Doorashada Mareykanka 2020: Sida Trump u badelay caalamka

Madaxweynaha Mareykanka ma hoggaamiyo dalkiisa oo kaliya, ee sidoo kale waa qofka ugu awoodda badan dunida. Waxa uu sameeyana dad badan noloshooda ayey saameyn ku yeelaneysaa. Donald Trump xilkaas buu hayaa. Marka siduu Mr Trump ku badelay caalamka?

Sida Dunida ay Ameerika u aragto
Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer ku dhawaaqay in Mareykanka uu yahay "dalka Dunida ugu wayn". Hasayeeshee sida ay tilmaamayso warbixin laga uruuriyay 13-dal oo ay garwadeen ka aheyd hay'adda cilmi-baarista ee Pew Research Centre, wax badan muusan ka samayn caalamka si uu u horumariyo magaca dalkaas.
Dalal badan oo reer Yurub ah, gaar ahaan kuwa ay la tahay in Mareykanku uu wanaagsan yahay, ayaa noqday kuwii ugu hooseeyay muddo 20 sanadood ah. UK, 41% ayaa la dhacsan, halka Faransiiska 31% ay sidaas oo kale aamisanyihiin, taas oo ah middii ugu hoosaysay, tan iyo 2003-dii, Jarmalka na 26%.


Sida Mareykanka uu uga jawaabay fayraska safmarka ah ee korona ayaa ah arrin muhiim aheyd - oo boqolkiiba 15% oo kaliya, dadkii aaraa'da laga uruuriyay ayaa u arkay in Mareykanku uu si wanaagsan ula tacaalay fayraska, sida ka muuqata xogtii la uruuriyay intii u dhaxaysay July iyo Agoosto.
Ka bixidda heshiiska isbadelka cimillada
Waa ay adag tahay in la iska dhegatiro waxa uu Madaxweyne Trump ka aaminsan yahay isbadelka cimillada, isagoo ugu yeeray "khiyaano aad u qaali ah", marna yiri waa "arrin culus" oo "aad muhiim iigu ah".
Xaqiiqadu waxay tahay in markii uu lix bilood hayay xilka, uu argagixiyay saynisyahannada markii uu ku dhawaaqay in Mareykanka uu isaga baxay heshiiskii cimillada ee Paris, kaas oo ay galeen ku dhawaad 200 oo dal, si cimillada adduunka ee sii kululaanaysa looga hoos mariyo 2C.
Mareykanka waa dalka labaad ee qiiqa ugu badan hawada ku sii daaya, waxaana ka horreeya oo kaliya waddanka Shiinaha. Cilmi-baarayaashuna waxa ay ka digeen haddii Mr Trump dib loo soo doorto, in ay suuragalnimada tahay inay adkaan doonto in heerkulka adduunka la ilaaliyo.


Markii uu heshiiskii Paris diidayay waxa uu madaxweynuhu ku andacdooday: "waxa ay noqon laheyd sida in la joojinayo wax soo saarka Mareykanka iyadoo la soo rogayo shuruuc xad dhaaf ah oo wax lagu jaangoynayo".
Mareykanka waxa uu heshiiska Paris si rasmi ah uga baxay 4-ta bisha Nofeembar, maalin uun kaddib markii la qabtay doorashada madaxtinimada ee Mareykanka. Joe Biden ayaa waxa uu ballanqaaday in uu heshiiskaasi dib ugu laaban doono.
Xuduudaha laga xirtay dadka qaar
Madaxweyne Trump waxa uu go'aankiisa socdaalka la xiriira bannaanka soo dhigay toddobaad uun kaddib markii xilka loo dhaariyay, waxa uuna xuduuda ka xirtay dadka ka imanaya toddoba dal oo dadkoodu ay Muslimiin u badan yihiin. Haddana illaa 13 dal shacabkooda ayaa wajahaya xayiraado adag oo dhanka socdaalka ah.
Tirada dadka ajaanibta ah ee Mareykanka ku nool waxa ay boqolkiiba 3% ka sarraysay 2019-kii marka la barbardhigo middkii 2016-kii, xilligaas oo aheyd sannadkii ugu dambeeyay ee uu Madaxweyne Obama xafiiska hayay.


Marka dhanka Boqollayda laga eego ee dadka deeggan Mareykanka ee ku dhashay Mexico, ayay tiradooda aad hoos ugu dhacday muddo xileedkii Mr Trump, halka ay aad sare ugu kacday dadka u guuray waddamada Latiin Ameerika iyo kuwa Caribbean-ka.
Sidoo kale waxaa si guud loo adkeeyay dadka dal ku galka deganaanshiyaha Mareykanka la siinayo - gaar ahaan ehellada dadka halkaas horay ugu noolaa.
Tirada muhaajiriinta lagu xiray xadka Mareykanka iyo Mexico ayaa 2019-kii gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo 12 sanadood ah, arrintaas oo ka dhalatay dad fara badan oo xilligii guga halkaas yimid.
In ka badan kala bar dadkaasi waxa ay ahaayeen qoysas ka soo jeeday Guatemala, Honduras, iyo El Salvador, dalalkaas oo qulqulatooyin iyo saboolnimo ay ku khasbeen dadka inay magangalyo iyo nolol cusub meel kale ka raadsadaan.

Soo shaacbaxa 'wararka been abuurka ah'
"Waxay ila tahay in mid ka mid ah kalmadaha ugu wayn ee aan soo saaray ay tahay "been abuur", Donald Trump ayaa sidaas ku sheegay wareysi uu bixiyay bishii Oktoobar 2017. Walow madaxweynuhu uusan isagu soo hindisin kalmaddan "warar been abuu ah", haddana waxaa caadi ah in la yiraahdo wuu soo shaacbixiyay.
Qoraallo uu soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan iyo qoraal laga sameeyay codad la duubay oo ay si dhaw u eegtay shirkadda Factba.se, ayuu kalmaddaas ku sheegay ku dhawaad 2,000 oo jeer, laga soo bilaabo farriintiisii ugu horraysay ee uu arrintaas kaga hadlay bishii Diseembar ee 2016-kii.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Maanta haddii aad barta Google-ka ka baartid kalmadda "Warar been abuur ah," waxaa kuu soo baxaya in ka badan 1.1 bilyan oo natiijo oo dunida oo dhan ah.
Markii la sii kala saarana waxaad arkaysa in dadka arrintaas danaynaya ee Mareykanka ay sare u kaceen xilligii qaboobaha ee 2016-17, waxa ayna cirka isku shareertay markii madaxweynaha uu daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray "Abaalmarinta wararka been abuurka ah", oo ah liiska sheekooyin uu u arkay inay been yihiin.


Xilliggii doorashada 2016-kii ee Mareykanka, waxaa baahay warar been abuur ah sida in Pope Faransiis uu taageeray Trump, warkaas ayaa si weyn loo faafiyay.
Madaxweyne Trump ayaa marar badan adeegsanayay ereyada 'Warar been abuur ah" si uu uga soo horjeesto wararka uu diidan yahay. Bishii Febraayo sannadkii 2017-kii wuxuu warbaahinta ku tilmaamay "inay yihiin cadowga Mareykanka".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Markii uu 2016-kii tartanka ugu jiray Aqalka Cad, "wararka been abuurka ah" waxa uu ula jeeday wararka aan runta ahayn sida in Pope Francis uu taageeray Trump inuu madaxweyne noqdo. Balse markii dambe waxa ay kalmaddaas noqotay mid aad loo isticmaalo, oo macnihii kalmaddaas waxaa laga weeciyay habkii ahaa xog been abuur ah.
Madaxweynaha ayaa si joogta ah u isticmaalay "wararka been abuurka ah" si uu ugu weerraro warbixinnada uusan jeclaysan. Bilowgii 2017, waa uu sii xoojiyay arrintaas, oo waxa uu dhowr warbaahin ku asteexayay inay yihiin "cadowga dadka Mareykanka".
'Dagaal aan dhamaaneyn' ee Mareykanka iyo heshiiska Bariga Dhexe
Bishii Febraayo sannadkii 2019-kii, madaxweyne Trump khudbad uu u jeedinayay shacabka wuxuu ku ballan qaaday in ciidamada Mareykanka uu ka soo saari doono Suuriya, wuxuuna yiri "Dalalka waaweyn kuma sii jiri karaa dagaal aanan dhamaaneyn".


Waxaa jiray siyaabo kala duwan oo lagu faragelin karay xaaladda Bariga Dhexe iyadoo aanan loo dirin ciidamo. Madaxweyne Trump wuxuu meesha ka saaray diidmadii madaxweyneyaashi isaga ka horreeyay ee ah in safaaradda Mareykanka ee Israa'iil loo raro magaalada Qudus, wuxuuna sannadkii 2018-kii u aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil.
Bishii la soo dhaafay wuxuu bogaadiyay "Waaga cusub ee u baryay Bariga Dhexe" kaddib markii Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay wada gaareen heshiis dib loogu soo celinayo xiriirkooda Israa'iil. Waxaa heshiiskaas garwadeen ka ahaa Mareykanka, labadan dal ayaa ka mid noqonayaa dalalka carabta ee aqoonsaday Israa'iil, tan iyo sannadkii 1948-dii.
Waxaana tallaabadaas lagu sheegay inay tahay guushii ugu weyneyd ee dhanka diblomaasiyadda uu gaaray maamulka Trump.
Heshiisyada la isla saxiixday
Madaxweyne Trump wuxuu u muqdaa mid aan dan ka lahayn heshiisyo la galay xilliggii uusan xilka qabanin ka hor, wuxuuna meesha ka saaray 12 heshiis oo lala galay dalal kala duwan, kuwaas oo Trump uu ku tilmaamay kuwo 'Xun', waxaana tallaabadaas ka faa'ideystay Shiinaha oo u arka in uu isku ballaarinayo saameyntiisa ku aadan gobolka Asia-Pacific.
Trump wuxuu wax ka baddalay heshiiskii ganacsi ee lala galay Canada iyo Mexico, heshiiskaas oo markii hore uu ku tilmaamay "Heshiiskii ugu xumaa abid ee la galo".
Isbaddallada uu ku sameeyay gacansiga Mareykanka waxay ka dhigan tahay, qaabka shacabka Mareykanka ay uga faa'ideysan karaa ganacisga adduunka, natiijada na waxay noqotay in dagaal ganacsi uu dhexmaro Shiinaha iyo Mareykanka, waana labada dal ee ugu dhaqaalaha xooggan dunida, waxayna tallaabadan saameysay ganacsatada Mareykanka iyo xitaa Shiinaha, wuxuuna ganacisgiisa u wareejiyay dalal ay ka mid yihiin Vietnam iyo Cambodia sii u badeecadihiisa ugu geeyo qiimo jaban.


Hardanka kala dhexeeyo Shiinaha
Labadii bishii Diseembar, sannadkii 2016-kii, madaxweyne Trump wuxuu qaaday tallaabo lama filaan ah wuxuuna si toos ah ula hadlay madaxweynaha Taiwan. Tafatirihii BBC-da laanta la hadasho Shiinaha ayaa sheegtay in tallaabadaas uu Shiinaha ka carooday, waxayna xukuumadda Beijing u aqoonsantahay Taiwan gobol ka tirsan dhulkeeda.
Mareykanka wuxuu ka careysiiyay Shiinaha kaddid markii uu ku dhawaaqay tallaabooyin dhowr ah sida in sharci darro uu ku tilmaamay howlaha kalluumeysiga ee ka socda dhulka uu Shiinaha ku anddacoonayo ee ku yaalla badda koonfureed, canshuurta uu kusoo rogay badeecadaha uga yimaado dhinaca Shiinaha, xayiraadda uu kusoo rogay isticmaalka baraha TikTok iyo WeChat iyo in uu diiwaanka madow ku daray shirkadda teknooloojiyadda ee laga leeyahay Shiinaha ee Huawei - tallaabooyinkaas uu Mareykanka ku sheegay in uu qaaday si uu uga hortago halis dhanka amniga ah.

Xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Shiinaha ma ahan mid bilaabatay xilliggii Trump, balse waa mid ka dhalatay tallaabooyin uu qaaday Shiinaha, madaxweyne Xi Jinping, oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuu meel mariyay sharci muran badan dhaliyay oo ka dhan ah Hong Kong iyo xarigga baahsan ee lagu hayo muslimiinta laga tiro badan yahay ee Uighurs.
Madaxweyne Trump wuxuu cudurka Covid-19 ugu yeeray 'Feyraska Shiinaha' si dadka uga weeciyo qaabka xukuumaddiisa ay ula taacaleyso xanuunkan faafa..
Musharraxa doorshada madaxtimimada uga guuleystay ee Joe Biden wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Shiinaha uu yahay 'Tuug' isla markaana aanan ka shaqeyneyn dimuqraadiyadda.
Iran iyo Mareykanka waxay qarka u saarnaayeen in uu dagaal dhexmaro
"Iran waxay si buuxda dusha ugu ridaneysaa mas'uuliyadda ah in dadka la dilay ama khasaaraha dhacay ee ka dhanka ah howleheena, cawaaqib xumo ayay kala kulmi doontaa, ma ahan digniin oo kaliya ah balse waa hanjabaad," ayuu Trump ku soo qoray boggiisa Twitter-ka dabayaaqadii sannadkii 2019-kii.
Mareykanka wuxuu duqeyn ku dilay janaraalkii ugu awoodda badnaa Iraan, Qasim Suleymani, kaas oo garwadeen ka ahaa howlgallada militari ee laga fuliyo Bariga Dhexe.
Iraan waxay qaaday weerar argoosi ah, waxay tiro gantaallo ah ku garaacday labo saldhig oo Mareykanka uu ku lahaa Ciraaq. In ka badan 100 ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ku dhaawacmay weerarkaas. Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegeen in labadan dal ay qarka u saarnayeen in uu dhexmaro dagaal.
Kaddib duqeymaha Iiraan, waxay ciidanka dalkaas, si aan ula kac aheyn usoo rideen diyaarad rakaab ah oo laga lahaa Ukraine taas oo ay ku dhinteen 176 qof.
Mareykanka iyo Iraan waxay hardamayeen tan iyo sannadkii 1979-kii kaddib markii xilka laga tuuray boqorkii ka talin jiray dalkaas oo uu Mareykanka taageei jiray. Balse labada dal weli ma uusan dhexmarin dagaal toos ah.
Sannadkii 2018-kii madaxweyne Trump wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyerka ee lala galay Iraan kaas oo dhigayay in Iraan ay xaddido barnaamijkeeda nukliyerka si cunaqabateynta looga qaado.
Maamulka Trump wuxuu cunaqabateyn xoogga ku soo rogay Iraan, taas oo saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha Iraan.












