Muqdisho: Quruxda laga sameeyo Lafaha xoolaha ee la qubo

.
Qoraalka sawirka, Lafaha xoolaha ayaa laga sameeyaa qalab dib loo suuq geeyo

Koox dhalinyaro Soomaali ah, oo ganacsato ah, ayaa magaalada Muqdisho ka billaabay hannaan cusub oo ganacsi, kaasoo ay magaalada uga aruurinayaan lafaha xoolaha ee la qubay, iyagoo kasoo saara waxyaabo aad u qurux badan oo dib loo sii iibiyo.

Dhalinyaradan ayaa howshan u adeegsada warshad lagu farsameeyo qalabka la isku qurxiyo, waxaana ay baddalaan lafaha ay soo aruuriyeen.

Qalabka laga farsameeyo lafaha ayaa dib loogu soo bandhigaa suuqyada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwo ay dadku aad u jecel yihiin.

.
Qoraalka sawirka, Tusbaxa wuxuu leeyahay dalabka ugu badan

Abuukar Cismaan Abuukar, oo ah maamulaha shirkadda qalabkan farshaxanka ah sameysa, oo lagu magacaabo Muumin, ayaa BBC-da uga warramay gacansigan cajiibka ah ee ay ku howlan yihiin.

"Walaal fikirkaan mar hore ayuu nagu dhashay, xilligii dagaallada ka hor waxaan ka shaqeyn jirnay farshaxanka lafaha maroodida, laakiin markii ay waddanka dagaallo ka dhaceen waxaa adkaatay in la helo lafaha maroodiga, sidaas darteed waxaan farsamada u baddalnay lafaha geela, geesaha lo'da iyo qolofta qubada ama diidiin badeedka. Farsamadanna waxaa na baray odayaashii hore ee macallimiinta ahaa, annaguna waxaan sii gaarsiinnay horumar kale", ayuu yiri Abuukar.

.
Qoraalka sawirka, Horay waxaa qalabkan looga sameyn jiray lafaha maroodiga, balse hadda waxaa loo baddalay lafaha geela

Wuxuu Abuukar noo sheegay in farsamadan markii ugu horreysay laga dhaxlay gumeystihii talyaaniga ee dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah qabsaday.

Mar uu ka hadlayay qalabka kala duwan ee ay Lafaha ka sameeyaan, iyo noocyada loogu jecel yahay ayuu Abuukar yiri: "Waxyaabaha aan lafaha ka sameyno sheyga aad noogu gadma waa tusbaxa, dalabkiisuna wuu badan yahay, waxaa kale oo aan ka sameynaa waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan, sida jijimaha, iyo alaabo kale oo dahabka iyo qalinka la galiyo, sida kooraha, faraantiyada iyo dhagahaba".

.
Qoraalka sawirka, Dadka ayaa aad u jecel inay iibsadaan qalabkan

Farshaxanka ay shirkaddan lafaha ka sameyso kuma koobna oo kaliya qalabka la isku qurxiyo ama tusbaxyada.

Waxay sidoo kale sameeyaan qalabka la dhigto xafiisyada iyo kuwo loo adeegsado makhaayadaha.

.
Qoraalka sawirka, Farsamadan ayaa laga dhaxlay gumeystayaashii dalka qabsaday

Dhalinyaradan ayaa sheegay inaysan jirin cid ka caawisa howshan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba, balse ay iyagu halabuurinimadooda kusoo saaraan qalabkaas.

Ganacsiga noocan ah ayaa khaas ku ah warshadda ay dhalinyaradan hirgaliyeen, waana mid kaalin muhiim ah uga jira bulshada.