen u shaqeeya Maafiyada Talyaaniga. Kaddib marka uu kusoo laabto waddankiisa Kuuriya waxay is helayaan nin musuqmaasuqa ka macaasha, ragga ninkaasi ka amar qaata iyo burcad kale.
Sidoo kale wuxuu doonayaa inuu ganacsigiisa wato isagoo ka xallinaya labada dhinac ee sharciga.
Filimada kale ee ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah:
Oh My Ghost: oo loogu talo galay dadka jecel filimada reer aaqiraadka.

Xigashada Sawirka, Netflix
Kingdom: oo ka sheekeynaya taariikh, cabsi iyo dagaal.
Strong Girl Bong-Soon: oo ah filim ku saabsan dadka leh awoodda xad dhaafka ah.













