Lamaanaha arooska ahaa: ‘markii aan ka waynay dadkii soo baxay, maydkooda ayaan iska sugnay’

Xigashada Sawirka, AFP
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, Nairobi
Lamaane Soomaali ah oo dhawaan ku aqal galay Hoteelka Afrik ayaa ka mid noqday dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Fahad Cabdiraxmaan iyo Farhiyo Cali Cumar waxay aroos ahaayeen sagaal maalmood oo kaliya, waxayna ku geeriyoodeen isla goobtii ay ku yagleeleen aqalkooda rajadu ku dheehneyd, sida ay xubno ka tirsan qoyskooda u sheegeen BBC-da.
Cali Cumar, oo ah aroosadda aabeheed ayaa sheegay in gabadhiisu ay soo wacday markii uu weerarka billowday, durbadiina uu halkaas tagay.
"Meesha waan gali weynay, aniga ayaa diyaar u ahaa inaan nafteyda u huro badbaadinta gabadheyda," ayuu yidhi Cali.
Laakiin ugu dambeyn markii weerarka lasoo afjaray, Fahad iyo Farxiyo lugahooda ugama soo bixin halkaas, labadoodiina way ku naf waayeen goobta.

Xigashada Sawirka, EPA
Aabbe Cali Cumar ayaa BBC-da uga warramay sida ay xaaladdiisu ahayd markii uu dadkii lasoo badbaadiyay ka dhex arki waayay gabadhiisa iyo seygeeda.
Isagoo ay murugo badan ka muuqatay ayuu yidhi sidan: "Gabadheyda iyo ninkeedaba waxaan ka waayay dadkii bukaan socodka ahaa ama dadkii dhaawaca ahaa. Marka waxaa i sugayay xaalad kale oo ah sida aan ku heli lahaa meydadkooda, saacadaha yar ee la ii sheegayay in gudaha la ii fasixi doono si aan meydadka u arko waxay ila noqdeen sanado badan."
Fahad ayaa dhawaan ka yimid Mareykanka, ka hor inta uusan la aqal galin Farxiyo, sida ay noo sheegeen ehelada iyo dariska qoyskan oo aad uga argagaxay dhacdada.
Meydka lamaanahan oo lagu kala qaaday labo gaari oo ambalaas ah ayaa maanta lagu soo aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoteelka la weeraray, oo ku yaalla agagaarka KM4 ee bartamaha caasimadda Soomaaliya ayaa lagu yaqaannay in ay dagaan saraakiisha dowladda iyo xildhibaannada baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood ay gudaha ku jireen markii qaraxa uu dhacay.
15 qof oo weerarka shalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ay shacabka Soomaalida badankood aad u yaqaanneen, muddo dheerna kasoo mid ahaa saraakiishii sar sare ee milatariga Soomaaliya.
Falkan ayaa yimid dhowr isbuuc kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga soo saaro 700 oo ciidamada Mareykanka ah. Ciidamadaas ayaa laamaha amniga ee maxalliga ah ka caawin jiray la dagaallanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab.










