Aroos toban kun ka qayb galeen iyada oon xayiraadda karona lagu gefin

Saf marka korona wuxuu cabaqad ku noqday oo dad badanka xayiray in ay aroosyadooda ku marti qaadaan dad badan oo kala qayb gala faraxadooda.

Laakiin lamaane ku aqal galay dalka Malaysia ayey u suurto gashay in ay ka xeeladaystaan shuruudda xadidaadda tirada dadka ka qayb geli kara xaflad aroos oo ah in aanay ka badan labaatan qof.

Waxaanay marti qaadeen toban kun oo qof iyaga oo aan ku xad gubin shuruudda kala fogaanshaha dadka ee ka hortagga fayraska.

Waa laga yaabaa in dadka qaarkii arintaa u arkaan wax aan dhici karin, laakiin waa suurto gal oo dadka lagu soo marti qaaday xafladda arooskaa ayaa baabuurtooda goobtii ku yimid oo aan ka soo dhaadhicin.

Lamaanaha arooska ah ayaa waxay subaxnimadii Axaddii xafladdoodu ka dhacaysay dhisme dawladeed hortii oo ay waddo weyni hor marto.

Wadadaa weyn ayay baabuurtii martidu wadatay la soo wada hor mareen, iyaga oo muraayaduhu u dallacan yiin oo xafaldda ka daawanayeen.

Waa dhab oo xaflad aroos la moodi maayo arintaas, laakiin lamaanaha arooska ah waa Tengku Maxamed Xaafid iyo afadiisa Oceane Alagia ayaa suurto geliyey oo uu u dhacay arooskaasi.

Muddo saddex saacadood ah ayay toban kun oo qof oo baabuurtooda wataa ku mareen wadada hor marta dhismaha hortiisa uu ka socday aroosku, oo marka qof waliba la siman yahay ayuu u gacan haadinayey lamaanahaas. Waxaana sidoo kale suurto gashay in qof kastaaba yara hakanayey oo loo fidinayey cunto iyada oo la ilaalinayo kala fogaanshaha dadka.

Waxa daaqadda looga fidinayey cunto diyaar ah oo weel daboolan ku jirta, sida ay ku warantay warbaahinta Malaysia.

Hase yeeshee arooskaasi wuxuu dhacay maalin uun ka dib markii ninka caruuska ah aabihii oo ah siyaasi lagu helay dembi ah musuqmaasuq uu ku lunsaday lacag dhan nus malyuun doolar oo lagu xukumay ganaax iyo sannad xadhig ah.

Malaysia haatan waxay dagaal kula jirtaa laba kaclaynta cusub ee safmarka korona.

Ilaa haatan waxa dalkaa laga xaqiijiyey in tirada dadka fayrasku ku dhacay tahay 92,000 oo qof halka 430 qof na u dhinteen.