Madaxwayne Trump walaalkii oo geeriyooday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Robert Trump, oo la dhashay madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa geeriyooday, waxaa sidaasi xaqiijiyay aqalka cad.
" Ma uusan ahayn walaalkey oo kali ah ee waxaa uu ahaa saaxibkeey," waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan uu soo saaray Donald Trump.
Madaxwaynaha ayaa jimcihi walaalkii ku booqday isbataal ku yaalla magaalada New York islamarakna waxaa uu u sheegay warbaahinta"in uu walaalkii aad u xanunsanayo."
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Robert Trump uu aad u xanuunsanaa muddooyiinkii dambe, balse ma cadeyn waxa uu xanuunkiisa ahaa.
"Waa mid aad murogo u leh inaan idinla wadaago in walaalkey, Robert, uu caawa geeriyooday," ayuu bayaankiisa ku yiri madaxwayne Trump.
"Xusuustiisa qalbigeyga kama go'o doonto." Ayaa intaa ku daray.
Robert Trump waa qofka ugu da'da yar 5-ta qof ee ay walaalaha yihiin Trump, islamarkana waxaa uu labo sano ka yaryahay madaxwayne Donald Trump.

Xigashada Sawirka, TRUMP CAMPAIGN
Robert ayaa noolashiisa inta badan ku guda jiray ganacsiga qoyska ee dhanka guriyaha.
Robert Trump ma uusan jeclayn caannimada si la mid ah madaxwayne Donold Trump .
Sida uu qoray wargeyska New York Post, Robert ayaa toddobaadkii ugu dambeeyay ku jiray qeybta xaaladda deg-dega ah ee isbataalka Manhattan's Mount Sinai ee magaalada New York.










