Gabadhan saaxiibteed ayaa u dhashay cunugii "ay u dhiman lahayd haddey uurkiisa yeelan lahayd"

L-R Emma Graves, Harry and Sophie Tristram

Xigashada Sawirka, Sophie Tristram

Qoraalka sawirka, Labadan gabdhood ee saaxiibada ah, Emma Graves (bidix) iyo Sophie Tristram waxay caawinaad ka dalbadeen shirkad dadka u sameysa qalliinnada uurka lagu qaado

Haweeney ay dhakhaatiirta u sheegeen in ay dhiman karto haddii ay uur yeelato, maadaama ay qabtay xanuun halis ah qabtay, ayaa ugu dambeyn hooyo noqotay kaddib markii saaxiibteeda ugu qaalisan ay u qaadday uurka, una dhashay.

Emma Graves, oo kasoo jeedda magaalada Wolverhampton ee dalka UK, ayaa bishii November dhashay Harry iyadoo horay u aqbashay in ay qaadi doonto uurka cunugga Sophie Tristram.

Xayiraaddii corona ayaa xaaladda sii adkeysay, labada gabdhood ee saaxiibbada ahna ma aysan is arki karin intii uu cunugga caloosha ku jiray.

Mrs Tristram waxay sheegtay in aysan jirin erayo ay ku cabbiri karto sida ay ugu mahad celineyso saaxiibteed, oo u qabatay howl aad muhiim u ah.

Inkastoo haweenka qaba cudurka ay la nooshahay Mrs Tristram ay dhali karaan, haddana haweeneydan ayaa bakteeriya ka qabtay sambabbada, waxaana haddii ay uur yeelato ku dhici lahaa neef qabatoon ay suurtagal ahaan lahayd in ay u geeriyooto.

Waxay sheegtay in khubarada caafimaadka ay uga digeen inay uur qaaddo.

"Haweeney kasta waxay u maleyneysaa in ay awood u yeelan doonto inay uurka cuniggeeda yeelato, in arrintaas la iiga digayna waxay igu kalliftay inaan madaxa kor u qaadi waayo muddo dheer," ayay tidhi Mrs Tristram.

Iyada iyo ninkeeda Ben ayaa markii dambe isla go'aansaday inay sameeyaan wadatashi baahsan oo la xiriira inuu qof kale cunuggooda uurkiisa u qaado, waxayna ugu horreysan ka billaabeen qoyskooda dhexdiisa.

Paul Graves, oo ah Emma ninkeeda ayaa markii ugu horreysayba soo jeediyay in xaaskiisa ay arrintan aqbali karto.

Harry Tristram

Xigashada Sawirka, Sophie Tristram

Qoraalka sawirka, Harry wuxuu dhashay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay

"Wuxuu lasoo hadlay xaaskiisa kaddibna halkaas ayey wax walba ka billowdeen runtii," ayay tidhi Paul Graves.

Hayad caafimaad oo fulisa howlaha beerista uurka ayaa wax walba u qabatay. Maalintii ugu horreysay ee uu Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ku dhawaaqay xayiraaddii koowaad ee fayraska corona, waxay ogaadeen in Mrs Graves ay uur leedahay.

"Emma kaligeed ayaa aadi jirtay dhammaan ballamihii dhakhtarta intii ay uurka lahayd, taasina dabcan waa arrin adag," ayay tidhi Mrs Tristram.

Hase yeeshee, waxay sheegtay in Emma ay lasoo socodsiin jirtay wax walba oo ay la kulanto iyo dhaqdhaqaaqa cunuga markii uu uurka ku jiray.

"Ma jiro wax aan waligey ku gudi karo abaalkeeda ama aan hadal ahaan ugu dhihi karo si aan ugu muuhiyo mahad celin ku aaddan waxa ay ii sameysay," ayay tidhi.

Sophie Tristram and Emma Graves

Xigashada Sawirka, Sophie Tristram

Qoraalka sawirka, Gabdhahan waxay iskala shaqeeyaan adeegga caafimaadka

Mrs Graves, oo 37 jir ah, ayaa sheegtay in ay waqti ka fikireysay go'aankaas, iyadoo lasoo hadashay gabdhaheeda waaweyn, oo ay da'doodu kala tahay 16 iyo 19, markaas kaddibna ay aqbashay.

"Wax walba si aad iyo aad u fiican ayey u dhaceen, dhibaato ma aanan kala kulmin, wax iiga fiican maba jirin," ayay tidhi.

Waxay Sophie sheegtay in aysan wiilkeeda Harry u arkin sida ay iyadu rabi lahayd, laakiin mar walba looga soo warbixiyo, muuqaalna lagu tuso. Sidoo kale waxaa looga soo qaadaa sawirro joogto ah, sida ay sheegtay.

"Harry wuxuu ii ahaa farxad kusoo gabagabowday sanad jahwareer ah," ayey sii raacisay hadalkeeda.