Kamiti: Sidey raggan ugu suuragashay in ay ka baxsadaan xabsiga sida wayn loo ilaaliyo?

.

Xigashada Sawirka, .

Saddexda nin ee lagu eedeeyay in ay falal "argagixiso" ka gaysteen gudaha waddanka Kenya ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ee sida wayn loo ilaaliyo, ayaa la soo qabtay waxaana dib loogu celiyay xabsigii ay ka baxsadeen.

Wararka waxay sheegayaan inay bulukeetiyo ka bixiyeen gidaarka xabsiga sidaasna ay ku baxsadeen saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

Waxay adeegsadeen bir daxaleysatay oo la soo helay intii baaritaanka uu socday, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Saddexda nin ayey u suuragashay inay ka gudbaan saddex xayndaab oo ammaanka xabsiga lagu sugayay.

Habeenkii ay raggaas baxsanayeen waxaa la sheegay in ay dajiyeen hab sare oo ay ugu suurageli karto inay ku baxsadaan, iyadoo la soo tabiyay inay isticmaaleen bustayaal iyo xaaqinno kuwaas oo intay isku xirxireen ay ka samaysteen walax adag oo ay u adeegsadeen inay uga gudbaan laba darbi ee sarsare oo ku wareegsan xabsiga.

Raggan intii ay baxsadka ahaayeen, waxay maalintii ka dhuumanayeen indhaha dadka, waxayna soconayeen habeenkii, sida uu qoray wargeyska The Standarad ee kenya ka soo baxa. Taas ayaa u fududeysay in aan dhaqso la soo qabanin.

Dhanka kale saraakiisha dambibaarayaasha ayaa ku mashquulsanaa soo uruurinta xogta ku saabsan sida raggaas ay derbiga xabsiga uga bixin karaan bulukeetiga.

Kenya

Xigashada Sawirka, DCI

Waxaa su'aalo la iska waydiiyay sida ay raggan uga gudbi karaan darbigaasi oo ay uga dhuuman kareen ciidammada gaafwareega xabsiga ee ilaaladiisa ka tirsan?

Waxaase sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah, markii dambe lagu ogaaday baaritaan ay sameeyeen ciidammada dambi baarista, kuwaas oo ogaaday in qaabka ay raggaas ku baxsadeen ay aheyd mid gacan ay ka "siiyeen dadka maamula xabsigaasi".

Waxaa kaloo baaritaanka lagu ogaaday in raggaas falalka argagixiso u xukunnaa ay qodeen darbıga oo bulukeetiyada dhinaca shishe ay u ridden.

Xabsiga Kamiti waa mid aad loo ilaaliyo oo ay ku xiran yihiin layrar aad u xoog badan, waxa uuna ku yaal meel istaraatiiji ah oo laga arki karo cidkasta oo xabsiga ku soo socota ama ka sii baxaysa.

Dhinackastana waxaa xabsiga kaga xiran Kaamerooyinka dhaqdhaqaaqa lagula socdo kuwaas oo loo adeegsado gudaha iyo bannaanka xabsigaba.

Sidee lagu soo qabtay raggan sida wayn loo doondoonayay?

Wararka soo baxayay saaka barqadii ayaa sheegayay in raggan ku eedaysnaa falalka argagixiso ee habeenkii Isniinta ka baxsaday xabsiga sida wayn loo ilaaliyo ee Kamiti in laga soo qabtay deegaanka Kitui, halkaas oo 127km waqooyi bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Wararka waxa ay sheegayaan in saddex nin ay cunto u doonteen tuulo ka tirsan deegaankaas, balse markii dadka deegaanka ay garteen waxay isla markiiba wargeliyeen booliska.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in saddexda nin oo u muuqday kuwo ay gaajo iyo oonba isugu darsameen, ay dukaan halkaas ku yaal ka iibsadeen caano iyo biyo badan, rooti iyo buskud.

Raggii ka baxsaday xabsiga Kamiti oo la soo qabtay

Xigashada Sawirka, DCI

Dadka ayaa sidoo kale ka shakiyeen raggan oo ay ka dareemeen in ay "wareersanaayeen" oo ay jihada ka lunsanayd oo aanan ka war haynba halkii ay ku suganayeen.

Waxaa raggaasi markii dambe laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeday Soomaaliya.

Maxaabiistan baxsatay ee hadda dib lo soo qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukuman 41 sano oo xabsi ah, waxaana loo heystaa weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sannadkii 2012-kii ka dib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo laga soo qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana lagu eedeeyay in uu doonayay in Al-Shabaab uu ku biiro.

Raggaasi waxaa hadda dib loogu celiyay xabsigii ay maalma ka hor ka baxsadeen ee Kamiti, iyagoo indhaha u xiran yihiin.

Dhanka kale toddobo ka mid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray ka dib markii saddexdan maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Arbacadii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha ciidanka Asluubta, Wycliffe Ogallo. Wuxuuna magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Digniinta Wasiirka Amniga Gudaha Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya, Fred Matiangi, waxa uu dadka Kenya u sheegay in ay u dulqaataan 'dhibaatada' kaga iman karta tallaabooyinka ammaanka lagu adkeeyay ee laga fulinayo goobaha laga baxo ama laga soo galo dalka sida garoomada diyaaradaha ee Kenya iyo khadka tareenka ee Mombasa iyo Nairobi.

Isagoo ka hadlayay Xabsiga Kamiti ee aadka loo ilaaliyo ee ay ka baxsadeen saddexda nin ee dib loo soo qabtay, wuxuu sheegay in digtooni sare ay Kenya ku jirto, waxa uuse ku booriyay shacabka inay aad u feejignaadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiangi

Xigashada Sawirka, NATIONAL POLICE SERVICE

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiangi

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in 'khaladaad aanan la cafin karin' la galay mudadii ay maxaabiista baxsanayeen.

Dhanka kale waxaa la xiray laba askari oo kale oo ka mid ahaa maamulayaasha xabsiga iyagoo lagu soo qabtay baaritaan la xiriira sida ay saddexdaas nin uga baxsadeen xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Kenya.

Matiang'i ayaa sheegay in saddexda nin lagu soo oogi doono dacwado cusub oo la xiriira inay xabsiga ka baxsadeen.