Waa noocee doorashada waqtigeeda ku dhaci karta ee ay ku baaqeen Farmaajo iyo Kheyre?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, Nairobi
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku raacay in aysan dowladdooda sameysan doonin muddo kororsi, doorashadana ay xilligii loogu talagalay ku dhici doonto. Laakiin hadalkooda ayaa su'aalo badan dhaliyay.
Shir ay muuqaal ahaan ku yeesheen golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ayuu Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku sheegay in muddo kororsi ay horseedi karto qalalaase siyaasadeed, sidaas awgeedna ay lagamamaarmaan tahay in doorashada la waafajiyo xilligeeda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kaddib isagana soo saaray bayaan uu ku taageerayo mowqifka Ra'iisul Wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada.
Hase yeeshee, waxaa la is weydiinayaa sida ay isu waafaqi karaan hadallada mas'uuliyiinta dowladda iyo qorshaha guddiga doorashada, oo guddoomiyahooda ay dhawaan muujisay in doorashada ay suurtagal tahay mid dib uga dhaceysa xilligii loo qorsheeyay.
Gudoomiyaha Guddiga doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Baarlamaanka u soo bandhigtay labo qaab oo doorashada Soomaaliya u dhici karto, balse mid kasta uu sababayo dib u dhac.
'Hadalka Farmaajo iyo Kheyre wuxuu ku wajahan yahay shirka madaxda maamul gobleedyada'
Laakiin dadka qaar waxay dhawaaqii shalay kasoo yeeray madaxda dowladda federaalka ku qeexeen mid ay hordhac uga sii dhigayaan hadal walba oo doorashada ku saabsan oo kasoo bixi kara shirka ay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin magaalada Dhuusamareeb.
Rooble Daahir, oo ah aqoonyahan falanqeeya siyaasadda, ayaa qaba ra'yiga noocaas ah.

Xigashada Sawirka, Rooble Daahir
"Anigu waxaan rumeysanahay in hadalka kasoo baxay labada xafiis ee madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha loo turjuman karo dhowr siyaabood oo tan koowaad ay tahay inuu u muuqdo mid lagu macne tirayo shirka dowlad goboleedyada uga billaabanaya Dhuusamareeb, sababtoo ah dowladdu way ka hadashay arrimaha doorashooyinka, qaabkii ay markii hore uga hadashay xukuumaddu wuxuu ahaa mid sahlan, laakiin way kala duwan yihiin hadalkii hore iyo kii ugu dambeeyay ee kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha," ayuu yiri Rooble.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in hadallada iska daba yimid ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha laga dareemi karo "ismaandhaaf" u dhaxeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka.
"Macnaha labaad ee uu hadalka Farmaajo iyo Kheyre yeelan karo waa in uu jiray khilaaf oo laga dheehan karo labada qaab ee ay u kala hadleen, laakiin wuxuu ahaa khilaaf laga afgobaadsaday," ayuu yiri.
Doorasho noocee ah ayaa dhici karta?

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Wali ma cadda nooca doorasho ee dhici karta iyadoo aan wax muddo kororsi ah la sameynin, sidoo kalena la eegayo ballanqaadkii ay dowladda sameysay ee ahaa in doorashadan ay noqon doonto mid qof iyo cod ah.
Kheyre ayaa doorashada oo waqtigeeda la dhaafiyo ku tilmaamay arrin khaldan.
"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu Ra'iisul Wasaaruhu yiri.
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay mowqifka golaha wasiirradana ma uusan xaqiijinin nooca doorasho ee waqtigeeda ku dhaceysa, laakiin wuxuu sheegay in dastuurka la waafajin doono.
Rooble Daahir, oo qodobkaas falanqeeyay ayaa sheegay in labo nooc oo doorasho kaliya ay dhici karaan.
"Haddii la sameynayo doorasho qof iyo cod ah waa in loo hoggaansamo hadalkii guddiga doorashada - kaasoo haddii la raacana ay xilligii loogu talagalay dhaafeyso - iyo in haddii doorasho taas ka duwan la qabanayo ay dowladda federaalku la fariisato maamul goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda, kana tashadaan nooc doorasho oo la isku waafaqi karo.
Muxuu guddiga doorashada ka yiri nooca doorashada dhici karta?

Xigashada Sawirka, Guddiga Doorashada
"Middka koobaad waa in dadka la diiwaan geliyo oo sawirro laga qaado. Qofkii laba jeer ama seddax jeer is diiwaangeliyayna la raadiyo; markii nadiif laga dhigo ka dibna dadka kaararka loo qeybiyo ka dibna codeynta la qabto. Kaas waqtigiisu wuu dheeryahay, illaa August 2021-ka ayaan qaban karnaa", ayey tiri, iyadoo BBC News Somali la hadleysay.
"Hannaankaas wuxuu u baahan yahay qarash gaaraya illaa $69 milyan. Wuxuu leeyahay wanaag iyo cillado, waana u kala dhignay.
- In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
- In hay'adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.
- In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
- In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.
- In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.
- Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
- Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
- Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda
- Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
- Ololaha Doorashada Xisbiyada.
- Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)
"Midka kale waxaa waaye; in maalinta codeynta uu qofka imaado isagoo aan horey loo diiwaan gelin - ka dibna magaca ayaa laga qorayaa warqaddii codeyntaa la siinayaa, qadna farta baa loo gelinayaa, sidaas ayuuna ku codeynayaa. Kaasna waxaa ku baxaya qarash gaaraya $45 milyan".
"Labadaba waxaan u baahannahay in sharcigooda aan haysano illaa bisha July (ee sannadkan)," ayey hadalka ku dartay.










