'Aabbeheey Salmaan si tartiib tartiib ah ayey u dileysaa dowladda Sacuudiga'

.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Wiil uu dhalay wadaadka u dhashay Sacuudiga ee lagu magacaabo Salmaan Al-Cawda ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in aabbihiis "si tartiib tartiib ah loogu dilayo" xabsiga Sacuudiga ee uu ay ku xirtay boqortooyada dalkaas.

Cabdullaagi Al-Cawda ayaa qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi: "Waxaan u sheegayaa dalalka Carabta iyo caalamkaba in aabbeheey, Dr Salmaan Al-Cawda uu ku jiro xaalad aad u xanuun badan oo loogu talagalay in ugu dambeyn uu ku geeriyoodo gudaha xabsiga magaalada Riyaad, halkaas oo caafimaadkiisa uu uga sii darayo marba marka ka dambeysa wax daryeel ahna uusan ku heysanin, maamulka boqortooyada ayaana u heysannaa mas'uuliyadda wax kasta oo ku dhaca aabbeheey."

Al-Cawda ayaa intaas kusii daray: "Si ula kac ah ayaa aabbeheey looga qarinayaa dadka, mana la oggola in wax xiriir dhinaca isgaarsiinta ah lala sameeyo, sidoo kalena waxaa la joojiyay booqashadii ay dadka ehelkiisa ah ugu tagi jireen. Bartamihii bishii November ayey qoysku markii ugu dambeysay ku arkeen dhageysiga maxkamadda markaas oo uu u muuqday qof aad daciif u ah, taas ayaana caddeyn u ah in si tartiib tartiib ah loo dilayo."

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Qoraallada Twitter-ka ee Cabdullaahi ayaa yimid wax ka yar hal bil kaddib markii uu Twitter kale ku shaaciyay in aabihiis uu waayay alabar ka mid ah aragtidii indhihiisa iyo kalabar ka mid ah maqalkiisii.

#Ha dilina-Salmaan-Al-Cawda

Qaar ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sii faafiyay qoraallada uu Cabdullaahi Al-Cawda ku shaaciyay Twitter-ka iyagoo ku baaqaya in wadaadka aabihiis ah aan la dilin. Hal-ku-dhigga #Ha dilina-Salmaan-Al-Cawada ayaa lagu asteeyay ololaha lagu doonayo in loogu gurmado wadaadka u xiran dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa laga codsaday in ay soo faragaliyaan arrintan si ay gacan uga geystaan sii deynta Sheekh Salmaan Al-Cawda.

Mid ka mid ah dadkaas, oo lagu magacaabo Turki Al-Shalhoub ayaa soo qoray: "Xabsiyada waxaa loogu talagalay dambiileyaasha, tuugada, burcadda jidadka dadka u gasha iyo dadka musuqmaasuqa geysta... laakiin Waddanka Sacuudiga gudihiisa xabsiyadu waxay ka noqdeen qabriyada dadka isbaddal doonka ah, kuwa fikira iyo dadka ra'yigooda dartiis lagu heysto."

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Dad badan ayaa waxa ku dhacaya Sheekh Salmaan Al-Cawda iyo wadaaddada kale ee la midka ahba ku eedeeyay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

"Ma qof xuquuqda raadiyaa mise waa argagixiso"?

Hase yeeshee, dhanka kale, dadka arrintan ka hadlaya qaarkood ayaa Salmaan Al-Cawda ku eedeeyay in uu yahay nin argagixiso ah oo si cad uga soo horjeeda dowladda Sacuudiga, "hadalladiisana ku kiciya dadka".

Saudi Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman waves as he meets with Philippine President Rodrigo Duterte in Riyadh, Saudi Arabia, April 11, 201

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maxamed Bin Salmaan ayey dadka qaar ku eedeeyeen in uu gacan bir ah ku qabto dadka kasoo horjeesta siyaasadihiisa

Salmaan Al-Cawda waxaa xabsiga loo taxaabay bishii September ee sanadkii 2017-kii, xilligaas oo lala xiray in ka adan 20 ruux oo kale, waxaana dhammaantood lagu soo oogay dacwado ku saabsan in ay yihiin "argagixiso ayna bauurayeen xiisado ka dhan ah boqortooyada".

Hayadda u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, Amnesty International, ayaa sheegtay in xarigga wadaadkaas uu yimid saacado yar kaddib markii uu Twitter-ka kusoo qoray hadallo muujinaya suurtagalnimada in ay heshiiyaan Sacuudiga iyo Qadar.

Al-Cawda ayaa horay u dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, hase yeeshee muddooyinkii dambe ee ka horreeyay xariggiisa wuxuu ka gaabsaday arrimaha la xiriira nidaamka boqortooyada iyo sidoo kale xiisadda u dhaxeysa Riyaad iyo Qadar.