Xaaladda ganacsatada Soomaalida ee South Sudan
Colaadda ka aloosan waddanka South Sudan ayaa saameysay guud ahaanba nolosha iyo dhaqaalaha dalkaas, oo dadka ku ganacsada ay ka mid yihiin Soomaali badan oo maalgashatay waddankaasi.
Haddaba tan iyo markii uu dagaalka sokeeye dalkaasi ka dilaacay ku dhawaad saddex sano ka hor, waxa ay shacabka dalkaasi iyo ajaanibtaba ay wajahayeen dhibaatooyin dhinac walba leh.
Haddaba si aannu wax uga ogaano duruufaha ganacsatada Soomaalida ee dalkaa ku nool ayaa waxaannu la xiriirnay Safiirka Soomaaliya u fadhiya South Sudan, Xuseen Xaaji Axmed, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.