Muxuu yahay barnaamijka wax basaasa ee Israa'iil ee talefoonada lagu jabsado?

Xigashada Sawirka, AFP
Shirkad laga leeyahay Israel, ayaa la ogaadey iney basaaseysay tiro badan oo dad caan ah, iyadoo isticmaaleysa barnaamijka gaara oo akhbaarta lagu xado, taasoo ay ka iibiyeen madax kaligii taliyeyaal ah.
Shirkadda ayaa iibineysay barnaamijka wax basaasa in muda ah.
Barnaamijka Borbouri ayaa waxaa soo saartey shirkad dunida caanka ah ee reer Israel ah oo layiraahdo NSO.
Macaamiisha uggu badan ee wax ka iibsada shirkaddan reer Israel waa Carabta, iyo dowladaha ay heystaan madaxda kaligii teliyeyaasha ah, kuwaasoo u baahan barnaamijka wax basaasa ee Borbouri, si ay u helaan sirta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.
Waxaa la sheegay in barnaamijkan loo isticmaalay in lagu jabsado 50,000 oo lambaro taleefoon ah.
Waxaa warbixinta la soo saaray lagu sheegay in barnaamijkan lagu bartilmaameedsaday dad u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha, saxafiyiin iyo qareenno daafaha caalamka ku kala sugan.
Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan.
Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisada.
Sirkada iska leh barnaamijkan wax basaasa ee fadhigeedu yahay Israa'iil ayaa sidoo kale sheegtay inay "sii wadi doonto baaritaankeeda ku aadan dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aadan in barnaamijkeeda si qaldan loo adeegsaday ayna tallaabo ka qaadi doonaan".
Dowladaha la macaamila shirkadan laga leeyahay Israel waxaa kamid ah qoysaska boqortooyooyinka dunida Carabta.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda.
Eedeymaha ku saabsan adeegsiga softiweerka, loo yaqaan Pegasus, waxaa Axaddii qoray wargeysyada Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo 14 ururro warbaahineed oo kale oo daafaha dunida ku kala sugan
Barnaamijkan basaaska ee Pegasus wuxaa xitaa lagu jabsan karaa taleefonada sida iphone iyo aaladaha Android, isagoo u oggolaanaya dadka wax jabsanaya inay akhristaan fariimaha, sawirada, emaylka, duubitaan wicitaanada isla markaana waxaa uu si qarsoodi ah u shidi karaa mikroofanada iyo kamaradah taleefoonada iyada oo uusan ka warqabin qofka isticmaalaya.
Warbaahinda ka shaqeysa baaritaanka ayaa sheegay inay ogaadeen in ka badan 1,000 qof oo ku kala firirsan in ka badan 50 dal ay lambaradooda ku jiraan liiska.
Waxay ka kooban yihiin dadka la bartilmaameedsaday siyaasiyiin, madaxwaynayaal, maamuleyaal shirkado ganacsi, iyo xubno badan oo ka tirsan qoysaska boqortooyooyiinka Carabta.
In ka badan 180 saxafi ayaa sidoo kale ku jira liiska dadka loo adeegsaday barnaamijkan wax basaasa.
Shirkadaha warbaahineed ee liiska ku jira waxaa ka mid ah CNN, the New York Times iyo Al Jazeera.










