You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Libya Idris" ... sheekada gabadhii magaceeda la mamnuucay
Markii "Libya" ay ku jirtay sannadkeedii ugu horreeyay ee qeybta warbaahinta ee Jaamacadda Benghazi, mid ka mid ah waardiyeyaashii jaamacadda ayaa u yeeray iyadoo fasalka u sii socota, wuxuuna cod dheer ugu sheegay in ay xirato "dhar habboon" ama in aan loo oggolaan doonin inay mar dambe soo gasho jaamacadda - wuxuuna ula jeeday dharkii ay inta badan gabdhaha da`da yar xirnaayeen: Funaanad madow ah oo koofiyad leh.
Libya (waa magaceeda) waxay dareentay in laga khaldamay markii lagu qeyliyay ardayda hortooda, kuwaas oo fasalaldooda ka soo baxay markii ay hadalka maqleen.
"Marka hore, dharkan waxba kuma laha taariikhdeenna," ayay tiri Libya, oo 28 jir ah, waxayna intaas ku dartay: "Ardaydii ayaa agteenna soo dhoobtay, waxaana u sheegay inaan ka oggolaan doonin inuu mar dambe sidaas iila hadlo, isla markaana aysan cedna igala hadlin dharka jaamacadda, aana ka doonayo inuu ii raaco maamulka jaamacadda. Dheg jalaq iima siin, waan soo qabtay waxaana u sheegay inaan dhaqaaqeynin ilaa uu i raaco. Xaqiiqdii, maamulka jaamacadda ayaa caddaalad ii sameeyay. "
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee codka Libya laga maqlo meel ka baxsan fasalka.
Libya waxay iska caabbinta ka baratay waaliddiinteeda, oo ay ku tilmaantay "mucaarad gudaha ah," waxayna ka sheekeysay dhacdooyinkii soo marayw aalidiinteeda iyo kuwo ay iyada goobjoog u ahayd.
Sanadkii 2019, Waaxda Tifaftirka ayaa soo saartay warbaahin lagu magacaabo "Al-Kul", taas oo dadka ku taxan ay gaareen in ka badan hal milyan oo qof (iyadoo la og yahay in bulshada Libya ku nool ay yihiin qiyaastii 6.6 milyan oo qof). Kooxdeeda waxaa ka mid ah 30 isugu jira weriyeyaal rag iyo dumar ah, iyo lix kale oo ku nool Tunisia. Halkaas oo ay ka shaqeyso Libya.
Libya ayaa tiri: "Aniga iyo jiilkeyga waxaa nalaga dhaadhiciyay fekerka ah in dadku ay macmiil amaba cadow midkood yihiin. Hadafka mashruucu wuxuu ahaa in loo adeego dhammaan dadka Libya ee kala duwan. Waxaan dooneynay in dhegeystayaashu ay sheekadooda sheegaan si qof walba uu u ogaado sida aan u kala duwan nahay" .
Marka laga soo tago shaqadeeda, sidoo kale waxay u dhaqdhaqaaqdaa xuquuqda rayidka iyada oo dooneysa inay ka qeyb qaadato nabad ku soo dabbaalidda dalkeeda. Saddedii November, iyada oo ku jirta kushiinkeeda ku yaalla guriga ay ka deggan tahay magaalada Gammarth ee Tunisia, waxay internet-ka uga qeyb gashay shir ku saabsanaa nabadda oo lagu waday inuu ka dhaco Geneva, waxayna diiradda saartay doorka warbaahinta ee arrintan.
Shirku wuxuu horudhac u ahaa wada hadallo cusub oo kooxaha siyaasadda dhex mari lahaa 9-kii November.
'Libya'
Sanadkii 1992 gabar ayaa magaalada Benghazi ugu dhalatay waaliddiin ku jiray da`da soddonmeeyada, markii ay doonayeen inay diwaan geliyaan cunuggooda kaddib markii ay saddex ilmo oo iyada ka horreeyay ay ka soo dilmaan, saraakiisha diwaan gelinta ayaa soo jeediyay magaca : "Libya".
Diwaan gelinta magaca waxaa dib loo dhigay muddo toban maalmood ah; Haddii lacalla aabbaha Libya uusan dooneyn magaca Idris Al-Mesmari, oo la micno ah marka la isku daro in magaceeda uu noqonayo "Libya Idris", magacaanna xilligaas lagama dooneyn gudaha Libya; Idris Al-Senussi wuxuu ahaa boqorkii ugu horreeyay ee Libya kaddib markii uu dalkaasi xornimadiisa ka qaatay Talyaaniga, iyaga oo ah koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay Muammar Gaddafi ayaa xilka ka tuuray sanadkii 1969 waxaana howlgalkaas loo yaqaannay Kacdoonkii Al-Fateh ee September.
Magaca dalka wuxuu ka mid ahaa waxyaabihii uu beddelay Gaddafi; Midowga Boqortooyada Libya, oo la aasaasay kaddib xornimadii dalkaas 1951, waxaa loo yaqaannay magic dheer: Jamaahiirta Carabta Dadka Libya ee Hantiwadaagga ah, sanadkii 1986 eray kale, "Sare", ayaa sidoo kale lagu daray.
Libya Al-Mismari ayaa sheegtay: "Magacayga qudhiisa waa xaalad. Qoyskeyga waxay ka baqayeen in magaca uu lumo sababtoo ah Gaddafi magaca mid dheer ayuu ka dhigay. Waxaa jirtay in la diiddanaa in magaca loogu yeero Libya keliya."
Libya ma aysan ogeyn inay jireen keliya labo qof oo kale oo magaca la wadaaga, mid wuxuu ahaa dhaqtarad dhalatay xilligii xorriyadda tan labaadna waxay ahayd haweeney jiilkeeda ah, waana gabadha jilaa.
Keliya ma ahayn magaceeda hore, balse xitaa waxaa saameyn ku yeeshay magaca aabbaheed geeriyooday ee Idris. Waxay inta badan ka hadleysay isaga.
Sanadkii 2002, qoyskeedu waxay u guureen Qaahira, si ay waxbarashadeeda usii wadato, aabbahed ayaana sameeyay wargeys dhaqameed lagu magacaabi jiray "Arajin", Libya waxay waqti ku qaadatay halkaas.
"Qoyskeyga waxay mar walba ka cabsi qabeen inay safraan oo la xiro. Safarradii aan ku tegi jirnay Libya khatar ayay ahaayeen, balse aabbahay wuxuu dhihi jiray inaan la lumin xiriirka Libya."
Iskuulka Dar al-Tarbiah oo ku yaallay Qaahira waxay kula kulantay gabdho dalkeeda ka soo jeeda, markii ay is barteenna waxay jeclaan jirtay in nolosheeda ay ahaato tooda oo kale - "mid fudud".
Magacaygu wuxuu la xiriiray dhul. Balse wax walba oo dhulkaas yaallay waxaa xukumi jiray dowladdii jirtay.
"Isaga tag waxbarashadaada haddii aadan naftaada difaaci karin."
Sanadkii 2010, qoyska ayaa ku soo laabtay Libya, xiriirka saaxiibbadii horena wuu is beddelay, hooyadeedna waxay dhammeysatay waxbarashadeedii shahaadada PhD waxayna ka dhabeysay riyadeedii ahayd inay qeyb ka noqoto Jaamacadda Benghazi, oo ah jaamacadda ugu weyn Libya - marka loo eego Libya, jaamacaddaas xusuus ba`an ayay u lahayd.
Libya waxay sheegtay in xaaladda xun ee jaamacadda ay ku kallifi jirtay haweenka da`da yar inay isaga tagaan, balse waxay sheegtay inay ka dhaxashay geesinnimo. Markii ay dhibaatooyin la kulantaba waxay u tegi jirtay hooyadeed iyada oo oyneysa, hooyadeed ayaa ku dhihi jirtay, "Haddii aadan aqoon sida naftaada loo difaaco, isaga soo tag waxbarashadaada gurigana joog. Waxay xusuusataa in mar loo ciqaabay kaddib markii nin dhalinyaro ah uu timaha ka jiiday kaddibna ay ku dhiirran weysay inay xitaa eegto wejigiisa.
Balse muddo kaddib waxay baratay sida nafteeda looga difaaco kuwa soo weerara.
Markii ay ka qalin jebin rabtay jaamacadda, waxaa biloqday kacdoonkii ka dhanka ahaa Gaddafi - waxayna sheegtay in qofkii ugu horreeyay ee warbaahinta kala hadlay bannaan baxa uu ahaa aabbaheed Idris, waxayna ahayd February 15, 2011.
Libya abbaheed wuxuu sanadkii 2017 u dhintay arrimo caafimaad isaga oo jiray 60 sano, Libya waxay ku adkeysatay inay ku aasto Benghazi, inkastoo Qaahira sidoo kale uu jeclaa.
Libya waxay sheegtay inay weli rumeysan tahay "midnimada ciidda, geyiga, kala duwanaansha, in si nabad leh la isuguw areejiyo xilka lana xushmeeyo xuquuqda aadanaha," waxay intaas ku dartay, "Balse riyooyinku waa la burburiyay ... Waxa keliya ee aan codsanayo waa in xoogaa xasilooni ah ay helaan shacabka ."