Shan sawir oo cajiib ah oo laga soo qaaday weerarkii Capitol Hill

Xigashada Sawirka, Mike Theiler / Reuters

Iyadoo qaswadayaashii taageerayaasha Trump ay ka gudbeen jidgooyada ayna galeen dhismaha US Capitol, sawir-qaadeyaasha wakaaladaha wararka - ee halkaas u joogay inay ka soo warramaan ansixinta guusha Joe Biden ee doorashaa - ayaa sawirro ka qaaday dhacdooyin aan caadi ahayn oo halkaasi ka dhacay.
Markii ugu dambeysay ee dhismayaasha dowladda ee Washington la galay waxay ahayd sanadkii 1814, kuwii galayna waxay ahaayeen ciidamadii Britain.
Balse sanadkan 2021 mid ka mid ah taageerayaasha Trump, oo haya calanka gobollada isbahaystay, ayaa si xor ah u dhex maray hoolasha meel u dhow halka laga galo Aqalka Senate-ka, isagoo iska caabbin yar un la kulmay.
Kooxdan ayaa ka kooban gobollo koofurta Mareykanka ku yaalla oo u dagaallamay in adoonsiga uu sii jiro intii uu socday Dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka.
Waxaa jiray baaqyo soo cusboonaaday oo ku saabsanaa in gudaha Mareykanka laga mamnuuco calanka gobollada isbahaystay, kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday faquuqa oo ka dhashay dilkii ay booliisku u geysteen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.
Si kastaba Mr Trump ayaa difaacay isticmaalka calanka, isagoo ku sheegay inay tahay arrin quseysa xorriyadda hadalka.

Xigashada Sawirka, Win McNamee / Getty Images

Nin ka tirsan taageerayaasha Trump ayaa halkan dhex maraya xarigga guduudan, sida ay sameyn lahaayeen dad badan oo soo booqda dhismaha iyagoo la hagayo si ay u arkaan qeybo ka tirsan dhismaha.
Balse ninkan wuxuu sitaa miiska ay Afhayeenka Aqalka isticmaasho marka ay hadal jeedinayso, isagoo dul joogsaday sawir khad lagu xardhay oo muujinaya is soo dhiibiddii Janaraal Burgoyne ee dagaalkii xornimo doonka.

Xigashada Sawirka, Win McNamee / Getty Images

Nin kale, oo magaciisa lagu sheegay Jake Angeli, oo taageero weyn u ah Trump kana qeyb galay isu soo baxyo badan oo madaxweynaha uu ka hadlayay, ayaa qeylinayay isagoo sii galaya Aqalka Senateka.
Qaabka uu usoo lebista ayaa ka soocay dibadbaxayaasha kale ee xiran funaanado madow ah. Taageerayaashan Trump ayaa istaagay iyagoo sawirro iska qaadaya, balse ninkan waxaa cad inuu meesha u yimid in dad kale ay sawiraan.
Inaysan goobta joogin ciidamo ammaan, waxay caksi ku tahay dibadbaxyada kale ee ka dhaca Washington halkaas oo la arki karo ciidamo aad u hubeysan oo difaacaya waaxaha Mareykanka.

Xigashada Sawirka, SAUL LOEB / AFP

Mid kale oo ka mid ah taageerayaasha Trump, oo lagu magacaabo Richard Barnett, ayaa ku fadhiistay kursiga xubin sare oo Kongreeska ka tirsan, isagoo si xushmad darro ay ku dheehan tahay hal lug u saartay miiska. Waa xafiiska Afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi.
Waxaa aad la iskula wadaagay sawirrada laga soo qaaday qoraallada ay isaga iyo kuwo kale uga tageen miiska Ms Pelosi.

Xigashada Sawirka, Drew Angerer / Getty Images

Sawirkan la yaabka leh wuxuu muujinayaa sida kulankii hannaanka rasmiga ahaa ee xaqiijinta guusha Biden ay isugu beddeshay goob rabshad ah iyadoo saraakiisha booliiska Capitol ay qoryahooda ku taagayaan derbiyada ay soo weerareen dibadbaxayaasha isku dayaya inay soo galaan aqalka.
Dad badan oo falanqeeyay arrintan ayaa is weydiiyay inay daawanayaan bilowga afgembi iyadoo albaabbada la dhigay jidgooyo, qoryahana la cabbeystay.
Waxay goobtu u ekaatay meel lagu duubayo filinka Hollywood-ka, iyadoo xildhibaannada ay ka ilaalinayeen albaabbada in la soo jebiyo.
Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa khudbad uu telefishinnada ka jeediyay wuxuu dhacadadaasi ku tilmaamay "gef ka dhan ah dimquraadiyadda" - sawirkan cajiibka ah ayaa sharraxaya waxa uu hadalkaas uga jeeday.
Dhammaan xuquuqda sawirrada way dhowran yihiin.










