Dujuan Hoosan: Wiilka caqliga badan, ixtiraamka leh, ee cashirka u dhigaya Australia

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Filim documentary ah oo laga sameeyay khibradda dhinaca waxbarashada ee wiil 10 jir ah - oo kasoo jeeda dadkii asal ahaanta u dagganaa dalka Australia - ayaa dib u kiciyay dood ku saabsan sida ay dowladda Australia ugu guul darreysatay inay carruurta waddanka bulshooyinka waddanka loogu yimid si caddaalad ah uga caawiso waxbarashada iyo billowga nolosha.
Documentary-ga oo lagu magacaabo "In My Blood It Runs" ayaa ku saleysan nolosha wiilka yar.
"Si fiican ii dhageysta," ayay macallimad ku leedahay ardayda fasalka. "Arrintani ma aha sheeko, waa xog, ama ma aha wax la male awaalay - waa xaqiiqo."
Waxay gacanta ku heysaa buugga Australia, oo ah buug sawirro badan oo soo jiray tan iyo 1052-kii, waxayna aqrisay: "Badda dhulka ku wareegsan ee Botany Bay, Cook ayaa kasoo dagay markii ugu horreysay wuxuuna arkay waddan cusub. Kaddib wuxuu u sii shiraacday dhinaca xeebta, isagoo qariidad ka sameynaya intii uu sii socday... markii uu gaaray jasiirad ku taalla Cape York wuxuu suray calanka Ingiriiska. Wuxuuna sheegtay in dhulkan oo idil uu yahay waddan uu Ingiriiska leeyahay."
Dujuan Hoosan ayaa gacanta taagtay, laakiin ma uusan helin fursad uu ku hadlo.
Kaddib carruurta waxaa loo diray inay erayo kasoo aruuriyaan qormada loo aqriyay ayna calaamadeeyaan. Dujuan oo 10 jir ah kana soo jeeda dadkii asal ahaan u dagganaa Autsralia, wuxuu ku xoogaa ku dhibaatooday dhismaha erayada, laakiin waxaaba uga sii adkeyd inuu garto sheekada, sababtoo ah taariikhdii ay dadka isaga ka waaweyn bareen waxay ahayd mid aad uga duwan tan.
"Cashirkaas wuxuu ahaa mid loogu talogalay dadka caddaanka ah, ma ahayn mid khuseeya dadka asalka ah," ayuu niyadda ka yiri.
"Ninka la sheegayo wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee caddaan ah oo tagay Australia. Dadka asalka u dagganaa halkaas ayaa u sheegay in ay baxaan oo dhul kale raadsadaan, sababtoo ah kani wuxuu ahaa dhulkooda. Laakiin dhag jalaq uma aysan siinin."
Filim sameeyaha lagu magacaabo Maya Newell ayaa duubtay qeybtaas ka mid ah documentary-gan ay iyadu leedahay- waxayna Dujuan u raaceysay iskuulka muddo hal sano ah - wayna dareemeysay sida uu isugu buuqsanaa.
"Waad qiyaasi kartaa sida uu qof dareemayo marka laga cirib tiro taariikhda aasaasiga ah," ayay tiri.

Maya iyo Dujuan waxay markii ugu horreysay ku kulmeen "meel keyn ah" xilligaasoo ay Maya duubeysay filim ka hadlayay qisooyinka dadka daga bartamaha Australia.
Meel uu dab ku shidan yahay ayay koox carruur ah oo kasoo jeeda bulshada asalka u dagganeyd halkaas ku dhageysanayeen ayeeyooyin iyo habaryaro ka sheekeynaya sidii ay ugu billaabatay dunida, waxayna ku hadlayeen luuqadda Arrente.
Dujuan wuxuu u dhageysanayay si fiican oo dareen leh. Horayba wuxuu usii yaqaannay dhowr geed oo ka mid ah dhirta dawooyinka loo isticmaalo, wuxuuna Maya uga sheekeeyay xirfaddiisa rabbaaniga ah ee daweynta: marar badan ayuu qoyskiisa ku caawiyay xirfaddaas mucjisada ah oo uu ka dhaxlay awowgiisii hore markii uu geeriyooday.

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Maya waxay aad ula yaabtay kalsoonida qeyrul caadiga ah ee wiilka 10 jirka ah. Markii uu Dujuan ka dalbaday inay filim ka sameyo isaga, waxay u tagtay qoyskiisa, wayna ka aqbaleen.
Waxay doonayeen in ay toosh ku ifiyaan dhibaatooyinka ay dadka asalka u lahaa waddanka ku wajahaan iskuullada Australia, wayna aamineen Maya oo bulshadooda la shaqeyneysay muddo ka badan toban sano, iyadoo intaas ka sameyneysay barnaamijyo ku saabsan waxbarashada iyo dhaqankii hore.
Maya waxay billowday in ay isbuuciiga labo ama saddex maalmood la qaadato qoyska Dujuan - hooyadiis, ayeeyadiis iyo labo wiil oo walaalihiis ah - waxayna ka duubeysay muuqaallo ku saabsan noloshooda maalinlaha ah ee ay ku heysteen Harada Town Camp.
Maalmaha qaar caano ma jirin, sidaas darteed wiilasha waxay quraacda u raadsanayeen iskuulka. Habeennada qaar ma jirin koronto, sidaas darteed waxay isku madadaalinayeen ciyaaro dhaqameed loo adeegsado xiddigaha cirka.
Qiyaastii 20% ka mid ah shacabka magaalada daggan ee tiradoodu tahay 30,000 waxay kasoo jeedaan dadkii asalka ahaa, intooda badanna waxay halkaas dagganaayeen tan iyo 1960-meeyadii, markaasoo dad badan oo kuwii asalka ahaa ka mid ah lagu khasbay inay ka cararaan dhulkooda.
"Waxaan kusoo kornay meel ay ka buuxaan dad khamri caba iyo kuwo sigaarka dhuuqa - kaddib kuwaas ayaan wax ka baraneynay," ayay tiri Dujuan hooyadiis, Megan. Waxaa iskuulka laga eryay isagoo 14 jir ah, sidaas awgeed waalidiinteeda waxay u direen inay la joogto habaryaraheed oo ku sugnaa miyiga dhinaca waqooyi oo magaalada u jiray 1,260km(780 meyl).
Halkaas ayay kula kulantay Dujuan aabihiis, James, oo markii dambe dib ugu soo celiyay magaalada Alice Springs iyagoo wata cunugoodii ugu horreeyay. Laakiin wuu ka dagay markii ay kala tageen dhowr sano kaddib dhalashadii Dujuan.
"In waalid la noqdo da'da 20 sano ka horreysa way adag tahay, waxaana taas kasii daran in aad hooyo noqoto adigoo kasoo jeeda bulshooyinkii asalka ahaa," ayay tiri Megan. "Maalin walba waxaad maqleysaa in aadan ahayn qof sidii la rabay u fiican - waxaad ka maqleysaa wargeysyada, Telefishinka iyo baraha bulshada."

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Waxay ka walwashaa in ay carruurteeda dhibaato la kulmaan, sidii iyada ku dhacday oo kale, gaar ahaan waxay u baqdaa Dujuan "oo aad u caqli badan ixtiraamna sameeya". Intii uu filimkan socdayna, cabsideedii waa la gartay.
Maalin maalmaha ka mid ah macallin ayaa fasalka ku aqrinayay buuga sawirrada badan ee taariikhda la baro carruurta. Wuxuu soo hadal qaaday dhaqanka iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin dadkii asalka ahaa, isagoo su'aal galiyay wax lala yaabana ku tilmaamay waxa ay aaminsan yihiin.
Dujuan ayaa uga fal celiyay si caro leh, isagoo macallinkii la hadlaya.
Markii ay soo baxday natiijadii imtixaanka, aad buu uga carooday darajooyinka la siiyay. Wuxuu heystay heerka ugu hooseeya maaddo kasta. Waxay la noqotay in ay isaga kaligiis wax ka khaldan yihiin.

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Aad buu u carooday wuxuuna jajabiyay daaqadda fasalka; islamarkiiba guriga ayaa loo diray wuxuuna halis ugu jiray in laga joojiyo waxbarashada. Sidoo kale wuxuu billaabay inuu iskuulka u gooyo mararka qaar, taasoo cawaaqib xumo weyn lahaan karta - marka la eego shuruucda adag ee lagula dhaqmo ardayda si loo xoojiyo hannaanka waxbarasho ee dadka asalka ah.

"Ceebta qaran" ee Australia
- Sanadkii 2008 dowladda Australia waxay ballan qaadday in ay "soo afjari doonto farqiga u dhaxeeya" dadka asalka ah iyo kuwa aan asalka ahayn ee dhinaca cimriga la filan karo, dhimashada carruurta, waxbarashada iyo shaqaaleysiinta
- Sanadkii lasoo dhaafay dowladdu waxay qirtay in toddobada arrimood ee la bartilmaameedsanayay in wax laga qabto badankood aan la hirgalinin - taasoo Ra'iisul Wasaare Scott Morrison uu ku qeexay "ceeb qaran"
- Toban iyo toddobo arrimood oo cusub ayaa laha la steystay, iyadoo lala shaqeynayo dadka asalka ah iyo kooxo kasoo jeeda bulshooyinka daga jasiiradaha
- Hase yeeshee wali way taagan tahay arrintan, dadka dhalinyarada ah ee bulshooyinka asalka kasoo jeedana waxay 17 jeer in la xiro uga badan yihiin dadka kale ee aan asalka ahayn qofka dhalinyarada ah ee dadka asalka kasoo jeedana wuxuu xabsi ku jiri karaa in ka badan inta lagu jiro jaamacad

Markii uu maalin maalmaha ka mid ah Dujuan kasoo noqon waayay iskuulka, hooyadiis iyo ayeeyadiis waxay raadinayeen ilaa xilli dambe oo habeenkii ah. Haddii ay booliska marka hore heli lahaayeen way la wareegi lahaayeen, iyaga ayaana geyn lahaa meel ay dowladda ku xannaaneyso carruurta, ama goobaha dhaqan celinta.
"Ma ogtahay, da'daada yar waxay kuu sababeysaa in lagu geeyo meel ay dowladda ku dhaqan celiso carruurta," ayay tiri Megan oo u digeysa wiilkeeda. Ayeeyadiisna way ka murugoon jirtay.

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Qoyska Dujuan waxay u wareejiyeen iskuul kale oo majhanjiisa uu dhaamo kii hore. Laakiin wali wuu sii waday inuu fasalka u gooyo, habeenkiina wuu kusoo daahi jiray waddooyinka magaalada Alice Springs.
Marar badan ayay booliska soo qaadeen, waxaana la siiyay digniino rasmi ah oo loogu sheegayay in haddii uu sii wado dhaqankaas la geyn doono xarumaha dhaqan celinta ee dowladda ama meelaha xannaanada.
"Tani waa waxa ku dhaca dhalinyarada wiilashada ah ee magaalada Alice Springs. Tani waa sheekada ku saabsan marka uu qofku yahay cunugii ugu horreeyay ee ku dhashay waddanka," ayay tiri Maya Newell.
Ugu dambeyn, kaddib markii uu Dujuan xaday furaha gaariga ee mid ka mid ah macallimiinta, uuna ku tuuray saqafka kore ee iskuulka, waa laga soo eryay iskuulkii.

Xigashada Sawirka, Maya Newell
Laakiin Dujuan qoyskiisa waxay la imaadeen hab lagu ilaalin karo amnigiisa - kaasoo ah kii loo adeegsaday hooyadiis inta uusan isagu dhalanin ka hor. Waxy u direen Borroloola si uu ula noolaado aabihiis James Mawson.
"Carruurta Dujuan la midka ah waxaa loo diraa xarumaha dhaqancelinta. Waxaan rabay inaan meesha ka kaxeeyo inta aysan sidaas dhicin," ayay tiri hooyadiis, Megan. "Annaga haddii aan nahay dadka asalka ah waan jecelnahay inaan xannaaneyno carruurteenna."
Inkastoo wiilka iyo aabihiis aysan is arkin muddo shan sano ah, way isla qabsadeen. Miyiga Borroloola qof walba wax buu taraa, beeraha ayaa la falaa, lo'dana waa la raacaa. Dujuan wuxuu jecel yahay inuu isbuucyo ku qaatto kalluumeysiga iyo dabaasha - waddooyinkana ma joogaan askar hubeysan oo wax kormeera.
Wuxuu ku faraxsan yahay iskuul ay bulshadiisa ku leedahay deegaankaas, oo ardayda dhigata 95% ka mid ah yihiin carruurta kasoo jeedda qoysaska asalka ah.










