Afar qaab oo uu Covid u beddelay nolosheenna

Haddii adigoo careysan amaba ku faraxsan aad dib u milicsaneyso dhammaadka sanadkan aan caadiga ahayn, waxaan shaki ku jirin in xanuunka safmarka ah ee coronavirus uu wax ka beddelay sida aan u nool nahay.

Sida aan u shaqeyno, sida aan u lebisanno iyo sida aan u dukaameysanno: waxyaabo badan ayaa iska beddelay sanadka 2020.

Taasi waxay dhibaatooyin ku keentay kuwa ku shaqada leh daboolidda baahiyaheenna nolosha.

Si kedis ah, qaar ka mid ah waxyaabihii aadka u gadmi jiray haatan sidaas looma rabo, halka kuwo kalena ay noqdeen kuwo si aad ah loo raadiyo.

Dadka ku jira daraasadda John Lewis ayaa loo adeegsaday ogaanshaha isbeddelladaas. Sanad walba xilligan oo kale, waxay soo saraan warbixin ku saabsan waxyaabaha taagan, waxaa cinwaan looga dhigay Sida aan u Dukaameysanno, u Nool nahay una Eknahay.

Sida ay u dhigeen: "Sanad aynaan bannaanka aadi karin, waxaan ku qasbanaannay inaan dunida keenno guryaheenna."

Sidaas daraaddeed waa maxay qaababka ugu waaweyn ee ay taasi u dhacday?

Guryaheenna waxay runtii noqdeen qalcadaheenna

Ma aynaan heysan ikhtiyaar balse waxaan ku qasbaneyn inaan fadhiisanno oo aan eegno afarteenna derbi, dad badan ma aysan jecleysan waxa ay arkeen.

Qaarkeen, dabcan, waxay qaateen go`aan adag oo ay isaga iibinayaan ganacsigooda iyagoo meelo kale u wareegay. Balse kuwo kale waxay go`aansadeen inay si wanaagsan u isticmaalaan waxa ay heystaan.

"Iyadoo sanadku uu sii dhammaanayo, waxaan sii jeclaaneynaa guryaheenna, annaga oo dayactir ku sameyneyna" ayaa lagu yiri warbxinta John Lewis.

Dukaanka ayaa sheegay in ku dhowaad 10,000 oo ballamo guri naqshadeyn ah la lahayd macaamiisha sanadkan.

Isla xilligaas, iibka daahyada diyaarsan ayaa kor u kacay 19% iyadoo iibka rinjigana uu sare u kacay 33%.

Berkadaha kulul ee lagu qubeysto iyo mashiinka hilibka lagu dubo ayaa sidoo kale aad loo iibsanayay.

Waxaan u lebisannay si caadi ah

Haddiiba aan loo baahneyn suudadka amaba dharka rasmiga ah ee xafiisyada lagu aado, dadku waxay door bideen inay u lebistaan si aargoosasho ah.

Taasi ma aha sida uu u dhigayo John Lewis, dabcan. Warbixintoodu waxay u dhigtay inaan u dabaaldegno "sida aan nolosheenna uga xorownay inaan dhexda xiranno" oo aan ugu qanacsanaannay inaan si caadi ah u lebisanno.

"Iyadoo ay dad badan guryaha ka shaqeynayaan, iibka dharka dhaadheer ayaa sare u kacay 1,303%," ayaa lagu yiri warbixinta.

Balse inkastoo ay inoo suurto gashay inaan saacado badan ku qaaddano bannaanka markii la khafiifiyay xayiraadaha, haddana qaab lebiska ayaa sidoo kale noqday mid iska caadi ah.

In loo lebisto aadidda bannaanka sideeda kuma soo laaban doonto kol dhow: iibka kabaha dhaadheer iyo boorsooyinka loo qaato xafladaha ayaa hoos u dhacay 62% iyo 56%.

Waxaan beddelnay jadwalkeenna

Intii aan u degdegi lahayn inaan guriga ka baxno si aan shaqada u aadno, waxaa inoo fududaatay maalinteenna shaqada innagoo kumbiyuutarka geysaneyna miiska cuntada.

Taasi waxay la micno tahay in iibka saacadaha waqtiga ay hoos u dhaceen 38%, balse mahsiinnada lagu sameysto qaxwada espresso ayaa sare u kacay 12%.

Iibka boorsooyinka suitcase-ka ayaa hoos u dhacay 69%.

Sidoo kale waxaa sare u kacay iibka qalabka jimicsiga ee guryaha sida aaladda la socoshada isbeddelka jirka iyo saacadaha casriga ah iyadoo uu iibkoodu kordhay 64%.

Waxaan inta badan ka dukaameysannay online-ka

Si la mid ah dukaamada kale, John Lewis ayaa inta badan wax ku iibinayay online-ka.

Haatan 60% ilaa 70% John Lewis waxay wax ku iibiyaan online-ka, iyadoo kahor coronavirus uu iibkoodu ahaa 40%.

Xilliyada ay dadka galaan baraha internet-ka si ay wax uga iibsadaan ayaa sidoo kale is beddelay.

Dadku waxay baraha internet-ka geli jireen fiidkii marka ay shaqada ka soo baxaan kaddib, balse haatan waxay inta badan ka dukaameystaan xilliyada shaqada, gaar ahaan inta u dhaxeysa saacadaha 11:00 iyo 16:00.