Yang Li: Waa gabadha ka careysiisay dhammaan ragga dalka Shiinaha

Illustration of feminist under attack by men

Xigashada Sawirka, AFP

    • Author, Hassan Gelle
    • Role, BBC Somali

Yang Li oo ah gabar u dhalatay dalka Shiinaha isla markaana ku magac dheer "boqoradda shactirada" ayaa mar kastaa waxay gunta u gashaa muran.

Gabadhan oo 29 jir ah ayaa hadda ka mid ah majaajilleysteyaasha ugu caansan waddankaasi Shiinaha, waxa ayna bilihii u dambeeyay ku soo caan baxday barnaamij ka baxa teleefishan laga leeyahay dalkaasi.

Toddobaad kastaa, waxay si xirfadeysan oo shactiro leh ula hadashaa malaayiin qof oo ay kala hadasho arrimaha jinsiga ee muranka dhaliyay, iyadoo ay daawanayaan malaayiin qof.

Waxay soo jiidatay taageerada dad badan, balse ereyadeeda shactirada leh ma ahan kuwo dadka oo dhan ay jecel yihiin, waxaana haatan Yang ay wajaheysaa dhibaato weyn oo dhanka xirfadeeda ahi.

Yang Li

Xigashada Sawirka, Weibo

Bishii Diseembar ee sandkii tegay ayaa waxa ay ka sheekeysay kaftan dhex maray iyada iyo nin isna majaajilleyste ah oo ay wada shaqeeyaan, kaa oo markii uu kaftankeeda ka yaabay ku yiri "xadka dulqaadka ragga ayaad tijaabinaysaa".

Haseyeeshee Yang ayaa ugu jawaabtay "raggu ma leeyihiin dad dulqaad?" arrintaasi oo ay dhaliil badan kala kulantay.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa ragga dalkaasi oo adeegsanaya baraha ay bulshadu ku xiriirto waxay ku eedeeyeen in ay tahay qof ragga neceb. Dhanka kale koox sheegtay inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda ragga ayaa ugu baaqday shacabka dalkaasi Shiinaha in Yang ay ku dacweeyaan hay'adda mamausho warbaahinta dalkaasi, waxayna ku eedeeyeen in ay "marar badan aflagaadeysay ragga oo dhan" ayna "abuurtay naceyb jinsi ku saleysan".

Haseyeeshee taageerayaasheeda ayaa eedeymahaasi ka difaacay, waxayna sheegeen in ragga gabadhani arrimahaasi ku dhaliilaya ay yihiin kuwo wax kastaa dhibsanaya oo aan xitaa kaftan qoon.

Shaki kuma jiro in kaftanka iyo ereyada maadeysiga ahi ee Yang ay dood cusub ka abuureen gudaha dalka Shiinaha, halkaasi oo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo majaajilladuba ay yihiin kuwo ku cusub bulshada dalkaasi.

Comedians Jesse Appell in the United States and Tony Chou in China caught up online during the pandemic.

Dadka Shiinaha ma ogol yihiin in lagu maadeysto?

Taa micnaheedu ma ahan in kaftanka, maadeysiga iyo majaajilladuba aysan ku jirin dhaqanka dadka dalkaasi Shiinaha.

Xiangsheng oo ah dhaqan la xiriira majaajillada dalkaasi Shiinaha ayaa caan ka ahaa dalkaasi muddo qarni ka badan. Majaajilladani ayaa ah mid laba majaajilleyste uu midba midka kale ku maadeysto, iyadoo ay daawadaan dad badan.

Balse si ka duwan dhaqanka reer galbeedka, dadka Shiinaha ma ay jecla mararka qaar in lagu maadeysto ama majaajilleysteyaashu ay ku soo jeesadaan dadka daawanaya oo ay wax ka sheegaan ama dadka hortiisa ku kaftamiyaan.

"Marka la eego waddamada reer galbeedka in dadka lagu maadeysto iyo in xitaa laga xanaajiyo daawadayaashada, mas'uuliyiinta ama xitaa wax laga sheego dhaqanka soo jireenka ahi ayaa ah qeyb ka mid ah majaajillada," ayuu yiri Tony Chou oo ah majaajilleyste ka hawlgala magaalada Beijing.

Balse arrimahaasi ayaa qaar ka mid ah dadka dalkaasi Shiinaha waxay u arkaa madax adeyg iyo xurmo la'aan.

Chou waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay dhacdo uu u soo joogay oo ahayd in la dhibaayeeyay nin maajilleyste ah oo ku maadeystay dadka ka yimid gobolka Henan. "Arrintu waxay ahayd - majaajilleystaha qudhiisa ayaaba ka soo jeeday gobolkaasi Henan," ayuu yiri Chou oo BBC-da la hadlay.

Chinese women posing for a photo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidaa awgeed ayuu yiri, waxaa marar badan dhacdo in majaajilleysteyaasha qaarkood ay u muuqdaan inay qariyaan ra'yigooda shakhsi ahaaneed, sababtuna ma ahan oo kaliya arrimo la xiriira dhaqanka balse mararka qaar waxay ka baqayaan in saameyn siyaasadeed ama mid ganacsiba ay arrintaasi ku yeelato nolashooda.

Arrinta Yang waxaa xitaa ku kala qeybsamay majaajilleysteyaasha kale ee dalkaasi Shiinaha. Chi Zio oo ah majaajilleyste caan ah ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Weibo waxa uu ku sheegay in Yang aysan ahayn majaajilleyste dhab ah. Qoraalkaasi ayaa waxa uu gaaray in kabadan 100 milyan oo qof oo akhrisatay.

Haseyeeshee Joe Wong oo ah majaajilleyste u dhashay Shiinaha balse haysta dhalasha Mareykan ah ayaa sheegaya in uu taageersan yahay qaabka Yang ay u soo bandhigto majaajilladeeda, waxa uuna sheegay in majaajilladu ay dadka saboolka ahi "fursad u siiso in ay ku maadeystaan ama shactireystaan kuwa ladan".

'Mintidiinta arrimaha dumarka'

In 2012 several women activists held a protest against domestic violence in China

Xigashada Sawirka, CFP

Balse arrinta xuddun dhexaadka u ah murankani ayaa ah xaaladda adag ee ay ku shaqeeyaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka ee dalkaasi Shiina

In kastoo Yang Li aysan waligeed shaacin in ay u dhaqdhaqaaqdo arrimaha dumarka, haddana dadka isticmaala baraha ay bulshada ku xiriirto ayaa Yang iyo kumannaanka qof ee taageerayaasheeda ahi ku tilmaama in ay yihiin "mintidiin u dhaqdhaqaaqo arrimaha dumarka".

Mid ka mid ah dadka Yang aadka ugu dhaliilo in ay ka mid tahay "mintidiinta u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka" ayaa yiri sida tan: "mintidiinta u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka waa kuwo aan macquul ahayn oo faraha la galaya meel kastaa isla markaana dalbanaya in ay helaan mudnaan gooni ah."

Dhanka kale, taageerayaasha Yang Li ayaa ku doodaya in doodaha mar kastaa ka dhalanaya hadalkeeda maadeysiga ahi ay muujinayaan in aragtida dumarka mar waliba la cabburiyo.

Dhaqan ahaan dalka Shiinaha, ragga iyo dumarkuba hawshu waa ay u kala soocan tahay.

Balse dadka qaar sida Xiong Jing oo u dooda arrimaha dumarka ayaa sheegaysa in ragga xitaa ay dhibaato kala kulmaan arrinta jinsiga iyo aragtida laga qabo guud ahaan dalkaasi Shiinaha.

Tusaale ahaan, waxaa dalkaasi ku nool rag badan oo aan wali guursan sababtuna waxa ay tahay ninku waa in uu guri iyo gaari leeyahay ka hor inta uusan guursan. Sidoo kale mas'uuliyadda qoyska iyo masaariifta oo dhan iyaga ayay saaran tahay.

Siyaasad ahaan dadka u dooda arrimaha dumarka ayaa dhibaato kala kulmo dalkaasi Shiinaha.

Tusaale ahaan, sanadkii 2015, shan haween ah oo u ololeeya arrimaha dumarka ayaa muddo toddobo usbuuc ah xabsiga la dhigay sababo la xiriira qorsheynta olole ka dhan ah tacaddiyada dhanka galmada ee dumarka loogu geysto gaadiidka dadweynaha. ha.