53 sano jir ciyaaryahan ah: Sidee ayay ugu suuragashay?

Xigashada Sawirka, Getty
Wareega labaad ee Horyaalka Jabbaan League caadiyan ma ahan mid soo jiito isha warbaahinta caalamiga ah. Laakiin markii kooxda heerka koowaad ee Yokohama FC ay la ciyaartay Sagan Tosu bishii hore, waxay qabsatay wararka adduunka oo dhan. Haddaba sababtu maxay tahay?
Sababta ugu weyn ayaa ah in kabtanka kooxda Yokohama, Kazuyoshi Miura, da'diisu ay tahay 53 sano jir .
Miura mustaqbalkiisa aan dhamaadka laheyn wuxuu soo jiitay taageerayaasha kubada cagta adduunka.
Markii la Kordhiyay qandaraaskiisa waxaa soo wariyay BBC iyo CNN. Wuxuu haystaa rikoorka Guinness ee "gooldhaliyaha adduunka ugu da'da weyn".
Qisadiisa, ayuu uga waramay BBC-da, waxayna xirfadiisa ballaaran bilaabatay xilligii Koobkii Adduunka ee 1970, xilligii ay ciyarayeen xidigaha dunida kubada cagta sida Pele.
Miura wuxuu ku soo barbaaray qoys caan ku ah kubbadda cagta ee Shizuoka, halkaas oo ciyaartu muddo dheer aad looga xiiseynayay. Walaalkiis ka weyn Yasutoshi isna wuxuu noqday ciyaaryahan xirfad dheeli tiran leh, aabahoodna wuxuu ahaa taageere kubad.
"Aabbahay wuxuu aaday Mexico 1970 si uu u daawado Koobka Adduunka," ayuu Miura yidhi, isagoo isticmaalaya aalad turjubaan. Ciyaaraha wuxuu ku duubay kaamiro muqaal oo loo yaqaannay waagaa 8mm. Waqtigaas, Pele ayaa ciyaarayay, waxaanan ku soo koray daawashada fiidiyowga aabbahay kasoo qaaday Pele. "
Miura da'diisu xilligaas 1970kii waxay ahayd saddex sano jir, balse fidiyoowgaas aabihiis soo duubay oo marwalbo uu daawanayay waxay noloshiisa ku yeelatay saameyn aad u weyn.
"Waxaan noqday qof taageero kubada cagta ee dalka Brazil," ayuu yiri. Tan iyo markii aan yaraa, waxaan doonayay oo aan ku hami qabay inaan u noolaado sidii ciyaaryahan xirfadle ah. "

Hase ahaate Miura aabihiis waxaa uu ku noolaan jiray dalka Brazil sidaa awgeedna wiilkan yar waxay danta ku qasabtay in iskoolka isaga baxo isagoo 15 sano jir ah.
Waqtigaas ma jirin J-League [horyaalkii Jabbaan ee waxaa uuu bilabmay sanadkii 1993]," Miura si wanaagsan ayuu u xusuusta. "Markaa ma jirin wado aan ku noqon karay xirfadle kubbadda cagta ee Japan."
Wuxuu qandaraas la saxiixday Juventus, koox ka dhisan Sao Paulo, laakiin xilligaasna uma aheyn bilow sahlan. Wuxuu ku noolaa hoy ay wada jifanayeen ciyaartooyda kale ee, da'doodu tahay 15 ilaa 20, luuaqadana ma uusan garanaynin.
"Waan fahmi kari waayey luqadda, dhaqankoodana ma ahayn mid aan garanayo oo waa uu ka duwanaa keyga, marka waxaan dareemay cidlo," ayuu yiri Miura. Saddexda bilood ee hore runtii way adkayd. "
Balse hamigiisu waa uu fogaa wuxuuna ku rajo weynaa in uu isbdel sameeyo sidaas daraadeedna waxaa uu ka qaybgalay tababaradaa, wuxuu bartay luuqada Bortuqiiska sababtoo ah waxaa uu Brazil u joogay in uu guulo gaaro oo qorshe labaad ma uusan lahayn.

Xigashada Sawirka, Getty
Sannadkii 1986, saddex sano ka dib markuu u guuray Brazil, Miura wuxuu u qandaraas la saxiixday kooxda Santos, halkaas oo Pele - xiddigii fiidiyowyadiisa uu daawan jiray uu ka ciyaari jiray.Wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku sugnaa Brazil, oo uu dhowr kooxod u ciyaaray, wax ka badan afar sano.
Japan ayuu dib ugu laabtay sanadkii, 1990kii isagoo ah xiddig magac leh. Sanadkii 1993diina markii uu furmay horyaalka Japan oo Miura waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu qiimaha badan - wuxuuna ka guuleystay ciyaartoy kale sida, ciyaaryahanka, England ee Gary Lineker.
Sanadkii 1994, waxaa amaah ahaan ula soo wareegtay kooxda Genoa oo ka dhisan dalka Talyaaniga, wuxuuna noqday laacibkii ugu horreeyay ee Jabbaan ah ee ka ciyaara horyaalka Serie A.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin wali muxuu u ciyaaray
Sanadkii 2005tii isagoo da'diisu ay tahay 38 jir, Miura wuxuu u qandaraas la saxiixday naadigiisa haatan, Yokohama FC, ee ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Japan. Wuxuu noqday ciyaaryahan muhiim ah, isagoo ciyaaray 39 jeer maaddaama kooxdu guuleysatay oo ay u gudubtay heerka ugu sare ee naadiga 2006.
In kasta oo kooxdu dib loo soo celiyay hal xilli ciyaareed kadib, Miura wuxuu kooxdiisa Yokohama ka noqday ciyaartooy muhiim illaa inta da'diisu ka gaaraysay 40 sano jir. 2016, wuxuu ciyaaray 20 jeer, wuxuuna dhaliyay labo gool.
Miura marar dhif ah ayuu dhaawacmay, waxaanuu caan ku yahay jir dhiska. BBC-da ayuu lahadlay tababarka kadib.
"Xaqiiqdii, waxay igu qaadataa waqti ka dheer kan da 'yarta inaan dhaawac kasoo kabto," ayuu yidhi. "Laakiin inkasta oo ay aad u adag tahay, waxaan leeyahay hamiga aan ku doonayo inaan ciyaaro, marka arrintaan ayaa marwalbo ii dhiira geliso."
Sanadkii 1998dii, wax yar uun ka hor Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee ay Japan ka qayb gasho, Miura waxaa laga saaray kooxda, inkastoo kooxda laga saaray isgaoo magac iyo sumcad ku dhex leh sidoo kalena caan ah ayaa haddana waxaa ugu muhiimsan ee ciyaaryahanka ayaa ah in loo yaqaanaa inuu yahay qof wanaagsan.
Alan Gibson , waa Tifaftiraha joornaalka J Soccer, wuxuu markii ugu horreysay la kulmay Miura 1993, wuxuuna garsoore u noqday dhowr jeer, kulamada saaxiibtinimo,markii uu u ciyaarayay kooxda Vissel Kobe horaantii sanadka 2000.
''Wuxuu ahaa nin akhyaar ah aad ayaana u jeclaystay ciyaartiisa inta aan Garsoore u ahaa'' ayuu yiri Gibson.
''Qof walbo ayaa jecel maadama uu yahay boqorka kubbadda cagta, balse ma uusan ka qayb gelin koobkii adduunka balse madama uuhaatan kooxdan Yokohama u ciyaaro muddo dheer haddana wax koob ah ma aysan qaadin''.
Miura waxaa badanaa la weydiiyaa waxa "qarsoon " ee ku saabsan xirfaddiisa. Wuxuu ku adkeysantaa mar walbo inaysan jirin wax qarsoodi u ah - oo aan ka ahayn in qofku shaqadiisa ka adkaada iyo dadaal.










