Eng. Maxamuud Jimcaale: Handadaadii i badbaadisay! Meel cidlo ah ayay igu dejiyeen balse badbaado ayay ii noqotay!

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Eng. Maxamuud Jimcaale
- Role, Madaxweynihii hore ee Jaamacadda Jamhuuriyaha
Waa sannadkii 1991. Waxaa soo socday dagaalkii Afar-biloodka oo ahaa kii ugu qaraaraa uguna saamaynta xumaa ee ka dhacay Muqdisho. Waxaa dhacay dagaal saddex maalmood socday oo horudhac u ahaa Afar-biloodka.
Labadii dhinac ee siyaasadda isku hayay, qolo waxay ku doodday in la soo weeraray oo la doonayay in la afgembiyo dowladdii Cali Mahdi. Dhinaca kale waxay ku doodeen in uu dagaalku ahaa iskuday dil oo la doonayay in lugu khaariyo Jeneral Ceydiid.
Odayaasha beelaha ee garta galayna waxay warka ku soo dhammeeyeen "Cali gar leh, Caydiidna gar leh."
Waxaan maalin si kedis ah u kulannay saaxiibkey Cabdullaahi Nuurre Aw Diini, oo aan isku fasal ahayn Jaamacadda, ganacsadena ahaa.
Wuxuu igula taliyay in aan dalka ka tago si aan waxbarashadaydii usii wato, isagoo ii sheegay in uu jirey markab ku xiranaa dekedda Muqdisho oo Yaman u qaadayay Soomaalidii asalkoodu Yamanta ahaa.
Wuxuuna ii ballanqaaday in uu iga bixiyo lacagta markabka iyo sahayda safarka, waxaana ku ballannay dukaankiisii Royal ee degmada Shangaanni.
Nasiib darro, intii aan baadigoobayay warkii markabka waxaa qarxay dagaalkii Afar-biloodka. Halkaas ayaanna ku kala lunnay aniga iyo Cabdullaahi Nuurre, oo kala ahayn labadii qabiil ee dagaallamaysay.
Waxaa magaalada isqabsaday hugunka madaafiic aan kala joogsi lahayn. Dadka waxay haysyteen hubkii laga soo rartay xeriyihii dowladdii dhacday.

Waxaan qaar qoyskeyga ka mid ah ula qaxay deegaanka Caliyaale, kaddibna waxaan usii gudubnay deegaanka Ceelcadde oo u dhaw Muqdisho. Qoyska intiisii kale sida Aabbe, Hooyo iyo walaalihii kale, waxay u kala qaxeen meelo kala duwan.
Waxaan ka warhelay in markabkii u wareegay degmada Cadale. Waxaaan arrinkii u sheegay ina adeerkey Yuusuf Maxamuud Jimcaale (Muyadiin Joorje) oo ii ballanqaaday in uu iga bixiyo sahayda safarka.
Waxaan tegay Cadale, waxaase la ii diiday in aan markabkii raaco, ka ddina waxaan go'aansaday in aan Xamar u noqdo. Waxaa ii qorsheysnayd in aan u tago, Allaha u naxariistee, saaxiibkey Cabdullaahi Nuur Cabdulle oo markaas degganaa degmada Kaaraan, ama aan u laabto reerkeennii oo aan ku ogaa deegaanka Ceelcadde.
Waxaan helay kolonyo baabuur ah mucaawino u soo sidday Muqdisho oo u kireysnayd hay'adda Laanqeyrta Cas (ICRC), waana soo raacay.
Markii aan mareynay tuulada Filaydheere oo xoogaa u jirta Cisalley ayuu ninkii kolonyada masuulka ka ahaa wuxuu askartii faray in ay dejiyaan dadka aysan aqoonnin.
Inta dadkii fiirfiiriyeen ayay kaligey igu amreen in aan dego, waana ka diiday maadaama aanan joogin meel aan ku hari karay. Ninkii wuxuu askartii ku yiri "Ninkaan sidii aad ku dejin kartaan ku dejiya. Dhaqasada!".
Askari ayaa dhabarka qori iga saaray, inta ammaanka furtay iguna yiri: 'Ka deg gaariga'! Waan degay, waana iga dhaqaaqeen. Geed qurac ah oo hoos fiican lahaa oo ii muuqday ayaan hoos fariistay. Waan tukaday, waxaana Alle ka baryay ducadii uu Nabi Muuse ku duceystay ee aheyd "Allow wixii kheyr ah ee aad i siiso waan u baahanahay."

Xigashada Sawirka, AFP
Wax yar kaddib waxaa ii timid gabar yar oo aan Muqdisho deris ku ahaan jirnay. "Sow Maxamuud ma aha?" ayay igu tiri. "Haa" ayaan ugu jawaabay, waxayna igu tiri "Ciddiinnii Ceelcadde waa ka soo guurtay oo tuulada Ceellow oo halkaan dhow ah ayay soo degtay." Waxayna i siisay tilmaan fiican.
Markaan qiyaastii 20 daqiiqo socday ayaan qoyskeygii helay. Gaajo ayaan tacbaan la ahaaye, si fiican ayaa la ii sooray oo hilib ari iyo caano geel oo suusac ah ayaa la i siiyay.
Waxaa ii warramay Ina adeerkey Cabdiqaadir Maxamuud Jimcaale, Alle ha u naxariistee, wuxuuna ii sheegay in uu dhintay ninkii saaxiibkey ahaa ee aan rabay in aan la dego haddii aan Muqdisho ku laabto!

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nimanka handadaaddoodu aad ayay ii xanuunjisay, laakiin waxaa ii caddaatay in ay ahayd gurmad Alle! Ninkii aan isku hallaynayay waa dhintay, reerkeenniina waa soo guuray oo wuxuu soo degay meesha la igu dejiyay!
Waxaa la ii tiriyay dadkii ka dhintay xaafaddii Siinaay, intii aan aqaanay ee la tiriyayna waxay dhaafeen boqol. Waxaan halkaas ku ogaaday geerida Walaashey, Nasro Axmed Jimcaale, iyo ina adeertey Xabiibo Maxamuud Jimcaale. Arrinta xanuunka leh waxay ahayd in dadkaas badankooda ahaayeen dad rayid ah oo ay madaafiicda ku habsatay.
Markii aan Ceellow joogay bil kale, dagalkiina weli socdo ayaan go'aansaday in aan Xamar ku laabto. Waxaan soo raacay gaari Sitey ah. Waxaan ku soo degay guri walaalkey Ibraahim Axmed Jimcaale (AUN), ka degganaa Kaaraan.
Dagaalkii faraha ayuu ka baxay, waxaa muuqay rejobeel, waxaana billowday kooxo abaabulan oo ka gacasada hubka. Waxaa soo baxay dad ka xoolaystay raashinkii iyo daawooyinkii hay'adaha gargaarka, iyaga ayaana dadka ugu hanti batay oo magan loo noqday.
Waxa sii fogaaday ururkii SNM oo wadahadal kula jiray ururkii USC, iyadoo wafgidii ka socday ee uu hoggaaminayay Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) uu ka tegay Muqdisho, kuna laabtey Burco, halkaas oo looga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland.
Marka dagaalkaasi wuxuu sii dhiirrigeliyay kalatagga, waxaana xasuustaa in masuul ka tirsanaa SNM wareysi uu BBC siiyay uu arrinkaas si cad ugu sheegay.

Xigashada Sawirka, AFP
Gargaarkii ay hay'aduhu keeneen waxaa sababtiisa ku badbaadey malaayiin, in kastoo dhinaca kale uu dhiirrigeliyey in ay dagaallada sii daba dheeraadaaan.
Raashinkooda iyo dawadoodu waxay noqdeen awood xoog leh oo ay ku tashadaan hoggaamiyayaashii dagaalka oo ciidamdooda u helay raashin iyo dawo bilaasha ayna ka yaraadeen kharashaadkii dagaalka.
Dagaalkii Afar-biloodka waxaa dhinac socday musiibadii bani'aadamnimo ee ugu xumeyd, inta aan ka ogahay taariikhda Soomaalida.
Abaaro iyo barakicin is watay ayaa ka dhacay gobollada Bay, Bakool iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha hoose. Dadkaas waxaa isu raacay abaaro ba'an iyo in laga dhacay xoolihii iyo keydkii badarka ee ay ku baxsan jireen xilliyada abaaraha.
Waxaa la wariyay in ay gaajo u dhinteen (ama la dilay) nus malyuun qof. Waqtigaas waxaa loo yaqaannaa "Caga-bararkii", maxaa yeelay, waxaa aad u badnaa in la arko dad la bararay nafaqa darro. Waxaana la arki jiray waalid dhintay iyo caruurtoodii oo meydkooda iska ag fafadhiya.
Ugu dambeyntii waxaa billowgii 1992, dagaalkii soo farageliyay beesha caalamka oo ciidan soo dirtay. Maalintii uu dagaalka istaagay, waxaan arrinkaas maqalnay annagoo mareynay isgoyska Siinaay, aniga iyo saaxiibkey Daahir Xasan Guuleed (Dhoollayare).
Waxaan aragnay ciidankii is hor-fadhiyay oo isu yimid iyagoo baabuurtoodii dagaalka wata oo sheekeysanaya. Markaas ayan ku dhiirannay in aan dhinicii kale ee magaalda soo aadno.
Waxaa soo marnay inta u dhxeysa isgoyska Siinaay iyo xaafadda Xararyaale oo uu kabaxay caws dhaareer isuna beddeshay keyn. Waxaa meelaha ka muuqday meyd lafo noqday.
Waxaan gaarney isgoyska Bakaaraha waxaana galnay xaafadadda Baramuudo oo ay dagaallo culus ka dhaceen. Markii aan sii mareynay Footo Galbeed waxaan aragnay ciidan luuqyada ka soo jeedjeeday. Meelaha qaar waxaa ka muuqday lafo, derbiyadana waxaa ku yiillay dhiig qallalay.
Waxaan socod ku tagnay garaashka Xuseen Maalin Bariir oo ay joogeen dad aan qaraabo nahay oo ay halkaas dagaallada ku go'doomiyeen, sidoo kalena ay ku tiillay bar laga dagaal-gelinayay ciidamadii dagaallamayay.
Sidoo kale waxaan tagnay xaafadda Ansalooti, waxaana sii marnay xerada Fardooley ee Daraawiishta iyo dekadda Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaan marnay hotel Curuba oo ay ciidanka isku horfadhiyaan. Weligeey ma arag meel sidaas u burburtay! Waxaan ku aadnay iyadoo ay xiisadi meesha ka jirtay. Nasiib wanaag labadii ciidan midkoodna nalama hadlin.
Markii aan gaarnay safaaraddii hore ee Mareykanka, waxaan halkaas ugu tagnay dad aan qaarkood aqoonsannay. Markii aan uga sheekeysannay dhulka aan soo marnay, aad ayay noola yaabeen, waxayna na weydiiyeen sababta aan ilaa heerkaas isu biimeynay.
Waxaan socod ku marnay jidka dheer ee hormara dekeddii hore iyo masaajidka Cabdicasiis. Waxaan xauustaa in meelaha qaar cawska uu ku hoos jirey mayd ay lafo ka soo hareen oo dharkiisii ku dhex jira.
Dhawr maalmood ka dib, waxaan ka wardoonay asaxaabteydii dhinacii kale ee magaalada gaar ahaan Dr. Cusmaan Xaashi Yusuf (Jazeera) iyo Dr. Cabdifataax Xaashi Cali, oo ahaa saaxiibo igu qaali ah oo aan isku fasal ahayn kulliyaddii caafimaadka, kana shaqeyn jirey Isbitaalka Banaadir.
Markii aan u tegey si weyn ayay iisoo dhaweeyeen waxaanna wada qaadannay maalin farxad leh. Waxaan ka war helay geeri aad ii xanuunjisay ee Saaxiibbadey Cismaan Cabdi Jaamacad (Bukhaari) iyo Cabduqaadir Suujino (AUN). Markaas ka dib waxaa billowday inay magaalada isu furanto.
Dhacdooyinkaas waxaa ku hoos duugan dambiyo mudan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo.
Waa in la helaa ciddii masuulka ka ahayd in uu weji qabiil yeesho dagaalkii lugu riday dowladdii Maxamed Siyaad, dadkii ka dambeeyay in uu dhaco dagaalkii Afar-biloodka iyo kuwii iyagoo joojin kara aan xil iska saarin iyo dambiilayaashii ka dambeeyay in nus malyuun qof gaajo loogu dilo Baay iyo Bakool.
Macno ma samaynayso in qabiil farta lugu fiiqo, maxaa yeelay arrinkaas wuxuu gabbaad bilaash ah siinayaa dambiilayaashii runta ahaa.
Fikradda halkan ku qoran waxay gaar u tahay qoraaga Eng. Maxamuud Jimcaale.












