Koonfurta Suudaan: "Waxaan ku sigtay inaan cuno meydka saaxibkay"

Xigashada Sawirka, WENDY STONE / GETTY IMAGES
Waxaa lagu tilmaamaa waddanka ugu da'da yar Afrika, sababtoo ah dalka Koonfurta Suudaan waxaa la aasaasay 10 sano ka hor. 9-kii July, sannadkii 2011-kii, gobolkii Koonfurta-Suudaan ayaa xorriyadda qaatay oo ka go'ay Sudaan.
Tobannaan sano ayay ku qaadatay in ay halkaa gaaraan dadka dalkaas, iyadoo ay hareeyeen dagaallo sokeeye, dhimasho iyo burbur.
Markii koofurta ay u codeeyeen in ay ka go'aan waqooyiga, waxay rajo aad u badan ka qabeen, in dal cusub oo hodan ah ay noqdaan, isla markana ay helaan awood lagu gaaro horumar aan la soo koobi karin.
Xilligii uu socday halgankii gobannimo-doonka ee Koonfurta Suudaan, carruurta waxay ka mid ahaayeen dadkii ay sida aadka ah ay u saameeyeen dagaallo 23 sano qaatay.
Kumanaan kun oo wiilal ah, oo ay da'dooda ka yar tahay toddobo sano, ayaa ka mid noqday ciidanka safka hore kaga jiray dagaalka. Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalka, boqolaal kalena waxay u dhinteen gaajo, abaar iyo cudurro.
In kabadan 20,000 oo caruur oo South Sudaan ah ayaa masaafo dheer ku dhex lugeynayey Itoobiya ilaa Kenya, si ay uga badbaadaan waxyeelada dagaalka. Qaar badan oo ka mid ah carruurtaasi waxay waalidiintooda ku waayeen dagaallada.
Carruurtii ay u suurtagashay inay gaaraan xeryaha qaxootiga, qaar waxay aadeen dibadda, gaar ahaan Mareykanka, halka kuwa kalena ay dib ugu noqdeen Koonfurta Suudaan.
Mid ka mid ah carruurta ay sida tooska ah u saameyeen colaadaha wuxuu ahaa fannaanka caanka ah ee Emmanuel Jal.
Waa sheekadii wiilasha iyo Jal, oo BBC uu uga sheekeeyay.
"Toddobo jir ayaan askari ku noqday"

Xigashada Sawirka, WENDY STONE / GETTY IMAGES
Dagaalkii labaad ee sokeeye ee sudan wuxuu bilaabmay 1983, wuxuuna dhamaaday 2005. wiilal badan ayaa iskuulada ama waalidkooda laga kexeeyay iyaga oo aad u yar, waxaana loo diray jiidaha hore ee dagaalka.
Jal, wuxuu ka mid ahaa wiilashaas. Dagaalka wuxuu bilaabmay isaga oo saddex sano jir ah, markii uu toddobo jir ahaana waxaa qabtay jabhadii oo tababar ayaa loo diray.
"Ma go'aansanin in aan noqanayo askari. Waxaa naloo sheegay in aan iskuul u aadayno dalka Itoobiya. Waxaanna naloo kexeeyay Itoobiya. Markii aan halkaa tagnay waxaa naloo tababaray ciidan ahaan... iyadoo la adeegsanayo qori," ayuu yiri Jal.
Tababarka wuxuu ahaa mid adag, Jal wuxuu sharxayaa in maalmihii hore ay garaaceen tababarayaashooda, iyaga oo aan xitaa qalad sameynin. Xilli hore ayaa la toosiyey waxayna bilaabeen orod.
"Waxaan aragnay carruur loodilay sababo la xiriira in aysan raacin tilmaamaha, mana jirin cid ka naxday... Taas ayaa naga dhigtay dhamaanteen inaan u hoggaansanno awaamiirta.
Jal wuu u adkaystay shaqooyinkii adkaa ee tababarka, si uu u barto sida loo adeegsado qori loogana aargudo kuwii dilay eheladiisa. Hooyadiis waxaa lagu dilay dagaalka, ka hor intaanay qaban jabhadaha.
'Waxaan cabay kaadi si aan naftayda uga badbaadiyo dhimashada'
Markuu 13 sano jirka ahaa, Jal wuxuu ka mid ahaa jabhad ka ag dhowayd magaalada Juba. Carruur badan oo askarta ka tirsanayd ayaa ka tagay ciidanka, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay qoysaskooda iyo eheladooda ka badbaadiyaan dhibaatada.
Wuxuu soo raacay ilaa 200 oo asxaabtiisa ah, waxayna go'aansadeen in aysan dib u laabanin oo ay qaadaan wadadii ay mareen wiilasha kale ee iyaga la midka ahaa, kuwaas oo aaday Itoobiya si ay dagaalka uga cararaan.
"Bilihii aan sida xaywaanka u noolaa ma sahlanayn."
Cunto iyo biyo la'aan, safarku wuxuu u ekaa sida isku day dil: "dadka qaar waxay ku dhinteen jidka, wax cunto ah ma haysanin. Biyo haba sheegin. kaadideenna baan cabeynay. "
Jal wuxuu sheegayaa in qaar ka mid ah ay gaareen heer ay cunaan hilibka asxaabtooda dhimatay, wuxuuna ku dhawaaday inuu cuno hilibka aadanaha:
"Xitaa aniga waxaan doonayay in aan cuno dadka, laakiin ilaahay ayaa iga badbaadiyay ka dib markii ay shimbir soo muuqatay oo aanu dilnay ka dibna cunnay. Haddii kale waan cuni lahaa saaxiibkay."
Markii kumanaan kiilomnitir ay u lugeynayeen, waxay gaareen xerada qaxootiga ee Kakuma ee Kenya. Jal waxuu nasiib u yeelshay in diyaarad lagu geeyo Nairobi. Carruurtii oo la socday oo ka badnayd 200, illaa 16 oo keliya ayaa timid xerada qaxootiga.
10 sano ka dib Madaxbanaanida ma gaarsiisay rajadii iyo riyadii ay lahaayeen?
Xornimada waxay qaateen 10 sano ka hor balse dhalin yaradaasi ma gaareen hadafkii ay ka lahaayeen madax bannaanida? Jal Markuu ka tagay Kenya wuxuu u wareegay dalka Kanada.
In badan oo iyaga ka mid ah waxaa ka go'an in ay ku noqdaan dalkooda oo ay gacan ka geystaan waxqabadka iyo hormarka qarankooda curdinka ah.
Qaar ka mid ah kuwii dibadaha ku noolaa sida Jal ayaa soo noqday iyagoo xamaasadaysan, ka dib xornimda. Waxaa sidoo kale dib u noqday qaxooti badan oo ka kala yimid meelo kala duwan sida Kenya iyo Uganda.
Markii uu qarxay dagaalkii 2013, waxa uu sababay in ay dib ugu noqdaan dibada, kuwa aan soo laabanna ay ka tanaasulaan qorshahoodii ahaa in ay dalkooda dib ugu laabtaan.
Jal, wuxuu ku laabtay Kanada, dagaalka ka dib, laakiin wuxuu qorsheynayaa inuu ku laabto Kenya.












