"Noolasheyd dhan way isbedeshay maalintii la waayay walaalkey"

Xigashada Sawirka, Wasawat Lukharang/BBC Thai
"Ma neefsan karo, ma neefsan karo." Waa erayadii ugu dambeeyay ee walaalkeeda uu ku qaaylinayaay ee ay maqashay Sitanan Satsaksit.
Taleefoonka ayay kula hadlaysay habenimadii, 4 June, markaasi oo uu u sheegay in ay khadka ku sii jirto.
Ka dib Sitanan waxay maqashay dhawaq wayn.
"Markii hore waxaan mooday in uu shil gaari galay," waxay sidaasi u sheegtay BBC.
Ka dib ayay Sitanan maqashay qeeylada walaalkeed halka nin kalana uu ku qaaylinayay luuqadda loo yaqaano Khmer, oo ah af aysan fahmaynin.
Walaalkeed, Wanchalearm, oo sidoo kale loo garanayay Tar, ayaa cunno ka soo qaadanayay meel ka soo horjeedaa gurigiisa oo ku yaalla caasimada Cambodia, Phnom Penh.
Wuxuu halkaas u cararay ka dib markii xukuumadda Thailand ay dalbatay in la soo xiro, markii uu ka soo horjeestay xukunka militari ee awoodda la wareegtay 2014-kii.
Balse Wanchalearm gaari ma jiirin ee waa la afduubtay.
Waa la waayay

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen koox rag ah oo hubaysan oo Wanchalearm xoog ku galiyay gaari madow oo yar.
Sitanan oo wareersan kana naxsan arrintaas ayaa codka walaalkeed oo afka la hayo sii maqlaysay 30 daqiiqo oo kale, ka dib ayuuna taleefoonkii go'ay.
"labaatan daqiiqo ka dib qof ayaa i soo wacay wuxuuna iigu yiri "isdaji walaal, Tar waa la afduubtay," ayay tiri Sitanan.
Wanchalearm Satsaksit, oo ay da'diisu tahay 37, xilligaas ayaa warkiisa dad ugu dambeysay.
Waa qofkii 9-aad oo ah dadka dhaliila militariga Thailand oo la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen sannadihii ugu dambeeyay.
Nolosha walaashii oo 48 sano jir ah, kana shaqeysato magaalada Bangkok, ayaa gabi ahaan isbedeshay tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay.

Xigashada Sawirka, Facebook/Wanchalearm Satsaksit
Sitanan waxay saaxiib dhow la ahayd walaalkeed Wanchalearm.
Waa qoys dhaqaalahoodu dhexdhexaad yahay kana kooban 5 qof oo ay hogaamiso Sitanan eedadeed ee aabaheed uu ka dhintay oo 63 sano-jir ah.
Walaalkeed Tar ayaa muddo sanado badan dhumaaleysi ku jiray, ka hor inta uusan shaacin in uu ku sugan yahay Phnom Penh, mar uu la so xiriiray qoyskiisa.
Halista ay leedahay in aad musaafuris ku noolaato

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wanchalearm wuxuu qeyb ka yahay dad badan oo musaafuris dibadda ugu nool mucaaradna ku ahaa dowladda militariga, axayna doorbideen in nolol nabad ah ka raadsadaan dalka Combodia oo daris la ah Thailand.
Balse marka xaqiiqada laga hadlo, in arrintaasi lagu dhaqaaqo waa mid halisteeda leh.
Ugu yaraan 8 qof oo kale oo u ololeyn jiray dimuqraadiyadda ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay afgembigii 2014 la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Meydadka Chatcharn Buppawan iyo Kraidej Luelert oo musaafuris dibadda ah ku noolaa, ayaa laga helay wabiga ku yaalla xuduuda Mekong sannadkii aanu soo dhaafnay.
Ciidamada dalka Thailand waxay sheegeen in aysan waxba ka ogeyn waxa dhacay.
Jakrapob Penkair, oo ahaa afhayeenkii dowladdii Thaksin Shinawatra, ayaa si musaafuris ah dibadda ugu noolaa tan iyo 2009, markaas oo uu helay warar sheegaya in la doonayo in la dilo.
Waxay muddo sanado ah is yaqiineen Wanchalearm.
Jakrapob oo BBC la hadlay isaga ku sugan goob aan la shaacin wuxuu sheegay in uu aad uga naxay in saaxibkii la waayo.
Wuxuu u arkaa in xilligan uusan nooleyn Wanchalearm.
"Waxaan u maleynayaa in ay fariintu tahay: "aan dilno dadkan".
"Kuwan waa dadka aan inaga mid ahayn, waana dad naga duwan. Waa in la dilaa si xaaladda caadi loogu soo celiyo,'" ayuu hadalka ku daray Jakrapob Penkair.
Isaga bixidda u ololeynta arrimaha bulshada
"Markii ugu dambeysay ee aan kulanno waxay ahayd mar aan Koonfur Afrika ku sugnayn, sannadkii 2018-kii.
Wixii xilligaa ka dambeeyay baraha bulshada ayaan ku xiriiri jirnay."
Sitanan ayaa xusuusata markii ay BBC laanta Thai la hadashay bartamihii bishii-July.
Waxay walaalkeed kala hadashay in ay magangalyo u raadsadaan dalka Faransiiska, balse waxay markii dambe wada go'aansadeen in ay sii joogaan Cambodia, si ay u sii wadaan mustaqbalka ganacsigooda.

Xigashada Sawirka, Narin Sun/BBC Thai
"Wuxuu u sheegay in uusan doonayn in uu iska joogo dalalka Yurub," ayay tiri, .
Waxay intaa ku dartay in walaalkeed uu aqoon iyo xiriirba la lahaa ganacsato dalka Cambodia deggan.
Sitanan waxay farta ku fiiqaday in Wanchalerm uu ku dhawaa in u faraha isaga qaado howlaha u ololeynta arrimaha bulshada ee dalkiisa.
"Isaga oo raacaya taladeyda, wuxuu doonayay in uu isaga tago howsha u ololeynta arrimaha bulshada, wuxuuna qorsheynayay in uu dhiso mustaqbalkiisa ganacsi."
Dhacadadan ayaa qoyskiisa u geysatay jug culus, waxayna la daalaa dhacayaan murugo, kalinimo iyo isku buuq.

Xigashada Sawirka, Thai News Pix
Sitanan Satsaksit ayaa wixii ka dambeeyay markii walaalkeed la waayay, bilawday in ay ka hadasho fagaarayaasha ayna iskudeydo in ay shaaciso in walaalkeed la waayay.
"Mar dhaw ayaan ogaaday in dalka Thailand ay ka jiraan illaa 90 kiis oo ah dad la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waana tiro laga muujiyay qeylo dhaan. Illaa 9 ka mid ah tiradaasi ayaa la waayay ka dib afgembigii 2014 ," ayay tiri.
Nolol cusub iyo saaxiibo cusub
Arrintan waxay badashay nolasheeda iyo saaxibadeed, balse Sitanan waxay sheegtay in dadka qaar ay walaac ka qabaan xaaladdeeda nabadgelyo.

Xigashada Sawirka, Amnesty International Thailand
Inkastoo ay sheegtay in qoyskeeda aanan loo hanjabin, haddana waxay ku jirtaa taxadar iyo digtooni ka dib markii qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada ay uga digeen in la bartilmaameedsan karo.
Waxay yeelatay saaxibo cusub oo ah dadka arrimaha bulshada u ololeeya, kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha, qareenno iyo qaar ka mid ah dadka eheladooda la waayay.
"Waxaa fursad u helay inaan la kulmo xaasaska iyo hooyooyiinka saddex ka mid ah dadka la waayay, waxaana dareemay inaan arrintan keli ku ahayn.












