Khudbaddii macsalaameynta Trump: Waan sameynay wixii aan u nimid

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadiisii maca-salaameynta ka hor inta uusan xafiiska ka tagin.

Waxaa uu Trump yiri: "waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba."

Muqaal la soo galiyay barta Youtube, ayaa waxaa uu sheegay in uu galay "dagaal adag, iyo hardankii ugu adkaa... sababtoo ah buu yiri waa taa wixii aad ii doorateen in aan sameeyo ".

Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday dorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November, taasi oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

"Siyaasad ku dhisan rabshad waa weerar lagu soo qaaday wax walba oo aan ku naaloon jirnay haddii aan nahay Mareykan loomana dulqaadan doono," waxaa uu sidaasi Mr Trump ku sheegay muqaalka uu soo duubay.

Marna madaxwayne Trump ma magac dhabin ninka isaga badali doona saacado ka dib e Joe Biden.

Maxaa kale oo uu Trump sheegay?

Mr Trump qudhiisa ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka xayuubin ka dib markii lagu eedeeyay "kicin dad weyne iyo kacdoon " islamarkana waxaa uu wajihi doonaa aqalka Sanetka.

Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed.

Waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

Fariintiisa ayuu ku sheegay, Mr Trump in maamulkiisa uu dhisay"dhaqaalihii ugu ballaarnaa ee taariikhda caalamka soo mara".

Trump ayaa xilka ka tagaya xilli uu dalkaasi fara ba'an ku hayo feyriska Corona, islamarkana tirada dhimashada ay imika gaartay 400,000 oo qof.

Suuqyada saamiga Mareykanka ayaa ka soo kabtay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Si kastaba, dhaqaalaha kale ayaa la daalaa dhacaya saameyntii uu coronavirus ku yeeshay. Shirkadaha ayaa bishii December dhimay shaqaalaha. Iibka tafaariiqda ayaa hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay, iyadoo ay shaqo la'aantu korotay.

"Ajandaheennu kuma saabsaneyn midig ama bidix, kuma saabsaneyn Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga, balse wuxuu quseeyay qaranka, taasna waxay la micno tahay dalka dhan," ayuu yiri Mr Trump.

Wuxuu xafiiska ka tegayaa isagoo heysta qiimeyn 34% ah, taas oo ah mid aad u hooseysa.

Falanqeyn

Donald Trump, 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay khudbaddiisii duubneyd ee macsalaameynta ahayd, wuxuu ku sheegay in maamulkiisa uu qabtay wixii loo igmaday.

Waxaa dood laga keeni karaa muhiimadda ay leeyihiin waxyaabihii uu ku guuleystay - haddii dib u dhiska derbiga xadka ee dhererkiisu yahay 400 meyl (640km), dhimista canshuuraha, dagaallada ganacsiga iyo heshiisyada dibomaasiyadeed ee ay u dhigmaan guusha.

Balse marka dhinac laga eego, manni sheegashadiisa waa run. Trump wuxuu madaxweyne u tartamay 2016 si uu isbeddel ugu sameeyay hannaanka siyaasadeed ee jiray. Intii uu bannaanka joogay wuxuu u ololeeyay inuu cod siin doono kuwa ka aamin baxay hannaanka ee dareensan in uusan iyagu anfaceynin.

"Waxaan dagaallada adag u galay, u sameeyay ikhtiyaarradii ugu adkaa, sababtu waxay tahay waa waxa aad ii doorateen," ayuu yiri.

Xasilooni darradii iyo caradii uu Trump ka abuuray Aqalka Cad waxay isugu soo ururtay weerarkii labo toddobaad kahor loo geystay Capitol Hill, taas oo caradii ka dhalatay ay muddo qaadan doonto inay baaba'do.

Kaddib afar sano, Trump wuxuu dowladda Mareykanka ka tegayaa iyadoo beddelan. Taasina waa ugu yaraan ballan uu qaaday uuna fuliyay.

Sidee ayuu Biden isugu diyaarinayaa madaxtinnimada?

Mr Biden iyo xaaskiisa Jill Biden ayaa Talaadadii ka tegay gurigooda ku yaalla Delaware si ay ugu laabtaan Washington, halkaas oo uu madaxweynaha soo socda ka soo ahaa sanatar 36 sano kahor inta uusan madaxweyne ku xigeen u noqon Barack Obama laga soo bilaabo 2008 ilaa 2016.

"Marka aan dhinto, Delaware waxay ku qornaan doontaa wadnahayga," ayuu ku yiri khudbad macsalaameyn ah oo qiiro lahayd.

Wuxuu maanta tegi doonaa Aqalka Cad kadibna Capitol oo ay ka dhacayso xafladda caleema saarka saacaddu marka ay tahay 12:00 (17:00 GMT).

Waa caleema saar ka duwan kuwii hore: ammaanka Washington ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii Capitol, iyadoo halkaas la geeyay kumannaan Ilaalada Qaranka ah.

Keliya dad kooban ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan National Mall si ay goobjoog uga noqdaan dhaarinta, iyadoo ay markii hore ka qeybgeli jireen boqollaal kun oo qof.

Dadka aan ka soo qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Mr Trump. Wuxuu saakay u duulayaa Florida - wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgelin caleema saarka madaxweynaha xilka kaga guuleystay tan iyo Andrew Johnson sanadkii 1869.