Mareykanka: Maxaa sarkaalkan loogu aqoonsaday 'geesi'?

Xigashada Sawirka, Igor Bobic
Sarkaal ka tirsan booliska Capitol ayaa lagu tilmaamay geesi kaddib markii uu koox weerar soo qaadday ka mashquuliyay inay galaan dhismaha Aqalka Sare, intii ay socdeen qalalaasihii uu dhiigga ku daatay ee ka dhacay dhismahaas.
Muuqaal laga soo duubay goobta, ayaa muujinaya sarkaalka oo lagu magacaabo Eugene Goodman, oo dhowr tallaabo uun u jira kooxda iyaga oo ku cayrsanaya jaranjarada.
Mr Goodman ayaa kaddib la arkayaa isaga oo hortaagan halka laga galo Senate-ka kahor inta uusan raggii weerarka soo qaaday u tilmaamin jiho kale.
Shan qof, oo sarkaal boolis uu ku jiray, ayaa ku dhintay weerarkaas.
Sarkaal kale oo shaqada ku jiray xilligii ay kooxdu soo weerareen dhismaha ayaa is dilay dhammaadkii toddobaadkii hore, sida ay qoyskiisu sheegeen.
Geesinnimada uu muujiyay Mr Goodman, oo la sheegay inuu yahay rugcaddaa ciidamada ku soo dhex jiray isla markaana muddo joogay dalka Ciraaq, ayaa imaaneysa iyadoo booliiska Capitol lagu cambaareeyay inay ka gaabiyeen sugitaanka ammaanka dhismaha.
Kirk Burkhalter oo wax ka dhiga Dugsiga Sharciga ee New York isla markaana muddo 20 sano ah ka tirsanaa Waaxda Booliska Magaalada New York ayaa wax cajiib ah ku tilmaamay sida uu Mr Goodman uga falceliyay kooxdii weerarka soo qaadday.
"Uma maleynayo inuu jiro tababar kuu diyaarinaya xaaladdaas oo kale," ayuu yiri Mr Burkhalter.
Muuqaalka oo uu duubay weriye Igor Bobic oo ka tirsan Huffington Post, ayaa lagu arkayaa Mr Goodman, oo nin madow ah, oo ay handadayaan koox taageerayaasha Trump - oo dhammaantood caddaan ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Ninka ugu soo horreeya kooxda gadaal ka muuqata, ee xiran funaanadda QAnon, ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa Doug Jensen. Waxaa markii dambe xiray booliiska gudaha iyo FBI-da.
Muuqaalka ayaa muujinaya Mr Jensen oo hoggaanka u haya kooxda Mr Goodman ku cayrsanaysay jaranjarada - meel wax yar un u jirta halka laga galo Senate-ka. Iyadoo la cayrsanayo, ayuu Mr Goodman oo raadiyihiisa sita ku qeylinayaa "dabaqa labaad!", isagoo u muuqda inuu saraakiisha kale ku wargelinayo inay kooxda ku soo wajahan yihiin.
Kaddib markii uu Mr Goodman isha ku xaday halka laga galo Aqalka Sare, wuxuu dib u riixayaa Mr Jensen - tallaabo u muuqatay inuu indhahooda isaga isku soo jeedinayo, kooxdana ka weecinayo inay galaan gudaha aqalka oo ay xildhibaannadu isku qarinayeen.

Xigashada Sawirka, Igor Bobic
Sawirka Mr Goodman oo ay cayrsanayaan kooxda - oo qaarkood sitay calanka gobollada isbahaystay, kuwo kalena wax muujinaya calankii Naasiyiinta - ayaa ahaa mid aad loo dhibsaday, sida uu sheegay Mr Burkhalter.
"Sarkaal boolis, ma aha sarkaal boolis, inuu arko nin madow oo uu cayrsanayo qof sita calanka gobollada isbahaystay - wax baa sawirkaas ka khladan. Taasi waa inaysan mar dambe dhicin," ayuu yiri.
"Waxay burburineynaa wax walba oo aan dooneyno inaan saxno."
Dhowr xubnood oo ka tirsan Kongareeska ayaa Goodman ammaanay, iyagoo ku baaqay in abaal marin lagu siiyo shaqadiisa.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Xubno ka tirsan 2,000 oo qof oo waaxda booliiska Capitol ka mid ah ayaa u xil saaran difaacidda dhismaha Capitol iyo kuwa gudaha ku jira. Way ka duwan yihiin booliiska Washington oo suga ammaanka qeybaha kale ee magaalada.
Maxaa hadda ku dhacaya Booliiska Capitol?
Madaxa Booliiska Capitol, Steven Sund, ayaa is casilay toddobaadkii hore kaddib markii loo soo jeediyay cambaareyn ku aaddan sidii ay ciidamadiisa uga falceliyeen weerarkaas, Nancy Pelosi oo ah sarkaal sare oo Dimuqraadiyiinta ka tirsan ayaa Mr Sund u soo jeedisay inuu is casilo.
Sii hayaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Michael Sherwin ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ay ka fekeri doonto inay eedeymo ku soo oogto saraakiisha booliiska Capitol ee lagu helo inay la jireen kooxdii weerarka soo qaadday.

Xigashada Sawirka, Igor Bobic
Sida laga soo xigtay telefishinka CBS News, oo ay BBC-du wada shaqeyn leeyihiin, booliiska Capitol waxay ka jawaabeen dhowr dhacdo oo ah saraakiil ku hanjabaya inay naftooda waxyeellen doonaan kaddib weerarkii toddobaadkii hore.










