Shaqo raadin: ‘Waxaan codsaday in ka badan 300 oo shaqo'

Young woman sits on the floor, clutching her head - illustration

Xigashada Sawirka, Getty Images

" Waxaajira maalmo ay xaaladdu aad u adag tahay."

Alex waxay ka mid tahay dadka shaqo la'aanta ku ah hadda gudaha UK, oo ay tiradoodu dhan tahay 1.74 milyan oo ruux. Waxay shaqo la'aan ahayd inta badan waqtigii uu jiray cudurka safmarka ah ee corona, kaddib markii shaqadii ay ka heysay shirkad maaliyadeed laga diray bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay. Waxay ka mid ahayd shaqaale la dhimay.

Markii uu billaabanayay cudurka safmarka ah, Alex ninkeeda ayaa sidoo kale shaqadiisii waayay, waxayna la dageen waalidiintiisa oo ku nool magaalada London.

"Markii la igu daray dadka shaqada laga diray, aad baan u naxay. Kaddib waxaa adduunkii qabsaday Covid."

Haweeneydan 29 jirka ah ayaa BBC-da u sheegtay in shaqo la'aanta ay ahayd intii uu cudurka jiray ay u sababtay inay ka fikirto dhibaatada dhaceysay.

"Cudurka safmarka ah wuxuu sii adkeeyay helitaanka shaqooyinka, sidoo kalena wuxuu culeys iga soo fuulay dhinaca caafimaadka dhimirka, markii dalka oo dhan xayiraad la galiyayna, xaaladdu way sii xumaatay," ayay tidhi.

Illustration of multiple job applications coming out of laptop screen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sahqo la'aanta UK hadda waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyay tan iyo xagaagii 2015-kii

'Waxaa gudbiyay codsiyo shaqo oo dhan 300 ilaa 400'

Alex waxay sheegtay in xirfaddeedu ay tahay iibinta wax soo saarka, shaqadaas oo xilligan ka mid ah kuwa ugu adag ee la helo. Sidaas darteed waxay isku dayday inay codsato shaqooyin kale oo badan.

"Waxaan diray codsiyo shaqo oo dhan inta u dhaxeysa 300 ilaa 400 intii lagu guda jiray sanadka, dhanja wareysiyadana waxaa la iigu yeeray 20 jeer," ayay tidhi.

In shaqo laguu diidana waxay leedahay culeyskeeda.

"Waxaad heleysaa farriimo diyaarsan oo laguugu sheegayo in shaqada aan lagu siin karin, markaas ayaad is dhaheysaa, 'Ilaahayoow, xitaa uma qalmo in qof caadi ah uu email ii soo qoro'."

Intii lagu jiray xagaaga, Alex waxay heshay shaqo qandaraas gaaban ah oo ay u tagtay Austria, laakiin taasna way soo afjarantay markii lagu dhawaaqay xayiraado cusub bishii November.

Tan iyo xilligaas waxay ku mashquulsaneyd orod iyo cunto karin, laakiin sidoo kale waxay wadataa waxbarasho dhinaca online-ka ah.

'Ma aqaan waxa uu mustaqbalkeyga noqonayo'

Gabar kale oo lagu magacaabo Céilí ayaa iyaduna shaqo la'aan ahayd tan iyo bishii January ee sanadkii 2020-kii. Waxay markii ugu dambeysay ka shaqeyneysay ganacsiga tafaariiqda.

Riyadeedu waa inay ka shaqeyso arrimaha dhalinyarada, maadaama ay jeceshahay inay gara qabato dadka da'da yar. Laakiin haweeneydan 31 jirka ah waxay dhibaato badan kala kulantay inay hesho shaqada ay xirfadda u leedahay.

Céilí

Xigashada Sawirka, Céilí

Qoraalka sawirka, Céilí waxay sheegtay in shaqo la'aanta ay kala kulantay dhibaato weyn

Waxay sheegtay inay jeclaan lahayn sidii ay u hagi lahayd gabdhaha yar yar ee sideeda oo kale lasoo kulmay culeyska dhinaca maskaxda.

Caafimaadka dhimirka ee Céilí wuxuu sii xumaaday intii uu socday cudurka safmarka ah.

"Runtii ma aqaann waxa uu mustaqbalkeyga noqonayo. Ma aanan awoodin inaan wax qorsheysto sababtoo ah ma garanayo waxa dhici kara."

Hayad samafal oo maxalli ah, oo la yiraahdo "Turn to Us" ayaa ugu yaboohday caawinaad ay Céilí ku tilmaantay "naf badbaadin".

Sida ugu fiican ee shaqo lagu helo

Haddii aad la mid tahay Alex, Céilí iyo kumannaanka kale ee shaqo la'aanta ah, haddana aad raadineyso shaqo, muxuu yahay qaabka ugu fiican ee shaqo loo heli karo?

Rachel King, oo ah hage khabiir ku ah arrimaha la xiriira xirfadaha shaqada, ayaa sheegtay in qofka dhibaatadan heysato looga baahan yahay inuu ka fikiro sidii uu xirfado kala duwan u yeelan lahaa.

Rachel King

Xigashada Sawirka, Rachel King

Qoraalka sawirka, Rachel King oo ah la taliye dhinaca xirfadaha shaqo ah ayaa ku talisay in xoogga la saaro dhinaca online-ka

"Waxaa laga yaabaa in xirfaddaada ugu horreysa aadan durba shaqo ku helin, maxaa yeelay waxaan ku jirnaa xilli uu socdo cudur safmar ah, laakiin ka fikir waxyaabo kale oo aad ku fiican tahay," ayay tidhi.

"Way adag tahay inaad billowdo shaqo aan ahayn dookhaaga koowaad, balse ku dadaal sidii aan dhowr wax oo kala duwan ugu fiicnaan lahayd mustaqbalka."

'Google waa saaxiibkaaga ugu fiican'

Sida ay qabto Rachel, meesha ugu fiican ee aad ka billaabi karto shaqo raadinta waa online-ka, halkaasoo ah isha ugu weyn ee macluumaadka lasoo mariyo.

Ugu horreyn waa inaad si fiican u dhisto CV-ga, adigoo kaashanaya hayadaha ka shaqeeya qorinta iyo qurxinta qoraallada shaqo doonka ah.

"Haddii aad tallaabo u qaadeyso inaad shaqo raadiso, Google ayaa ah saaxiibkaaga ugu fiican."

Haka cararin shaqada aad hadda heysatid.

"Haddii ay macquul tahay, horumar la samee shirkadda aad shaqaalaha ka tahay. Waa meel aad si fiican u fahantay, waxaana kaaga soo bixi kara fursado kale," ayay tidhi Rachel.

"Taas haddii aysan qorshaha kuugu jirin, billow inaad xirfado kale yeelato. Ha ahaato qorista buugaagta, billaabista ganacsi cusub iyo wixii la mid ah. Samee wax aad ka heli karto hdaqaale aad ku farxeyso."