Seddax arrimood oo ku saabsan Azarbajaan oo dagaal kula jirta Armenia

Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaal xooggan ay ka dhex qarxay dalalka Armenia iyo Azerbaijan taasi oo la xiriirta muran dhanka xudduuda ah, Haddaba waxaan warbixintan ku egaynaa taariikhda dalka Azerbaijan.
Jamhuuriyadda Azarbajaan oo saliidda qaniga ku ah ayaa soo ifbaxday 20-kii sano ee ugu dambeeyey isla-markaana noqotay dal door weyn ku leh tamarta gobolka, kaddib marki ay 1991-kii ay madax bannaanida ka qaadatay Midowgi Soofiyeet.
Suuqa iyo macamiisha lala sameeyo soo saarayaasha tamarta ee heer caaami ayaa Azarbajaan u suuragelisay iney adeegsato dakhliga ka soo gala dhinaca Tamarta si ay u abuurto sanduuq maalgashi oo ay maamusho dowladda kaasoo ka qayb qaadan doono mashaariic caalami ah.
Azarbajaan waxay dhaqaalaheeda sida oo kale u isticmaashay dib u dhiska awoodda ciidankeeda tallaabbadaasi oo loo arkayey iney muhiimad gaar ah u leedahay maadaamaa ay dagaal kula jirto Armenia oo ay ku muransan yihiin gobolka gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh.
In kasta oo ay sii kordheysay hodantinimada iyo saameynta Jamhuuriyadda Azarbajaan ay ku leedahay gobolka, haddana saboolnimada iyo musuqmaasuqa dalkaasi ka jira ayaa aad u wiiqay horumarka dalka.
Madaxweyne Ilhaam Caliyev

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilhan Caliyev wuxuu xilka madaxweynanimada uu qabtay 2003-dii kaddib marki uu aabbihii Xaydar uu xilka ka degay.
Caliyeev oo dhowr doorasha oo isxigay ku guuleystay haddana, doorashadii ugu dambeysay ee 2018-kii dhacday waxay kormeerayaasha doorashada ee ka socday waddamada reer galbeedka sheegeen doorashadaasi iney buuxinin heerarkii doorasha dimuqraadiyadeed ay mareysay.
Inti uu Claiyev uu xilka hayeyna waxaa la laalay sharcigi xaddidayey inuu madaxweynaha uu laba xilli ka badan uu xilka sii hayn karin iyada oo sharcigaasi lagu laalay afti laga qaaday shacabka bishii Maarso 2009-kii, go'aanka aftida ka soo baxay oo dhabbaha u xaaray inuu Caliyev marki seddexaad madaxweynanima uu iisu soo taago 2013-kii.
Sannadkii 2016, codbixiyayaashu waxay afti ku ansixiyeen isbeddelada dastuurka si loo ballaariyo awoodaha madaxweynaha - oo ay ku jirto soo-jeedin muran dhalisay oo ah in la yareeyo da'da ugu yar ee musharixiinta madaxweynaha.
Sanadkii 2016-kina waxay codbixiyeyaasha aftida codkoda ka dhiibtay ay ku ansixiyeen in isbeddel lagu sameeyo qodob dastuurka ka mid ah si loo ballaadhiyo awoodaha madaxweynaha oo ay ka mid tahay arrinta muranka weyn dhalisay ee ah in la yareeyo da'da ugu yar ee musharrax madaxweyne la isugu soo taagi karo.
Mucaaradka dalkaasina waxay sheegeen tallaabadaasi in loo qaaday in lagu adkeeyo xukunka qoyska Caliyev, maadaamaa wiilkiisa loo arko nin xukunka aabbihii ka dhaxlay.
Inta uu Caliyev uu xukunka hayey dalka Azerbajaan wuxuu adkeeyey doorka caalamka uu ku leeyahay, oo ay ka mid tahay martigelinta ciyaaraha Yurub ee Baku sanadkii 2015-kii.
Hase yeeshee, kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay xukumadda Azarbajaan ku eedeeyaan iney cabburiso xurriyatul qowlka xabsigana ay dhigtay dad badan oo u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo suxufiyiin badan.
Warbaahinta

Xigashada Sawirka, Azarbaycan
Codka mucaaradka ayaa gebi ahaanba ka maqan warbaahinta guud ee dalka, iyada oo wariyeyaasha madaxa bannaanna ay dhanka dowladda ay ka wajahayaan halis badan oo ay ka mid yihiin xarig iyo cabsigelin.
Talafishiinka ayaa ah aaladda warbaahineed ee dalkaasi sida weyn looga xiiseeyo. Haddana dhammaan kaanaallada talafishiinka ee dalkaasi ka jirana waxay raacaan waddada ay dowladda u jeexday.
Xorriyadda hadalka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanahaba waxay adeegsadaan baraha Bulshada, waxaana baraha bulshada sida weyn looga isticmaalo dalka Azerbajaan safka hore uga jiro Facebook.
Dhacdooyinka waaweynaa ee taariikhda dalka Azerbaijan:

Xigashada Sawirka, Getty Images
1828- Heshiiskii Turmenjai ee u dhaxeeyey Ruushka iyo Gobolka qajar (Iran) waxaa kala jabiyey Azarbajan. Dhulka maanta la yirahdo Azarbajaan waxay ka mid noqdeen boqortooyadii Ruushka, Halka Koonfurta Azarbajaan ay ka mid noqotay Dowladdii Qajar. Labaatan sano kaddibna ceelki ugu horreeyey oo dunida shidaal laga soo saaro ayaa laga qoday Koonfurta Baku.
1918- Jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Azarbajaan ayaa lagu dhawaaqay. Balse waddanka wuxuu noqday Jamhuuriyad hantiwadaaggi Soofiyeet uu maamulo wixi ka dambeeyey dagaalki ciidanki casaa ay soo qaadeen.
1988- Gobolka Nagorno-Karabakh wuxuu doonayay inuu kamid noqdo Armenia. Azarbajaan waxay billaabeen inay ka baxaan gobolka iyo Armenia, halka Armeniyana ay bilaabeen inay ka baxaan Azarbaijan. Markay ahayd 1992, khilaafkii qowmiyadeed ee u dhexeeyay Armenia iyo Azerbaijaan wuxuu isu beddelay dagaal daba dheeraaday oo muddo socday.
1991- Barlamaanka Azarbajaan ayaa u codeeyay in la soo celiyo madaxbannaanida.
1994- Armenia, Azarbajaan iyo Nagorno-Karabakh ayaa kala saxiixday heshiis xabad joojin ah. Armeniyiinta wali waxay xukumeen Nagorno-Karabakh iyo aag ka mid ah dhulka Azarbajaan ku hareeraysan.
Azarbajaan shirkado shidaalka soo saara oo caalami ah waxay la saxeexatay heshiis ay ugu magac dartay "tobanka qarniga" si ay u baadhaan ugana faaiidaystaan sadex goobood oo saliida laga helo.










