Abaartii ugu darnayd ee cimilada ka dhalata: "Waxaan miciin bidnay inaan cunno cayayaanka"

Xigashada Sawirka, WFP/Tsiory Andriantsoarana
Madagascar ayaa qarka u saaran inuu wajaho "macluushii ugu darnayd ee isbeddelka cimilada", oo markii ugu horreysay adduunka ka dhacda, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.
Hay'addan waxay tilmaamtay in tobannaan kun oo qof ay la daalaa-dhacayaan gaajo iyo cunto yaraan heerkoodu sarreeyo kaddib afar sano oo uusan wax roob ah ka di'in dalkaas.
Abaarta - oo ah tii ugu darneyd muddo afartan sano oo dalkaasi soo marta - ayaa saameyn ba'an ku yeelatay beeralleyda go'doonsan ee ku nool koofurta dalkaas, kuwaas oo maciin biday in ay cunaan cayayaanka si ay u noolaadaan.
"Kuwani waa xaalado u eg macluusha, waxaana barakiciyay cimilada ee maaha dagaal," ayay tiri Shelley Thakral oo ka tirsan Barnaamijka Cuntada Adduunka ee UN.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in illaa 30,000 oo qof ay haatan wajahayaan xaaladda ugu daran adduunka ee cunno yaraanta - oo loo yaqaanno heerka shanaad - waxaana jiro walaac laga qabo in tirada dadka ay saameysay abaarta ay kordhi karto, iyadoo Madagascar ay galeyso xilliga loo yaqaanno "wakhtiga jilicsan" kahor gurashada tacabka.
"Tani waa wax cusub. Dadka ma aysan sameyn wax sababi kara isbeddelka cimilada. Ma gubana dhuxul… sidaas oo ay tahayna waxay la dhibtoonayaan isbeddelka cimilada," ayay tiri Thakral.
Xaafadda miyiga ku taalla ee Fandiova, ee ka tirsan degmada Amboasary qoysaska ku nool ayaa dhowaan koox ka tirsan WFP tusiyay ayaxa ay cunayeen.

Xigashada Sawirka, WFP/Tsiory Andriantsoarana
"Waan nadiifiyaa cayayaanka intii aan awoodo balse inta badan biyo ma malaha," ayay tiri Tamaria, oo ah hooyo afar caruur ah dhashay.
"Carruurteyda iyo aniga waxaan cayayaankan cuneynay maalin walba muddo siddeed bilood ah, sababtoo ah ma heysano wax kale oo aan cunno, mana jiro roob si aan u guranno dalaggii aan beerannay," ayay tiri.
"Maanta ma heysanno wax aan cunno marka laga reebo geedka tiitiinka," ayay tiri Bole, oo ah hooyo heysata saddex carruur ah, iyadoo fadhisa dhul engegan.
Waxay sheegtay in seygeeda uu dhowaan gaajo u dhintay.
"Maxaan dhihi karaa? Nolosheennu waxay ku tiirsan tahay geedka tiitiinka, si aan u badbaadno."
Hagaajinta maamulka biyaha
Inkastoo Madagascar ay marar badan wajahday abaaro soo noqnoqday, oo inta badanna ay sababaan isbeddelka cimilada, sida duufaanta El Niño, haddana khubarrada ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada toos loola xiriirin karo abaaraha haatan taagan.
Khubarrada isbeddelka cimilada ayaa dowladda Madagascar ugu baaqay inay hagaajiyso maamulka biyaha.
"Waxaan ka fekeri karnaa in wax badan lagu sameyn karo muddada gaaban. Waxaan aalaaba saadaalin karnaa marka ay da'ayaan roobabka intii caadiga ahayd ka badan. Beeralleyda ayaana warbixintaas u adeegsan kara kordhinta wax soo saarka dalaggooda."
"Ma nihin kuwo aan wax ka qaban kairn isbeddelka cimilada," Ayuu yiri Chris Funk oo ah khabiir dhanka isbeddelka cimilada ah.

Xigashada Sawirka, Ocha/Reuters
Saameynta abaarta haatan ayaa sidoo kale laga dareemay magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla koofurta Madagascar, iyadoo carruur badan lagu qasbay in ay waddooyinka ka tuugsadaan.
"Qiimaha cuntada ee suuqyada way sii kordhayaan - sadedx ama afar jibbaar. Dadka waxay iibinayaan dhulalkooda si ay u helaan lacag ay cunto ku iibsadaan," ayay tiri Seed, oo ku sugan Tolanaro.
Lomba Hasoavana, oo ka mid ah dadka ay abaarta saameysay ayaa isaguna sheegay in dad badan ay seexdaan beertooda si ay uga difaacaan dadka cuntada u soo doonta, balse hadda ay xaaladdu noqotay mid aad halis u ah.
"Naftaada khatar waad gelin kartaa. Waxaan u arkaa mid aad u adag. Waxaan maalin walba ka fekeraa quudinta nafteyda iyo tan qoyskeyga," ayuu yiri.
"Wax walba oo cimilada ku saabsan lama saadaalin karo hadda. Waa calaamatul su'aal weyn - maxaa beri dhici doona?"















