'Da' yar': Maxay tahay 'da' yaraan' sideyse u saameyneysaa jiilka Z ee dhanka shaqada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Takoorka da'da ee dhanka shaqada keliya ma saameeyo dadka waaweyn.
Markii ay jirtay 22 sano, Priscilla Bonzi waxaa u soo dhammaaday tababarkii ay ku qaadaneysay safaaradda Washington DC, Mareykanka. Waxay codsatay shaqo mana aysan helin, taas oo u muuqan kartay mid caadi ah.
Si kastaba, markii ay su'aashay sababta aan loo qaadan, jawaabta waxay noqotay mid ay dhibsato: "Waxay ii sheegeen in aan aad u da'yarahay oo aanan u qalmin shaqada."
"Ma fileyn in da'deydu ay sabab u noqon karto go'aanka," ayay Bonzi u sheegtay BBC-da.
Hadda waxay la talin ahaan ula shaqeysaa shirkad caalami ah oo dhanka sharciga ka shaqeysa oo ku taalla New York, dhacdadaas ay la kulantayna mar hore ayay ahayd. Si kastaba, da'yar badan ayaa wajahaya xaalado tan la mid ah.
Tan waxay ku dhacday ardayad 19 sano jir ah oo lagu magacaabo Nadirah Xuseyn, xilli ay ka shaqeneysay London.
"Markii aan la hadlay saaxiibbadey aan isla shaqeyno, way yaabeen markii aan da'deyda u sheegay, mararka qaarna way quursan jireen waxa aan sameeyo amaba waxay iila dhaqmi jireen sida in aan intaas ka yarahay, inkastoo aan qaangaar ahaa."
"Waxaan dareemay in ay iila dhaqmayaan sida gabadh yar. Way ku adkeyd inay sida qof weyn iila dhaqmaan," ayay tiri.
Dhaqankanka takoorka ah, ee loo yaqaano "da' yaraan" wuxuu u muuqdaa mid hadda aad u jira marka loo eego berigii hore, gaar ahaanna dalalka horumaray.
Caddeynta in takoorkaas uu jiro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkastoo ay adagtahay in la mala awaalo in sababta shaqada laguugu diiday ay tahay in aad yar tahay, haddana waa suurto gal in sidaas la maleeyo marka aysan jirin sabab shaqada laguugu diiday.
Elizabeth Houghton, oo ah la taliye dhanka horumarka shaqada oo kala talisa dadka ay da'doodu ka yar tahay 35 ee daafaha dunida ku nool, ayaa sheegtay in qaar badan oo macaamiisheeda ka mid ah ay arrintaas soo hadal qaadaan.
"Haddii aad leedahay dhammaan xirfadaha loo baahan yahay in shaqada lagu qabto aadna muujin karto ficil ahaan, welina ay kuu sheegaan in aadan khibrad kugu filan u lahayn, waxaan dhihi karaa waa go'aan ku saleysan da'daada ee maaha waxa aad qaban karto, ilaa in ay ku siiyaan maahee sabab iyo tusaalooyin dhab ah oo muujinaya in aadan ahayn qof ku wanaagsan shaqadaas."
Balse waxaa jiro arrin kale oo la xiriirta da'da: cunsuriyadda jinsiga. "Waxaan dhihi karaa waxay saameysaa haweenka in ka badan ragga," ayay tiri Houghton.
Sida ay aaminsan tahay, mid ka mid ah waxyaabaha lagu saleeyo in haween aan la shaqaaleysiin ay tahay in mar uun ay carruur dhali doonto. Arrintaas ayay aaminsan tahay inay saameyn ku yeelato dadka wax shaqaaleysiiya.
Dhaqan 'la oggolaaday'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkastoo takoorka da'da ay inta badan saameyn jirtay dadka waaweyn, haddana waxay saameysaa da'yarta, sida uu sheegayo Lauren Rikleen, oo ah la taliye kaas oo shirkado kala shaqeeya in shaqada loo sinnaado.
"Waa mowduuc aynaan aad uga hadlin," ayuu yiri Rikleen. Maaddaama ay u muuqan karto dhibaato aan jirin, waxaa adkaatay in wax laga qabto.
Inkastoo ay mar walba jirtay takoor ka dhan ah da' yarta, haddana khabiirka ayaa aaminsan in dhaqankan uu hadda aad u soo badanayo.
Mid ka mid ah sababaha arrintan sharraxaad ka bixin karta waa in da' yarta maanta loo soo barbaariyay si aad uga duwan sidii hore.
Tusaale ahaan, da' yarta ayaa haatan heysta fursado badan oo ay uga qeyb galaan go'aannada qoysaska iyo inay go'aan ka gaaraan noloshooda.
Doorka teknolojiyadda ee carruurta, iyo isbeddellada habka waxbarashada ayaa sidoo kale muhiim ah.
Mid ka mid ah isbeddellada taariikhiga ah ee ku yimid barbaarinta da' yarta, ayaa Rikleen wuxuu ku doodayaa, inay tahay in diiradda la saaray is dhexgalka shaqada iyo waxyaabaha kale ee nolosha.
'Yeysan tan saameyn kalsoonidaada'

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Dadka inta badan waxay jiilka kale si wanaagsan ugala hadlaan isu dheellitirka shaqada iyo nolosha."
Wuxuu intaas ku daray, "Waxa ugu weyn ee ay ku soo kordhiyeen da'yarta goobaha shaqada waa isbeddelka dhanka waxyaabaha muhiimadda koowaad inoo leh."
Balse dadka wax shaqaaleysiiya qaarkood, xaqiiqda ah in da'yarta aysan dooneyn in ay "wax walba u huraan" shaqada waa mid aysan jecleysan.
Baaritaan mar dhow lagu sameeyay ilaa 6,000 oo qof oo ku nool Mareykanka iyo UK ayaa ku doodaya in takoorka da'da ay saameyso da' yarta in ka badan inta ay saameyso dadka waaweyn.
"Dadka waxay da' yarta maanta u eegaan qaab wanaagsan iyo qaab aan wanaagsaneyn isla mar ahaantaas," sida uu qabo Michael North, oo cilmiga maamulka ka dhiga Jaamacadda New York, isla markaana baaritaanka wax ka sameeyay.
Dhanka wanaagsan, waxay aaminsan yihiin in da' yarta maanta ay leeyihiin xirfado badan oo wax xallin kara. Waxay u arkaan inay han badan leeyihiin, caqli badan yihiin, deggan yihiin, teknolojiyaddana ay ku fiican yihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse dhanka kale waxaa loo arkaa kuwo aan abaal lahayn.
"Dadka dhammaan da' walba oo ay leeyihiin waxay dhanka xun ka eegaan dhalinyarada maanta si ka duwan sidii hore," ayuu yiri.
Khubarrada ayaa sheegaya in dadka da' yarta ah ee shaqooyinka soo codsanaya ay diiradda saaraan waxa ay qabteen.
Sida ay sheegtay Elizabeth Houghton, waxa ugu muhiimsan waa: "Haddii aad khibrad leedahay, ha u oggolaan takoorka inuu saameeyo kalsoonida naftaada."













