Kiiska dilkii madaxweynihii Burkina Faso, Thomas Sankara: Yaa dilay halyeeygii Afrika?

Thomas Sankara oo shir ka qeybgalayay shir sanadkii 1983

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Thomas Sankara oo shir ka qeybgalayay shir sanadkii 1983

ka dib 34 sano markii la dilay madaxweynihii Burkina Faso, Thomas Sankara, waxaa dilkiisa lagu eedeeyay 14 qof oo la sheegay inay ku lug lahaayeen qaarijinta ninkii loogu yeeri jiray "Halyeeygii Afrika".

Waxaa dalka Burkina Faso ka bilowday dhageysiga dacwadda 14 qof ee lagu eedeeyay dilka hoggaamiye Thomas Sankara.

Hoggaamiyihii howlkarka ahaa ee u doodi jiray midnimada Afrika, waxaa toogtay ciidamo, 15-kii bishii Oktoobar 1987 isaga oo 37 sano jir ahaa, ka dib markii dalkaas uu ka dhacay afgembi militari, taas oo horseeday in ninkii saaxibka dhaw la ahaa Sankara, Blaise Compaoré, uu awoodda la wareego.

Compaoré wuxuu ka mid yahay 14 qof ee lagu eedeeyay dilkaas, balse haatan wuxuu ku sugan yahay dalka deriska ee Ivory Coast, halkaasoo uu u cararay markii 2014 lagu khasbay in uu is casilo oo ay dibadbaxyo ballaaran ka dhaceen dalkaas.

Wuxuu ku celceliyay in uusan wax lug ah ku laheyn dilkii Thomas Sankara, wuxuu qaadacay dhageysiga dacwadda loo heysto.

"Muddo badan ayaan sugayay dhageysiga kiiskan," ayay tiri xaaskii uu ka geeriyooday ee Mariam Sankara, mar ay la hadleysay BBC.

Waxay intaa ku dartay: "Waxaan doonayaa in aan ogaado runta, yaa ka dambeeyay dilkiisa iyo sababta".

Sankara, Afrika waxaa weli looga aqoonsan yahay halyeey- sawirradiisa waxaa lagu dhajiyay baabuurta ka shaqeysa guud ahaan galbeedka Afrika, dhanka Koonfur Afrika, hoggaamiyaha mayalka adag ee mucaaradka, Julius Malema, wuxuu soo hadal qaadaa in Sankara uu yahay qofka uu ku daydo.

Sankara, maxaa loogu tilmaamaa halyeey?

"Sankara waxaan u aragnaa qof dalkiisa jecel, dadkiisa wuu jeclaa, dalkiisa wuu jeclaa, Afrika ayuu jeclaa, naftiisa ayuu u huray dalka", ayuu yiri Luc Dumba, xoghayaha guud ee guddiga qaabilsan xuska Sankara.

Markii uu awoodda hayay wuxuu dalka ka baddalay magaca Upper Volta, wuxuu u baddalay Burkina Faso oo micnaheedu yahay, "Dhulka ay ku nool yahay dadka wanaagsan".

Sankara wuxuu xakameeyay noloshiisa, wuxuu yareeyay mushaarkiisa iyo midkii shaqaalaha dowladda.

Wuxuu mamnuucay in la isticmaalo baabuurta dowladda iyo diyaaradaha qeybta raaxada ah raacaan.

Wuxuu kaalin weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada Burkina Faso, sidoo kale wuxuu garwadeen ka ahaa olole ballaaran oo tallaalka ah.

Wuxuu dhul siiyay beeraleydii saboolka ahaa kuwaas oo markii dambe ka soo saaray dalagga burka.

Thomas Sankara waxaa lagu dilay afaafka hore xarunta golaha kacdoonka dalkaas

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Thomas Sankara waxaa lagu dilay afaafka hore xarunta golaha kacdoonka dalkaas

Sankara wuxuu ku baaqay in Afrika ay midowdo si loo hor joogsado waxa uu ku tilmaamay 'guumeysiga dadban', taasoo uu ku waday hay'adaha sida IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wuxuu mar oran jiray, "Qofka ku quudiya waa qofka ku maamula".

Wuxuu bilaabay siyaasado ka dhan ahaa galaangalka dalalka shisheeye taas oo caqabad ku noqotay awooddii Faransiiska ee gobolka, xaaskiisa Mariam waxay ku eedeysay Faransiiska in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dilka Sankara.

"Weli waa madaxweyneheygii, wuxuu u sameeyay bulshada ayaa dhiirigelin u ah dhalinyarada" waxaa sidaas yiri ardey wax ka dhigtay Jaamacadda Thomas Sankara ee ku taalla Ouagadougou mar uu la hadlayay BBC-da.

Waxaa caasimadda Ouagadougou, sannadkii 2019 laga dhisay taallo lagu xusayo Thomas Sankara ka dib markii cabasho laga muujiyay mid horey looga taagay halkaas.

Taallada loo dhisay Thomas Sankara

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taallada loo dhisay Thomas Sankara

Mr Damiba wuxuu sheegay in ay socdaan qorsheyaal lagu ballaarinayo xarunta xuska Sankara, isla markaana taallada kor loogu qaaday ilaa 87m.

Waxaa sidoo kale jirto xarun kale oo lagu xusayo Sankara, taas oo isugu jirto maktabad iyo shineemo, waxaana xaruntaas lagu wadaa inay noqoto goob lagu gudbiyo fikradaha kacdoonka ee uu garwadeenka ka ahaa Sankara si loo gaarsiiyo jiilka mustaqbalka.

Maxay aheyd dhaleecenta loo jeedin jiray?

Siyaasidihii Sankara ee garabka bidix ee mayalka adag ahaa, waxaa dhaleeceeyay hay'adaha xuquuqul insaanka oo ay ku tilmaameen kuwa adag oo daran.

Warbixin ay sannadkii 1986 soo saartay hay'adda Amnesty International ayaa shaaca ka qaaday eedeymo ah in siyaasiyiinta mucaaradka xabsiyada loo taxaabay iyagoo aanan wax maxkamad la soo taagin, isla markaana jirddil loo geystay.

Blaise Compaore wuxuu ahaa Sankara saaxibkii , wuxuu beeniyay in wax lug uu ku lahaa dilkiisa

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Blaise Compaore wuxuu ahaa Sankara saaxibkii , wuxuu beeniyay in wax lug uu ku lahaa dilkiisa

"Waxay ila tahay in uusan dhageysan jirin ama uusan la hadli jirin mucaaradka. Aad ayuu ugu gaabsaday fikradda ku saabsan furfurnaanta siyaasadda iyo dimuqraadiyadda," ayuu yiri Serge Theophile Balima, oo ahaa wasiirkii warfaafinta xilliggii dowladdii Sankara.

Wuxuu intaa ku daray: "Wuxuu doonayay in awoodda uu ku wareejiyo shacabka. Wuxuu awood siiyay shaqaalaha caadiga ee muruq maalka ah, kuwaas oo ay hoggaaminayeen guddiyada difaaca kacdoonka ee CDRs, waxaana loo shaqaaleysiiyay in ay wax ka dhahaan waxyaabaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda, waxay geysteen tacaddiyo taas oo sumcad xumo ku noqoneysay maamulkiisa".

Wareysi uu sannadkii 2020 siiyay website-ka Africa Report, madaxweynihii hore Burkina Faso ,Jean-Baptiste Ouédraogo, oo ah ninkii xukunka ka tuuray Sankara, ayaa ninkan ku tilmaamay, "In madaxtinimada ay madax martay oo shaki badan uu qabay".

Dacwadda ku saabsan dilkiisa, maxay muddo dheer u qaatay?

Walaalkii, Paul Sankara, wuxuu yiri: "Muddo badan ayaan sugeynayay dhageysiga dacwadda dadka loo heysto dilkiisa, 27 sano oo uu xilka hayay Blaise Compaoré', markii uu xilka hayay wax rajo ah kama aanay laheyn suurtagalnimada dhageysiga dacwadda".

Taageerayaasha Sankara waxay codsanayaan inay helaan caddaalad

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Sankara waxay codsanayaan inay helaan caddaalad

Xaaskii uu ka geeriyooday, waxay sanadkii 1997 gudbisay dacwad ku saabsan dilka seygeeda, balse 15 sana ayay ku qaadatay in maxkamadda sare ay go'aan ka gaarto baaritaanada ku saabsan arrintaas.

Horumar aan sidaas u badneyn ayaa la gaaray arrintan tan iyo markii xilka laga tuuray Mr Compaoré, sanadkii 2014.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa loo maleeyay meydkiisa ayaa la soo saaray balse dhiigga hidde-sidaha DNA ayaa lagu xaqiijin waayay baaritaannada ku saabsan arrintaas.

Sannadkii 2016-kii, mas'uuliyiinta Burkina Faso, waxay ka codsadeen dowladda Faransiiska inay soo saarto dokumentiyo militari oo ku saabsan qaarijinta Sankara.

Ilaa saddex marxaladood ayaa la marsiiyay dokumentiyada lagu wareejiyay dowladda Burkina Faso - halka qeybtii ugu dambeysay lagu wareejiyay bishii April 2021.

Yaa kale oo laga dhageysanayaa dacwadda?

Madaxii hore ee shaqaalaha dowladdii Mr Compaoré, Gilbert Diendéré iyo 11 qof oo kale ayaa lagu wadaa in ay ka soo hor muuqdaan maxkamad militari, waxay wajahayaan dacwado la xiriira "inay weerareen amniga dowladda" iyo "inay gacan ka gesyteen dilka" iyo "in ay qariyeen meydadka".

Diendéré wuxuu ku jira xabsi ka dib markii 20 sano oo xarig ah lagu riday taas oo uu ku muteystay kaalintii uu ka qaatay afgembigii dhicisoobay ee sannadkii 2015.

Sankara waa loo yaqaanay 'halyeeygii Afrika'

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sankara waa loo yaqaanay 'halyeeygii Afrika'

Dadka lagu eedeeyay dilka Sankara waxaa sidoo kale ka mid ah, Diébré Jean Christophe, oo ah dhakhtarkii saxiixay shahaadadii muujineysay in Sankara uu iska dhintay, waxaana loo heystaa in uu ka been sheegay arrintaas.

Dadka kale ee loo heysto dilka ee dalka ka maqan waxaa ka mid ah Hyacinthe Kafando, madaxii hore ee amniga dowladdii Compaoré. Waxaa dhammaan dadkaas loo jaray warqad waaran oo caalami ah oo lagu soo xirayo.

Saameyn nooce ah ayay maxkamadeynta ku yeelan kartaa raggan?

Waxaa jirto casbi ah in maxkamadeynta ay Burkina Faso u horseedi doonto xasillooni darro, xilli dalkaas uu la daalaa dhacayo weerarada kooxaha jihaadiga ee xiriirka la leh Al Qaacida iyo IS.

Mr Compaoré ayaa weli saameyn ku leh dalka. Dadka falanqeeya siyaasadda dalkaas waxay ka digayaan in militari daacad u ah madaxweynihii hore ay dalka xiisad ka abuuri karaan, haddii la maxkamadeeyo ninkan, weli waxaa taagan saansaan noocaas ah.

Dhinaca kale, madaxweyne Roch Marc Kaboré, wuxuu rumeysan yahay in maxkamadeynta ragga ay horseedi doonto in xaaladda ay degto oo diiradda la saaro dib u heshiisiinta qaran.

"Ma rumeysno in maxkamadeynta noocaas ah ay horseedi doonto xasilooni darro", ayuu yiri Mathieu Pellerin, oo ah falanqeeya ka tirsan International Crisis Group (ICG) xilli uu bishii April 2020 u warramayay jaraa'idka kasoo baxa Faransiiska ee Jeune Afrique.

Wuxuu intaa ku daray: "Dib u heshiisiinta waa arrin naadir ah in la gaaro mar haddii caddaalladda la waayo".