Iman: Gabar Soomaali ah oo xustay seygeedii geeriyooday ee David Bowie

Xigashada Sawirka, Iman
Iman Maxamed Cabdulmajiid, oo ah gabar Soomaaliyeed oo caan ku ah xayeysiiska ayaa maalmihii sameysay xuska geerida ninkeeda oo ahaan jiray fannaan xiddig ahaa oo dhintay lix sano ka hor.
Iyadoo dib usoo xasuusaneysa taariikhdiisa iyo dhaxalkiisa fannaannimo ayay Iman kusoo qortay barteeda Instagram-ka: "Xasuusta aan dhammaadka lahayn ee 8-da January #BowieForever."
Gabdhan oo hadda 66 jir ah ayaa qoraalkaas soo raacisay sawirka kore, oo ay ka muuqdaan iyada iyo lamaanaheedii dhintay.
Ku dhawaad 100,000 oo qof ayaa Instagram-ka ku xiiseeyay sawirkaas iyo qoraalka isla socday.
Mr Bowi iyo Iman waxay is guursadeen sanadkii 1999-kii, xilligaas oo uu isagu ahaa fannaan iyaduna ahayd xiddig xayeysiiska ku caan baxday.
Kumuu ahaa David Bowie?
Magaciisa oo buuxa waxa uu ahaa David Robert Jones OAL, balse waxaa loo yaqaannay David Bowie oo ugu baxay masraxyada.

Xigashada Sawirka, Iman/David Bowie
Ninkan oo u dhashay Britain marka laga soo tago inuu fannaan ahaa, heesanaha qori jiray, waxa uu sidoo kale ahaan jiray jilaa sameeya filimada.
Bowie oo si weyn ugu soo shaac baxay muusigiisa waxaa lagu tilmaamay inuu ahaan jiray mid ka mid ah fannaaniintii ugu saameynta badnaa caalamka ee qarnigii 20-aad.
Gabadha yar ee ay dhaleen Iman iyo David Bowie
Iman Maxamed Cabdulmajiid iyo David Bowie ayaa isu dhalay hal gabar oo lagu magacaabo lexandria Zahra-Jones.

Xigashada Sawirka, lexandria Zahra-Jones
Inkastoo ay tahay gabadha keliya ee labadooda u dhaxeysa haddana waalidiinteeda mid walba ilmo kale ayuu ku soo dhalay guur ka duwan kan.
Waxaa jira lexandria walaalkeed ay isku aabbe yihiin oo la yiraahdo Duncan Jones oo hadda ah soo saare filim.
Sidoo kale waxay dhanka hooyada ka leedahay gabar walaasheed ah oo lagu magacaabo Zulekha Haywood, taasoo Iman ay u dhashay Spencer Haywood oo ahaan jiray mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda koleyga ee Mareykanka.
Duncan da'diisu waa 49 jir halka Zulekha ay jirto 42 sano.
Alexandria oo hadda 22 jir ah waxay lafteeda raacday waddadii aabeheed, dhawaan ayayna billowday inay heesaha qaaddo. Inkastoo aabbeheed iyo hooyadeed ay kasoo kala jeedaan Britain iyo Soomaaliya, iyadu waxa ay heysataa dhalashada waddanka Mareykanka, maadaama ay ku dhalatay magaalada New York.











