Qasriga boqortooyada Thailand oo baahiyay sawirro gaar ah oo laga qaaday afada boqorka

Xigashada Sawirka, EPA
Sawirro dhif iyo naadir ah ayaa waxaa laga soo qaaday haweeneyda cusub ee ka mid noqotay boqortooyada.
Sineenat Wongvajirapakdi, oo 34 jir ah ayaa ka muuqatay qebta hore ee mid ka mid ah diyaaradahada dagaalka taas oo xirnayd qalabka difaaca oo dhameystiran iyo qori.
Boqor Maha Vajiralongkorn, oo 67 sano jir ah , ayaa bishii July Sineenat siiyay magaca laba bilood uun ka dib markii uu guursaday boqorad Queen Suthida, oo ay ahayd xaaskiisii afaraad.
Sineenat, oo ah general, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyay oo ay boqortooyada ku maamuusto magacaasi ku dhowaad qarni.

Xigashada Sawirka, Reuters
Website-ka baahiyay sawirada ayaa la sheegay in uu hawada ka baxay, sidaasi waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxaa sidoo kale sawirada lala daabacay waayihii nolosha ee Sineenat.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixin ay soo saartay boqortooyada Thailand ayaa lagu sheegay in boqorka uu amar ku bixiyay in la qoro sooyaalka nolosha ee Sineenat taas oo ah duuliye, neeris iyo ilaalada gaarka ah ee boqorka.
Boqorad Suthida oo 41 sano jir ah ayaa ahayd taliye ku xigeenkii hore ee ilaalada gaarka ah ee boqorka, waxaana inta badan la arki jiray iyadoo ka dhow boqorka.
Waxa uu dalacsiiyay ka dib markii uu aabihii dhintay sannadkii 2016-kii.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, EPA










