Mike Sonko: Ninkii xabsiga ka baxsaday siduu ku noqday duqa magaalada Nairobi?

Xigashada Sawirka, AFP
Ka dib markii laga qaaday xilka, duqii hore ee caasimada Nairobi ee dalka Kenya, Mike Sonko ayaa hadda wajahaya eedeymo badan iyo dambiyo ay ka mid yihiin lacag isdaba marin iyo argagixisanimo. Haddaba waa kuma Mike Sonko, sidee bay ugu suurogashay inuu ka mid noqdo siyaasiyiinta ugu caansan Kenya?

Gidion Mbuvi Kioko oo aad loogu yaqaanno "Mike Sonko" wuxuu caan ku yahay qaab nololeedkiisa maalqabeennimada ah, dharka dhalaalaya iyo dahabka qaaliga ah ayaa ku muteystay naanaysta Sonko oo macneheedu yahay qof taajir ah kadib markii uu si cad lacag ugu qaybiyey taageerayaashiisa xaafadaha isku raranta ah ee Nairobi.
Waqti dheer kahor intuusan siyaasadda galin oo naaneystaasna uusan helin, waxaa 1990-meeyadii loo xiray kiis musuqmaasuq oo dhul la xiriira. Wuxuu ku guulaystay inuu ka baxsado xabsiga isaga oo laaluushay ilaaladiisa, ka hor inta aan la qaban oo aan dib loogu celin xabsiga.
Ka dib markii la sii daayey, wuxuu aasaasay ganacsiyo guuleystay oo ay ka mid yihiin shirkad basaska dad weynaha, shirkad guryaha dhista iyo maqaayad lagu caweeyo oo ku taal Nairobi. Si deg deg ah ayuu ku helay lacag uu ku galo siyaasadda.
Isaga oo jira 35 sano ayaa waxa uu noqday xildhibaan 2010-kii, sadex sano kadib wuxuu noqday noqday senator kahor intaan aakhirkii Mr Sonko loogu codaynin inuu noqdo duqa magaalada Nairobi sanadkii 2017-kii.
Laakiin sidii ay guushiisa u ahayd deg deg lama filaan ah ayuu hoos u dhaciisana ahaa isla sidaasoo kale. Waxaa xilka laga xayuubiyay bishii Diseembar ka dib markii lagu soo eedeeyay anshax xumo iyo ku takrifal xafiiseed.
Mr Sonko ayaa sidoo kale wajahaya dacwado badan oo ay ku jiraan kiisas dhowr ah sida musuqmaasuq, iyo falal argagixiso laxiriira, kuwaasi oo uu dhammaantood gaashaanka u daruuray.
Waxaa lagu soo eedeeyay inuu musuq maasuqay in ka badan 300 oo milyan oo Kenya shilin ah ($ 2.7m; £ 1.9m) oo qeyb ahaan qandaraasyo loo lasiiyay shirkadaha ay leeyihiin asxaabtiisa oo la sheegay inay lacag ugu galiyeen akoonadiisa gaarka ah kadib markii ay lacagtooda ka heleen ismaamulka Nairobi.
Waxaa sidoo kale dhawaan lagu eedeeyay qorista iyo hubeynta maleeshiyo, soo iibinta dharka militariga ee lala xiriiriyo kooxaha argagixisada iyo maalgelinta howlaha argagixisada.

Xigashada Sawirka, DCI/Court document
Ma jirto wax cadeyn ah oo muujineysa goorta Mr Sonko dhab ahaan maxkamad la soo taagi doono - wuxuu wajahayaa eedeymo badan.
Isaga iyo taageerayaashiisa waxay leeyihiin dacwadaha lagu soo oogay waa kuwo siyaasadeysan oo looga gol leeyahay in lagu cabsi geliyo.
'Codka madaxweynaha oo kor loo qaaday'
Sannadkii 2014, markii ay mas'uuliyiinta qaranku u soo direen cagaf-cagafyo si ay u dumiyaan guryaha la deggan yahay ee la sheegay in laga dhistay dhulka danta guud ee Nairobi, ayaa Mr Sonko, oo markaa ahaa senator-ka magaalada, gaaray goobta.

Xigashada Sawirka, AFP
Qeyb ka mid ah dadka ayaa daawanayay iyagoo niyad jabsan, oo eegaya maalgashigooda oo dhulka lala simayo.
Senator-ka ayaa wacay telefoonka Madaxweyne Uhuru Kenyatta, sameecadda taleefoonka ayuuna kor u qaaday: "Mudane, mudane," ayuu senetarka yiri, "halkan Balozi [waa dhisme ku yaal Nairobi], guryo qiimahoodu yahay balaayiin shilin ayaa la burburiyay."
"Yaa duminaya guryaha?" ayuu madaxwaynuhu waydiiyay.
"Waa wasiirka beeraha ... waxaan warqad u qoray xafiiskiisa wuxuuna ii xaqiijiyay inuusan dumin doonin. Halkan ayuu joogaa imikana oo guryaha ayaa hortiisa lagu duminayaa," ayuu ku jawaabay Mr Sonko.
Madaxweynaha ayaa u sheegay inuu joojinayo duminta. Dadkii badnaa ayaa ku qayliyay iyagoo farxad ka muuqato.
Daqiiqado kadib ayuu wasiirku caddeeyay in la faray inuu joojiyo duminta, ilaa laga xaliyo muranka dhulka..
'Waxaan ahaa dambiile iyo maxbuus hore'
Mr Sonko ayaa safarkiisa siyaasadeed bilaabay sanadkii 2010, markaas oo uu u tartamay doorashada ku celiska ee xilka baarlamaanka.
Wuxuu ahaa shaqsi aan la garanayn oo siyaasadda ku cusub, laakiin wuxuu ahaa nin taajir ah oo xamaasad badan.

Xigashada Sawirka, AFP
Dabeecadaha aan caadiga aheyn ee Mr Sonko ayaa inta badan la dhaleeceeyay, oo ay ku jiraan dhaqamadiisa aan caadiga aheyn, iyo jaceylka uu u qabo xirashada dahabka.
Sannadkii 2011-kii, markii uu ahaa xildhibaan cusub, waxaa laga saaray aqalka baarlamaanka, ka dib marki uu baarlamaanka la soo galay muraayadaha indhaha iyo sameecadaha dhagaha.
"Waxaan matalayay dhalinyaradii ii dooratay baarlamaanka," ayuu u sheegay BBC-da. Wuxuu sheegay inuu u dagaallami doono inuu beddelo qawaaniinta dharka, in kasta oo uusan waligiis ku guuleysan arrintaas.
Sharci-dejiye ahaan, wuxuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo kala duwan, oo lagu arkay isagoo waddada ku galgalayana oo gidaar feeraya. Wuxuu adeegsaday NGO-ga uu sida gaarka ah u maal-galiyo si uu u bixiyo adeegyo bilaash ah intii uu ahaa senator-ka, isagoo la kulmay dhaleeceyn la xiriirta inuu doonayo inuu wax yeelleeyo guddoomiyihii xilligaas.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
'Waxa uu ku guul-darreystay inuu maamulo caasimadda'
Markii la dhaariyay Mr Sonko 21-kii Ogosto 2017, wuxuu ballan qaaday in magaaladu aysan sidii hore ahaan doonin.
"Waxaan shaqeyn doonaa habeen iyo maalin si aan u dammaanad qaado adeegyo hufan oo waqtigooda ku habboon oo loo qabto dhammaan dadka deggan magaalada," ayuu yiri.

Hase yeeshe, habdhaqankiisa xasaasiga ah iyo habka maamul ee aan caadiga ahayn ayaa horseeday is-casilaad isdaba joog ah, shaqo ka cayrin iyo hoos u dhac joogto ah oo lagula kaco saraakiisha magaalada.
Ballan qaadkii ahaa in gudoomiyuhu uu gobolka wax ka badali doono ma suuroobin.
"Sonko ma uusan aqoonin sida loo maareeyo qaab dhismeedka rasmiga ah ee dowladda, wuxuuna goobta uga tagayaa si la mid ah qaabkii iyo riwaayaddii uu la yimid," senator Isaac Mwaura ayaa goor dambe sidaas yiri.
Ugu dambeyntiina, guddoomiyuhu wuxuu u saxiixay qaar ka mid ah shaqooyinka gobolka dawladda qaran iyada oo loo marayo Adeegyada Metropolitan ee Nairobi (NMS) oo uu madax ka yahay jeneraal.
In kasta oo Mr Sonko uu markii hore shaaca ka qaaday inuu si ikhtiyaari ah u wareejiyay qaar ka mid ah awoodihiisa, haddana wuxuu si joogto ah ugu dagaallamayay inuu dib u soo ceshado, marna wuxuu ku andacooday in la khiyaameeyay.

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweyne Kenyatta wuxuu sheegay in barasaabka uu ku fashilmay maamulidda magaalada, wuxuuna u soo bandhigay NMS si ay u caawiso.
"Waxaan u sheegay saaxiibkay Sonko, haddii aad caawinaad u baahan tahay waxaan isku dayi doonaa inaan qof kale keeno oo maamulka dhinac ka noqdo," ayuu dhawaan yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu u billaabay xil ka qaadista Mr Sonko sababo la xiriira waxqabad la'aantiisa iyo hannaankiisa hoggaamineed ee halista ah.
Wuxuu ballan qaaday adeegyo ka wanaagsan sidii hore - in kasta oo uu xusay guulaha qaarkood, oo ay ka mid tahay soo celinta dhul dadweyne oo la qabsaday iyo dib u dhiska waddooyinka.










